← Psalms (103/150) → |
1. | Naftaydoy, Rabbiga ammaan, Oo inta igu jirta oo dhammay, ammaana magiciisa quduuska ah. |
2. | Naftaydoy, Rabbiga ammaan, Oo ha illoobin wanaagga uu kuu sameeyo oo dhan. |
3. | Isagaa kaa cafiya dembiyadaada oo dhan, Oo kaa bogsiiya cudurradaada oo dhan, |
4. | Oo naftaada ka badbaadiya halligaadda, Oo raxmad iyo naxariis kugu barakeeya, |
5. | Oo kaa dhergiya waxyaalaha wanwanaagsan, Si ay dhallinyaranimadaadu ugu cusboonaato sida gorgorka oo kale. |
6. | Rabbigu wuxuu falaa xaqnimo, Gar buuna u gooyaa kuwa dulman oo dhan. |
7. | Isagu wuxuu Muuse garansiiyey jidadkiisii, Reer binu Israa’iilna falimihiisii. |
8. | Rabbigu waa raxmad badan yahay, waana nimco miidhan, Cadho wuu u gaabiyaa, waana naxariis badan yahay. |
9. | Isagu had iyo goor wax canaanan maayo, Oo sii cadhaysnaan maayo ilaa weligiis. |
10. | Isagu inoolama uu macaamiloon sidii dembiyadeennu ahaayeen, Oo inooguma uu abaal marin sidii xumaatooyinkeennu ahaayeen. |
11. | Waayo, sida samadu dhulka uga sarrayso, Sidaas oo kalaa naxariistiisu ugu weyn tahay kuwa isaga ka cabsada. |
12. | Sida barigu uga fog yahay galbeedka, Sidaas oo kaluu xadgudubkeennii inooga fogeeyey. |
13. | Sida aabbe carruurtiisa ugu naxo oo kale Ayaa Rabbigu ugu naxaa kuwa isaga ka cabsada. |
14. | Waayo, abuuristeenuu og yahay, Oo wuu xusuusan yahay inaan innagu ciid nahay. |
15. | Laakiinse dadka cimrigiisu waa sida doog oo kale, Sida ubaxa berrinka ayuu u barwaaqoobaa. |
16. | Waayo, dabayl baa dul marta, wuuna baabba’aa, Oo meeshiisiina mar dambe ma aqoon doonto. |
17. | Laakiinse Rabbigu wuxuu u naxariistaa kuwa isaga ka cabsada weligiis iyo weligiisba, Oo xaqnimadiisuna waxay la jirtaa carruurta carruurteeda, |
18. | Kuwaas oo ah kuwa axdigiisa xajiya Iyo kuwa amarradiisa xusuusta oo wada yeela. |
19. | Rabbigu carshigiisii wuxuu ka dhistay samooyinka, Oo boqortooyadiisuna wax walbay u talisaa. |
20. | Malaa’igihiisa xoogga badan oo eraygiisa oofiya Oo codka hadalkiisa maqlow, Rabbiga ammaana. |
21. | Rabbiga ammaana, ciidammadiisa oo dhammow, Idinkoo ah midiidinyadiisa wuxuu doonayo sameeyow, |
22. | Shuqulladiisa oo dhammow, Rabbiga ku ammaana Meel kasta oo dowladnimadiisa ahba, Naftaydoy, Rabbiga ammaan. |
← Psalms (103/150) → |