| Psalms (1/150) → | 
| 1. | Waxaa barakaysan ninkii aan ku socon talada kuwa sharka leh, Oo aan istaagin jidka dembilayaasha, Oo aan ku fadhiisan kursiga kuwa wax quudhsada. | 
| 2. | Laakiinse waxaa isaga ka farxiya sharciga Rabbiga, Oo habeen iyo maalinba sharcigiisuu ka fikiraa. | 
| 3. | Oo wuxuu ahaan doonaa sida geed lagu beeray durdurrada biyaha agtooda, Oo midhihiisa dhala xilligooda, Oo aan caleentiisuna engegin. Oo wax alla wuxuu sameeyoba wuu ku liibaani doonaa. | 
| 4. | Laakiinse kuwa sharka lahu sidaas ma aha, Iyaguse waxay la mid yihiin buunshaha dabayshu kaxayso. | 
| 5. | Sidaas daraaddeed kuwa sharka lahu isma dhex taagi doonaan xukunka, Dembilayaashuna sooma dhex geli doonaan kuwa xaqa ah ururkooda. | 
| 6. | Waayo, Rabbigu waa yaqaan kuwa xaqa ah jidkooda, Laakiinse kuwa sharka ah jidkoodu waa baabbi’i doonaa. | 
| Psalms (1/150) → |