| ← Proverbs (6/31) → |
| 1. | Wiilkaygiiyow, haddaad deriskaaga dammiin u noqotid, Ama haddaad shisheeye gacanta dhaar ugu dhiibtid, |
| 2. | Markaas waxaa lagugu dabay erayada afkaaga, Oo waxaa lagugu qabtay erayada afkaaga. |
| 3. | Haddaba, wiilkaygiiyow, bal waxan samee oo isa samatabbixi, Waayo, gacantii deriskaagii waad gashay; U tag, oo is-hoosaysii, oo deriskaaga bari. |
| 4. | Indhahaaga hurdo ha isugu keenin, Oo indhahaaga daboolkoodana lulo ha isugu qaban. |
| 5. | Isu samatabbixi sida cawl gacanta ugaadhsadaha uga baxsato, Iyo sida shimbir gacanta shimbirdabaha uga baxsato. |
| 6. | Kaaga caajiska ahow, bal qudhaanjada u tag, Oo bal jidadkeeda u fiirso oo caqli yeelo, |
| 7. | Iyadoo aan lahayn madaxweyne, Sirkaal iyo taliye toona, |
| 8. | Ayay guga cuntadeeda soo diyaarsataa, Oo quudkeedana waxay soo urursataa wakhtiga beeraha la goosto. |
| 9. | Haddaba kaaga caajiska ahow, ilaa goormaad hurdaysaa? Goormaadse hurdadaada ka toosaysaa? |
| 10. | Weliba, in yar baad seexataa, in yar baad lulootaa, Oo in yar baad gacmaha hurdo aawadeed u laabataa, |
| 11. | Hadda caydhinimadaadu waxay u iman doontaa sida mid dad dhaca, Oo baahidaaduna waxay u iman doontaa sida nin hub wata. |
| 12. | Qofkii waxmatare ah, iyo ninkii sharrow ahuba, Wuxuu ku socdaa af qalloocan; |
| 13. | Indhihiisuu ku baaqaa, oo cagihiisuu ku hadlaa, Oo faruhuu wax ku baraa; |
| 14. | Qalbigiisa qalloocnaan baa ku jirta, had iyo goorna wuxuu ku fikiraa shar, Oo wuxuu beeraa muran. |
| 15. | Haddaba sidaas daraaddeed masiibadiisu degdeg bay u iman doontaa, Oo dhaqso buu u jabi doonaa, dawona ma leh. |
| 16. | Waxaa jira lix waxyaalood oo uu Rabbigu neceb yahay, Haah, toddoba ayaa naftiisu aad u karahdaa, |
| 17. | Waana indho kibir badan, carrab been sheega, Iyo gacmo dhiig aan eed lahayn daadiya, |
| 18. | Qalbi male shar ah hindisa, Iyo cago xumaan ku degdega, |
| 19. | Markhaati been ah oo been sheega, Iyo kii muran dad walaalo ah ku dhex beera. |
| 20. | Wiilkaygiiyow, qaynuunka aabbahaa xaji, Oo amarka hooyadaana ha ka tegin. |
| 21. | Had iyo goorba qalbiga ku sido, Oo qoortana ku xidho. |
| 22. | Markaad socotid wuu ku hoggaamin doonaa, Oo markaad seexatidna wuu ku dhawri doonaa, Markaad toostidna wuu kula hadli doonaa. |
| 23. | Waayo, qaynuunku waa laambad, amarkuna waa iftiin, Oo canaanashada edbintuna waa jidkii nolosha, |
| 24. | Inay kaa dhawraan naagta sharka ah, Iyo sasabashada carrabka naagta qalaad. |
| 25. | Quruxdeeda qalbigaaga ha ka damcin, Oo yaanay indhaheeda daboolkooda kugu sasaban. |
| 26. | Waayo, naag dhillo ah aawadeed waxaa nin la gaadhsiiyaa go' kibis ah, Oo dhilladuna waxay ugaadhsataa nafta qaaligaa. |
| 27. | Miyuu nin laabta dab ku qaadi karaa, Iyadoo aan dharkiisu guban? |
| 28. | Miyuu mid dhuxul kulul ku kor socon karaa, Iyadoo aan cagihiisu guban? |
| 29. | Haddaba sidaas oo kaluu noqdaa kii naagta deriskiisa u tagaa, Oo ku alla kii iyada taabtaaba ma taqsiir la’aan doono. |
| 30. | Dadku tuug ma quudhsadaan hadduu wax xado Inuu naftiisa dhergiyo markuu gaajoodo, |
| 31. | Laakiinse haddii isaga la qabto waa inuu toddoba jibbaar u magdhabaa, Waa inuu ku bixiyaa waxa gurigiisa yaal oo dhan. |
| 32. | Kii naag ka sinaystaa wuu caqli daranyahay, Oo kii sidaas yeelaa naftiisuu halligaa. |
| 33. | Oo wuxuu heli doonaa dhaawacyo iyo sharafdarro; Oo ceebtiisana lama tirtiri doono innaba. |
| 34. | Waayo, hinaaso waa nin cadhadiis. Maalinta aarsashadana isagu ma tudhi doono. |
| 35. | Isagu innaba mag kaa qaadan maayo, oo sinaba kuula heshiin maayo, In kastoo aad hadiyado badan siisid. |
| ← Proverbs (6/31) → |