| ← Proverbs (22/31) → |
| 1. | Magac wanaagsan baa laga doortaa maal badan, Oo nimcana waa ka wanaagsan tahay lacag iyo dahab. |
| 2. | Taajirka iyo miskiinku way wada kulmaan, Oo Rabbigu waa kii kulligood sameeyey. |
| 3. | Ninkii miyir lahu sharkuu arkaa, wuuna dhuuntaa, Laakiinse garaadlaawayaashu way iska sii maraan, waana la taqsiiraa. |
| 4. | Is-hoosaysiinta iyo Rabbiga ka cabsashadiisa abaalgudkoodu Waxaa weeyaan hodantinimo iyo sharaf iyo nolol. |
| 5. | Qodxan iyo dabinnaba waxay yaalliin jidka ninka qalloocan, Laakiinse kii naftiisa dhawraa waa ka fogaan doonaa iyaga. |
| 6. | Ilmo u rabbee siduu ku socon lahaa, Oo isna xataa markuu gaboobo kama leexan doono. |
| 7. | Taajirku masaakiintuu u taliyaa Oo kii wax amaahdaana midiidin buu u yahay kii wax amaahiya. |
| 8. | Kii xumaan beeraa wuxuu goosan doonaa belaayo, Oo usha cadhadiisuna way dhammaan doontaa. |
| 9. | Kii il deeqsiya lahu wuu barakoobi doonaa, Waayo, isagu wuxuu cuntadiisa wax ka siiyaa masaakiinta. |
| 10. | Kan wax quudhsada eri, oo muranku wuu bixi doonaa, Dirirta iyo cayduna way dhammaan doonaan. |
| 11. | Kii daahirsanaanta qalbiga jecel, Oo bushimihiisu nimco leeyihiin, xataa boqorka ayaa saaxiibkiis ahaan doona. |
| 12. | Indhaha Rabbigu waxay dhawraan ka aqoonta leh, Laakiinse isagu wuxuu afgembiyaa erayada khaayinka. |
| 13. | Kii caajis ahu wuxuu yidhaahdaa, Libaax baa dibadda jooga, Oo jidka dhexdiisa ayaa laygu dili doonaa. |
| 14. | Naago qalaad afkoodu waa god dheer, Oo waxaa ku dhici doona kii xagga Rabbiga laga nacay. |
| 15. | Nacasnimadu waxay ku xidhan tahay qalbiga ilmaha. Laakiinse usha edbintu way ka fogayn doontaa. |
| 16. | Kii miskiinka u dulma inuu maal korodhsado, Iyo kii taajirka wax siiyaaba hubaal way baahnaan doonaan. |
| 17. | Dhegta u dhig, oo erayada kuwa caqliga leh maqal, Oo qalbigana aqoontayda u jeedi. |
| 18. | Waayo, waa wax wanaagsan haddii aad uurka ku haysatid, Oo hadday dhammaantood bushimahaaga diyaar ku ahaadaan. |
| 19. | Bal eeg, adigaan maanta iyaga ku ogeysiiyey, Inaad Rabbiga aaminsan tahay. |
| 20. | Miyaanan waxyaalo wanaagsan kuugu qorin Talooyinka iyo aqoonta, |
| 21. | Si aan kuu ogeysiiyo hubaasha erayada runta, Inaad erayada runta uga jawaabtid kuwii ku soo diray? |
| 22. | Miskiinka ha dhicin, waayo, isagu waa miskiin, Oo kan dhibaataysanna meesha iridda ha ku dulmin, |
| 23. | Waayo, Rabbiga ayaa dacwadooda u qaadi doona, Oo kuwa iyaga dhaca naftoodana wuu dhici doonaa. |
| 24. | Ha la saaxiibin nin xanaaq badan, Oo nin cadho kululna waa inaanad la socon, |
| 25. | Waaba intaas oo aad jidkiisa baratid, Oo aad naftaadana dabin ku riddid. |
| 26. | Ha noqonin sida kuwa gacanta dhaar ugu dhiiba, Ama sida kuwa deyman u dammiinta. |
| 27. | Haddaanad haysan wax aad bixiso, Bal muxuu sariirtaada hoostaada uga la bixi? |
| 28. | Soohdinta hore oo ay awowayaashu dhigeen Innaba ha durkin. |
| 29. | Miyaad aragtaa nin shuqulkiisa ku dadaala? Isagu wuxuu istaagi doonaa boqorro hortood. Oo kuwa hoose hortoodana ma istaagi doono. |
| ← Proverbs (22/31) → |