← Psalms (113/150) → |
1. | Rabbiga ammaana. Rabbiga addoommadiisow, ammaana. Rabbiga magiciisa ammaana. |
2. | Hadda intii ka bilaabata iyo tan iyo weligeedba Rabbiga magiciisu mahad ha lahaado. |
3. | Qorraxdu markay soo baxdo iyo markay dhacdo inta ka dhex leh Magaca Rabbiga waa in la ammaano. |
4. | Rabbigu quruumaha oo dhan wuu ka wada sarreeyaa, Ammaantiisuna samooyinka way ka sii sarraysaa. |
5. | Bal yaa la mid ah Rabbiga Ilaaheenna ah, Oo kursigiisa ku leh xagga sare, |
6. | Oo hoos u eega Waxyaalaha samada ku jira iyo waxyaalaha dhulka yaalba? |
7. | Wuxuu miskiinka kor uga qaadaa ciidda, Oo kan baahanna wuxuu sara uga qaadaa meesha digada, |
8. | Inuu isaga la fadhiisiyo amiirro, Kuwaas oo ah amiirrada dadkiisa. |
9. | Oo naagtii madhalays ahna wuxuu ka dhigaa inay reer hayso, Iyo inay ahaato hooyo faraxsan oo carruur leh. Rabbiga ammaana. |
← Psalms (113/150) → |