| ← Proverbs (4/31) → |
| 1. | Wiilashoy, aabbe edbintiisa maqla, Oo u jeesta inaad wax garataan. |
| 2. | Waayo, anigu waxaan idin siiyaa tacliin wanaagsan, Haddaba cilmigayga ha ka tegina. |
| 3. | Waayo, aniguba waxaan aabbahay u ahaa wiil, Oo mid yar oo bacbac ah oo madi ah ayaan u ahaa hooyaday. |
| 4. | Isagu wax buu i baray, oo wuxuu igu yidhi, Qalbigaagu erayadayda ha xajisto; Amarradaydana dhawr, oo waad noolaan doontaa. |
| 5. | Xigmadda doono, waxgarashadana doono; Hana illoobin, oo erayada afkaygana dib ha uga noqon. |
| 6. | Xigmadda ha ka tegin, oo way ku nabad gelin doontaa. Jeclow, oo way ku dhawri doontaa. |
| 7. | Xigmaddu wax walbay ugu horraysaa, sidaas daraaddeed xigmadda doono; Wax kastoo aad hesho weliba waxgarasho doono. |
| 8. | Iyada sarraysii, oo iyana way ku dallicin doontaa; Oo sharaf bay kuu yeeli doontaa markaad iyada isku duubtid. |
| 9. | Iyadu waxay madaxaaga siin doontaa wax sharraxsan, Oo waxayna kuu yeeli doontaa taaj quruxsan. |
| 10. | Wiilkaygiiyow, maqal oo hadalladayda aqbal. Oo sannadaha cimrigaaguna way badnaan doonaan. |
| 11. | Anigu waxaan ku baray jidkii xigmadda; Oo waxaan kugu hoggaamiyey waddooyinkii qummanaanta. |
| 12. | Markii aad socotid tallaabooyinkaagu cidhiidhi ma noqon doonaan, Oo haddaad oroddidna ma turunturoon doontid. |
| 13. | Edbinta xajiso, oo ha iska sii deyn; Hayso, waayo, iyadu waa noloshaada, |
| 14. | Waddada kuwa sharka leh ha gelin, Oo jidka xumaanfalayaashana ha qaadin. |
| 15. | Ka leexo, hana marin, Ka noqo oo hareer ka mar. |
| 16. | Waayo, iyagu ma seexdaan haddaanay xumaan falin, Oo hurdadoodana waa laga qaadaa iyagoo cid kufiya mooyaane. |
| 17. | Waayo, iyagu waxay cunaan kibistii sharnimada, Oo waxay cabbaan khamrigii dulmiga. |
| 18. | Laakiinse waddada kuwa xaqa ahu waa sida iftiinka waaberiga oo kale, Kaas oo hadba soo kordha ilaa uu noqdo maalin cad. |
| 19. | Jidka kuwa sharka lahuna waa sida gudcurka oo kale. Oo iyagu garan maayaan waxay ku turunturoodaan. |
| 20. | Wiilkaygiiyow, erayadayda dhegayso, Oo hadalladaydana dhegta u dhig. |
| 21. | Indhahaaga hortooda yaanay ka fogaan, Oo qalbigaaga dhexdiisa ku hayso, |
| 22. | Waayo, iyagu waa u nolol kuwa hela, Oo jidhkooda oo dhanna waa u caafimaad. |
| 23. | Digtoonaan qalbigaaga u dhawr, Waayo, isagay noloshu ka soo baxdaaye. |
| 24. | Af qalloocan iska saar, Oo bushimo maroorsanna iska fogee. |
| 25. | Indhahaagu qummaati wax ha u fiiriyeen, Oo indhahaaga daboolkooduna si toosan hortaada ha u eegeen. |
| 26. | Waddada cagahaaga aad ugu fiirso, Oo jidadkaaga oo dhammuna ha toosnaadeen. |
| 27. | Xagga midigta iyo xagga bidixda toona ha u leexan, Oo cagtaadana xumaanta ka fogee. |
| ← Proverbs (4/31) → |