Numbers (8/36)  

1. Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo ku yidhi,
2. Haaruun la hadal, oo waxaad ku tidhaahdaa, Markaad laambadaha shiddid, toddobada laambadood oo yaryar waa inay ka iftiimaan laambadda horteeda.
3. Oo Haaruunna sidaasuu yeelay, oo wuxuu wada shiday laambadaheedii si ay uga iftiimaan laambadda horteeda, sidii Rabbigu Muuse ku amray.
4. Oo shuqulkii laambaddu wuxuu ahaa dahab la tumay. Tan iyo salkeeda ilaa ubaxeeda waxay wada ahayd dahab la tumay. Sidii Rabbigu Muuse u tusay ayuu laambaddii u sameeyey.
5. Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,
6. Reer Laawi ka dhex sooc reer binu Israa’iil oo iyaga daahiri.
7. Oo markaad daahirinaysid sidan iyaga ku samee: dushooda waxaad ku rushaysaa biyaha daahirinta, oo iyaguna timaha ha ka xiireen jidhkooda oo dhan, oo dharkoodana ha maydheen, hana isdaahiriyeen.
8. Oo markaas iyagu ha kaxaysteen dibi yar iyo qurbaankiisii hadhuudhka oo ah bur saliid lagu daray, oo dibi kale oo yarna waxaad u kaxaysaa qurbaan dembi.
9. Oo reer Laawi waa inaad hor taagtaa teendhada shirka, oo waa inaad soo shirisaa dadka reer binu Israa’iil oo dhan.
10. Oo reer Laawi waa inaad keentaa Rabbiga hortiisa, oo reer binu Israa’iilna waa inay gacmaha saaraan reer Laawi.
11. Haaruunna waa inuu reer Laawi Rabbiga hortiisa ugu bixiyaa qurbaan la ruxruxo ahaan reer binu Israa’iil daraaddood, si ay u sameeyaan Rabbiga hawshiisa.
12. Oo reer Laawina waa inay gacmaha saaraan madaxa dibida, oo mid waxaad u bixisaa qurbaan dembi, kan kalena waxaad Rabbiga ugu bixisaa qurbaan la gubo, si aad reer Laawi ugu kafaaro guddid.
13. Oo reer Laawi waa inaad Haaruun iyo wiilashiisa soo hor taagtaa, oo aad Rabbiga ugu bixisaa qurbaan la ruxruxo ahaan.
14. Oo waa inaad reer Laawi sidaas uga soocdaa reer binu Israa’iil, oo reer Laawina kuwaygay ahaan doonaan.
15. Oo markaas dabadeedna reer Laawi ha u galeen inay ka adeegaan teendhada shirka, oo waa inaad iyaga daahirisaa oo qurbaan la ruxruxo ahaan u bixisaa.
16. Waayo, iyaga dhammaantood ayaa la iiga soocay reer binu Israa’iil. Intii lay siin lahaa intii maxal furta oo dhan, kuwaasoo ah curadyada reer binu Israa’iil oo dhan, ayaan iyaga qaatay.
17. Waayo, dad iyo duunyaba curadyada reer binu Israa’iil oo dhan anigaa iska leh. Waxaan iyaga quduus ka dhigtay maalintii aan wada laayay curadyadii dalka Masar oo dhan.
18. Oo waxaan qaatay reer Laawi intii aan qaadan lahaa curadyada reer binu Israa’iil oo dhan.
19. Oo reer Laawi ayaan reer binu Israa’iil ka soocay oo hadiyad ahaan u siiyey Haaruun iyo wiilashiisa inay reer binu Israa’iil uga adeegaan teendhada shirka iyo inay reer binu Israa’iil u kafaaro gudaan, si aan belaayo ugu dhicin reer binu Israa’iil markii reer binu Israa’iil ay u soo dhowaadaan meesha quduuska ah.
20. Oo Muuse iyo Haaruun iyo shirkii reer binu Israa’iil oo dhammu sidaasay ku sameeyeen reer Laawi. Wixii reer Laawi ku saabsanaa ee uu Rabbigu Muuse ku amray oo dhan ayay reer binu Israa’iil wada yeeleen.
21. Oo reer Laawina dembi way iska daahiriyeen, oo dharkoodiina way maydheen, markaasaa Haaruun qurbaan la ruxruxo ahaan Rabbiga hortiisa iyaga ugu bixiyey, oo inuu iyaga daahiriyo aawadeed ayaa Haaruun u kafaaro guday.
22. Oo markaas dabadeed ayaa reer Laawi gudaha u galeen inay teendhada shirka kaga adeegaan Haaruun iyo wiilashiisa hortooda, oo wixii reer Laawi ku saabsanaa ee uu Rabbigu Muuse ku amray ayay ku sameeyeen.
23. Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,
24. Tanu waa waxa reer Laawi intii shan iyo labaatan sannadood jirta ama ka sii weyn ay leeyihiin inay sameeyaan. Iyagu ha galeen oo ha ka adeegeen hawsha teendhada shirka.
25. Oo markii ay konton jir gaadhaan waa inay ka joogsadaan hawsha ka-adeegiddeeda oo aanay mar dambe adeegin,
26. laakiinse walaalahood teendhada shirka ha kala adeegeen si ay amarka u hayaan laakiinse yaanay hawl dambe qaban. Sidaas waa inaad ka yeeshaa amarrada ku saabsan reer Laawi hawshooda.

  Numbers (8/36)