| ← Proverbs (23/31) → |
| 1. | Markaad u fadhiisatid inaad taliye wax la cuntid, Aad uga fiirso waxa hortaada yaal, |
| 2. | Oo mindi cunaha iska saar Haddaad tahay nin hunguri weyn. |
| 3. | Cuntadiisa macaan ha damcin, Waayo, waa cunto khiyaaneed. |
| 4. | Ha isku daalin si aad taajir ku noqotid. Oo xigmaddaadana ka joogso. |
| 5. | Ma waxaad indhaha ku dayaysaa wax aan jirin? Waayo, hubaal maalku wuxuu yeeshaa baalal, Sida gorgor samada u duula oo kale. |
| 6. | Kan isha sharka leh kibistiisa ha cunin, Cuntadiisa macaanna ha damcin, |
| 7. | Waayo, isagu waxaa weeye siduu qalbiga kaga fikiro; Wuxuu kugu leeyahay, Cun oo cab, Laakiinse qalbigiisu kulama jiro. |
| 8. | Wixii aad cuntay waad soo mantagi doontaa, Oo erayadaadii macaanaana way kaa lumi doonaan. |
| 9. | Nacas waxba ha kula hadlin, Waayo, isagu xigmadda hadalkaaga wuu quudhsan doonaa. |
| 10. | Soohdintii hore ha durkin, Beeraha agoommadana ha dhex gelin, |
| 11. | Waayo, bixiyahoodu waa xoog badan yahay; Oo isaga ayaa dacwadooda kugu qaadi doona. |
| 12. | Qalbigaaga edbinta u jeedi, Oo dhegahana erayada aqoonta. |
| 13. | Ilmaha edbin ha u diidin, Waayo, haddaad isaga ul ku garaacdid, ma dhiman doono. |
| 14. | Ul baad isaga ku garaaci doontaa, Oo naftiisaad She’ool ka samatabbixin doontaa. |
| 15. | Wiilkaygiiyow, haddii qalbigaagu caqli leeyahay, Qalbigayguna wuu farxi doonaa. |
| 16. | Haah, oo xataa uurkaygu wuu rayrayn doonaa, Markay bushimahaagu wax qumman ku hadlaan. |
| 17. | Qalbigaagu yaanu dembilayaal ka hinaasin, Laakiinse maalinta oo dhan Rabbiga ka cabso. |
| 18. | Waayo, hubaal waxaa jira abaalgud, Oo rajadaaduna kaama go’i doonto. |
| 19. | Wiilkaygiiyow, i maqal, oo caqli yeelo, Oo qalbigaagana jidka ku toosi. |
| 20. | Ha dhex joogin khamriyacabyada Iyo kuwa hunguriweynaanta hilibka u cuna, |
| 21. | Waayo, kii sakhraan ah iyo kii hunguri weynuba way caydhoobi doonaan, Oo lulona nin calal bay u xidhi doontaa. |
| 22. | Dhegayso aabbahaagii ku dhalay, Oo hooyadaana ha quudhsan markay gabowdo. |
| 23. | Runta soo iibso, oo ha sii iibin, Oo weliba waxaad ku sii darsataa xigmadda iyo edbinta iyo waxgarashada. |
| 24. | Kii xaq ah aabbihiis aad buu u farxi doonaa, Oo kii ilmo caqli leh dhalaana farxad buu ka heli doonaa. |
| 25. | Aabbahaa iyo hooyadaaba ha farxeen, Oo tii ku dhashayna ha rayrayso. |
| 26. | Wiilkaygiiyow, qalbigaaga i sii, Oo indhahaaguna jidadkayga ha dhawreen. |
| 27. | Waayo, dhillo waa booraan dheer, Oo naag qalaadna waa god cidhiidhi ah. |
| 28. | Sida tuug oo kale ayay u gabbataa, Oo waxay dadka ku dhex badisaa khaayinnada. |
| 29. | Bal yaa hoog leh? Oo yaa caloolxumo leh? Oo yaa murammo leh? Oo yaa calaacal badan leh? Oo yaa u dhaawacan sababla’aan? Oo yaa indho casaan ah leh? |
| 30. | Waa kuwa wakhti dheer ku raaga khamriga, Waana kuwa u taga inay doondoontaan khamri laysku daray. |
| 31. | Ha fiirin khamrigu markuu casaado, Markuu koobka ka dhex dhalaalo, Iyo markuu si wanaagsan u shubmayoba. |
| 32. | Ugu dambaysta wuxuu wax u qaniinaa sida abeesada, Oo sida jilbiskana wax buu u qaniinaa. |
| 33. | Indhahaagu waxay arki doonaan naago qalaad, Oo qalbigaaguna wuxuu ku hadli doonaa waxyaalo qalloocan. |
| 34. | Oo waxaad ahaan doontaa sida kan badda dhexdeeda jiifsada, Ama sida ka dakhalka dhaladiisa sare seexda. |
| 35. | Waxaad odhan doontaa, Wax bay igu dhufteen, laakiin waxba ima yeelin. Way i garaaceen, iskamana aanan garan; Bal goormaan toosi doonaa? Weli mar kalaan doonan doonaa. |
| ← Proverbs (23/31) → |