| ← Proverbs (7/31) → |
| 1. | Wiilkaygiiyow, erayadayda xaji, Oo amarradaydana xaggaaga ku kaydso. |
| 2. | Amarradayda xaji aad noolaatide, Oo sharcigaygana sida ishaada inankeeda u dhawr. |
| 3. | Farahaaga ku xidho, Oo looxa qalbigaagana ku qoro. |
| 4. | Waxaad xigmadda ku tidhaahdaa, Adigu waxaad tahay walaashay, Oo waxgarashadana waxaad ugu yeedhaa, saaxiibadday gacalisoy, |
| 5. | Si ay iyagu kaaga celiyaan naagta qalaad, Taasoo erayadeeda kugu sasabata. |
| 6. | Waayo, anigoo jooga daaqadda gurigayga Ayaan shabagga daaqadda wax ka fiiriyey, |
| 7. | Oo kuwa garaadka daran ayaan fiiriyey, oo waxaan barbaarrada ku dhex arkay Nin dhallinyaraa oo aan innaba waxgarasho lahayn, |
| 8. | Isagoo maraya dariiqa xaafaddeeda u dhow, Oo wuxuu raacay jidkii gurigeeda, |
| 9. | Oo waxay ahayd gabbaldhac oo makhribka ah, markii habeenkii madoobaanayay oo gudcur noqonayay. |
| 10. | Oo bal eeg, waxaa isagii ka hor timid naag Sidii dhillo u lebbisan, oo qalbigeedu khiyaano miidhan yahay. |
| 11. | Iyadu waa rabshad badan tahay, waana caasiyad, Oo gurigeeda cag sooma dhigto. |
| 12. | Mar dibadday joogtaa, marna dariiqyaday maraysaa, Oo rukun kasta wax bay ku sugtaa. |
| 13. | Haddaba isagii way qabsatay, oo dhunkatay; Iyadoo aan wejigeedu xishood lahayn ayay waxay isagii ku tidhi, |
| 14. | Anigu waxaan hayaa allabaryo nabdeed, Oo maanta ayaan nidarradaydii bixiyey. |
| 15. | Haddaba waxaan u soo baxay inaan kula kulmo, Oo aan aad iyo aad wejigaaga u doondoono, waanan ku helay. |
| 16. | Sariirtaydii waxaan ku goglay durraaxado daabac leh, Iyo marooyin duntii Masar laga sameeyey. |
| 17. | Waxaan sariirtaydii ku cadariyey Malmal iyo cuud iyo qorfe. |
| 18. | Kaalay, oo aan caashaq ka dheregno ilaa aroorta, Oo aynu jacayl ku faraxsanaanno. |
| 19. | Waayo, ninkaygii guriga ma joogo, Oo meel fog buu u sodcaalay, |
| 20. | Kiish lacag ahna wuu qaatay, Oo wuxuu guriga ku soo noqon doonaa markuu dayaxu caddaado. |
| 21. | Hadalkeedii badnaa oo macaanaa ayay isagii isku yeelsiisay, Oo waxay isagii ku qasabtay faankii beenta ahaa oo bushimeheeda. |
| 22. | Oo haddiiba iyadii buu daba galay, Sidii dibi loo wado in la gowraco, Ama sidii nacas loo wado in silsilado lagu jebiyo, |
| 23. | Jeer fallaadh beerka lagaga wareemo, Sida shimbiru dabinka degdeg ku gasho, Iyadoo aan ogayn in loo dhigay si nafteeda loo qaado. |
| 24. | Haddaba sidaas daraaddeed, wiilashoy, bal i maqla, Oo erayada afkayga dhegaysta. |
| 25. | Qalbigiinnu yaanu jidadkeeda u leexan, Oo waddooyinkeedana ha ku dhex habaabina. |
| 26. | Waayo, iyadu waxay ridday kuwa badan oo dhaawacan, Sida xaqiiqada kuway laysay aad bay u badan yihiin. |
| 27. | Gurigeedu waa jidkii She’ool, Oo wuxuu hoos ugu dhaadhacaa dhimashada qolladaheeda. |
| ← Proverbs (7/31) → |