← Proverbs (27/31) → |
1. | Berrito ha ku faanin, Waayo, ma ogid waxay maalinu keeni doonto. |
2. | Mid kale ha ku faaniyo oo yaanu afkaagu ku faanin, Shisheeye ha ku ammaano, oo yaanay bushimahaagu ku ammaanin. |
3. | Dhagax waa culus yahay, oo cammuuduna way miisaan weyn tahay, Laakiinse waxaa labadoodaba ka sii culus nacas cadhadiis. |
4. | Cadho waa naxariisdarro, xanaaqna waa daad, Laakiinse bal yaa hinaaso is-hor taagi kara? |
5. | Canaantii bayaan ahu Waa ka wanaagsan tahay jacaylkii qarsoon. |
6. | Saaxiib nabrihiisu waa daacadnimo, Laakiinse cadow dhunkashooyinkiisu waa khiyaano miidhan. |
7. | Naftii dheregsanu xataa awlallada malabka waa ka yaqyaqsataa, Laakiinse naftii gaajaysan wax kasta oo qadhaadhuba way u macaan yihiin. |
8. | Ninkii hoygiisa ka warwareegaa Waa sida shimbir buulkeeda ka warwareegta oo kale. |
9. | Saliidda iyo cadarku qalbigay ka farxiyaan, Sidaas oo kalena waxaa nin ka farxiya macaanka saaxiibkiis oo ka yimaada talada qalbiga. |
10. | Ha ka tegin saaxiibkaa iyo aabbahaa saaxiibkiis toona, Oo maalintii masiibadaadana guriga walaalkaa ha tegin, Deris kuu dhowu waa ka wanaagsan yahay walaal kaa fog. |
11. | Wiilkaygiiyow, caqli yeelo, oo qalbigayga ka farxi, Si aan ugu jawaabo kii i caayaba. |
12. | Ninkii miyir lahu sharkuu arkaa, wuuna dhuuntaa, Laakiinse garaadlaawayaashu way iska sii maraan, oo waana la taqsiiraa. |
13. | Kii qof qalaad dammiinta dharkiisa ka qaad, Oo kii naag qalaad dammiintana isaga rahmad ahaan u hay. |
14. | Kii intuu aroor hore kaco saaxiibkiis cod dheer ugu duceeya, Waxaa loo qaadan doonaa habaar. |
15. | Maalin roobaabeed dhibicyadeeda aan kala go’in Iyo naag muran badanu waa isku mid. |
16. | Ku alla kii iyada celiyaa, dabayshuu celiyaa. Gacantiisa midigna saliid bay qabataa. |
17. | Bir baa bir afaysa, Oo sidaas oo kale nin baa saaxiibkiis afeeya. |
18. | Ku alla kii berde xannaanaystaa midhihiisuu cuni doonaa. Oo kii sayidkiisa dhawrana waa la murwayn doonaa. |
19. | Sida fool biyaha dhexdooda fool uga muuqdo, Ayaa nin qalbigiisu nin kale ugu muuqdaa. |
20. | She’ool iyo halligaadu weligood ma dhergaan, Dadka indhihiisu weligood ma dhergaan. |
21. | Weelka lacagta lagu safeeyo lacagtaa iska leh, oo foornadana dahabkaa iska leh, Sidaas oo kalena nin waxaa lagu tijaabiyaa ammaantiisa. |
22. | In kastoo aad nacas tib iyo mooye hadhuudh kula tuntid, Weliba nacasnimadiisu ka tegi mayso isaga. |
23. | Aad ugu dadaal inaad ogaatid xaalka adhigaaga, Oo lo’daadana si wanaagsan u ilaali. |
24. | Waayo, maalku weligiis siima raago, Taajkuna ab ka ab miyuu waaraa? |
25. | Cawska qallalan markii la gooyo mid cagaar ah oo jilicsan baa soo muuqda, Oo dhalatada buurahana waa la soo urursadaa. |
26. | Baraarku waa kuu dhar, Oo adhiguna waa kuu qiimihii beerta. |
27. | Waxaa jiri doona caano riyaad oo cunto ugu filan adiga iyo reerkaagaba, Iyo weliba masruufka gabdhaha kuu shaqeeya. |
← Proverbs (27/31) → |