| ← Psalms (114/150) → |
| 1. | Markay reer binu Israa’iil Masar ka soo bexeen, Oo ay reerkii Yacquub dad af qalaad ka soo bexeen, |
| 2. | Ayaa Yahuudah noqday meeshiisa quduuska ah, Israa’iilna noqday meeshuu u talinayay. |
| 3. | Baddii way aragtay, wayna carartay, Webi Urdunna dib baa loo celiyey. |
| 4. | Buurihii waxay u boodboodeen sidii wanan, Kurihiina sidii baraar. |
| 5. | Baddoy, bal maxaa kugu dhacay oo aad u cararaysaa? Webi Urdunow, maxaad dib ugu noqonaysaa? |
| 6. | Buurahow, bal maxaad ugu boodboodaysaan sida wanan? Kuraha yaryarow, bal maxaad ugu boodboodaysaan sida baraar? |
| 7. | Dhulkow, ku gariir Sayidka hortiisa, Ilaaha reer Yacquub hortiisa ku gariir, |
| 8. | Kaas oo dhagaxii u beddelay balli biyo ah, Oo dhagaxmadowgiina u beddelay il biyo ah. |
| ← Psalms (114/150) → |