| ← Numbers (34/36) → |
| 1. | Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay, oo wuxuu ku yidhi, |
| 2. | Reer binu Israa’iil waxaad ku amartaa oo ku tidhaahdaa, Markaad gashaan dalka Kancaan, (kaas oo ah dalka dhaxal idiinku dhici doona oo ah dalka Kancaan siday soohdimihiisu yihiin,) |
| 3. | waaxdiinna koonfureed waxay ahaan doontaa cidlada Sin iyo tan iyo dhinaca Edom, oo soohdintiinna koonfureedna waxay ka bilaaban doontaa Badda Cusbada leh darafkeeda bari, |
| 4. | oo soohdintiinnuna waxay la soo wareegi doontaa xagga koonfureed oo jiirtii Caqrabbiim, oo waxay u gudbi doontaa ilamaa Sin, oo dhammaadkeeduna wuxuu ahaan doonaa Qaadeesh Barneeca xaggeeda koonfureed, oo waxay u sii bixi doontaa xagga Hasar Addaar, oo waxay u sii dhaafi doontaa ilaa Casmoon. |
| 5. | Oo soohdintu waxay la soo wareegi doontaa Casmoon ilaa tan iyo durdurka Masar, oo dhammaadkeeduna wuxuu ahaan doonaa xagga badda. |
| 6. | Oo soohdinta galbeedna waxaad yeelan doontaan badda weyn iyo soohdinteedaba. Intaasu waxay ahaan doontaa soohdintiinna galbeed. |
| 7. | Oo intanuna waxay ahaan doontaa soohdintiinna woqooyi, waxaad ka tilmaansataan badda weyn ilaa tan iyo Buur Xor. |
| 8. | Oo Buur Xorna waxaad ka tilmaansataan ilaa tan iyo meesha Hamaad laga galo, oo soohdinta dhammaadkeeduna wuxuu ahaan doonaa Sedaad. |
| 9. | Oo soohdintu waxay u bixi doontaa xagga Sifron, oo dhammaadkeeduna wuxuu ahaan doonaa Hasar Eenaan. Taasu waxay ahaan doontaa soohdintiinna woqooyi. |
| 10. | Oo soohdintiinna barina waxaad ka tilmaansataan Hasar Eenaan ilamaa tan iyo Shefaam. |
| 11. | Oo soohdintu waxay hoos uga dhaadhici doontaa Shefaam iyo ilamaa Riblaah oo ah Cayn xaggeeda bari, oo soohdintu waxay hoos ugu dhaadhici doontaa oo gaadhi doontaa badda Kinnered dhinaceeda bari. |
| 12. | Oo soohdintu waxay hoos ugu dhaadhici doontaa Webi Urdun oo dhammaadkeeduna wuxuu ahaan doonaa Badda Cusbada leh. Intaasu waxay ahaan doontaa dalkiinna siday soohdimihiisu u wareegsan yihiin. |
| 13. | Markaasaa Muuse amray reer binu Israa’iil, oo wuxuu ku yidhi, Waa kan dalka aad saamiga ku dhaxli doontaan oo Rabbigu amray in la siiyo sagaalka qabiil iyo qabiilka badhkiis, |
| 14. | waayo, qabiilkii Ruubeen sida reerahoodu yihiin, iyo qabiilkii Gaad sida reerahoodu yihiin, iyo qabiilkii Manaseh badhkiis horay u heleen dhaxalkoodii. |
| 15. | Labadaas qabiil iyo qabiilka badhkiis waxay dhaxalkoodii u heleen Webi Urdun shishadiisa, ee Yerixoo barigeeda ah, xagga qorrax ka soo baxa. |
| 16. | Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay, oo wuxuu ku yidhi, |
| 17. | Nimanka dalka dhaxal idiinku qaybin doonaa magacyadoodii waa kuwan: wadaadka Elecaasaar ah iyo Yashuuca ina Nuun. |
| 18. | Oo qabiil kastana waa inaad amiir kala soo baxdaan inay dalka dhaxal u kala qaybiyaan. |
| 19. | Oo nimankaas magacyadoodiina waa kuwan: qabiilka reer Yahuudah kala soo baxa Kaaleeb ina Yefunneh. |
| 20. | Qabiilka reer Simecoonna, Shemuu’eel ina Cammiihuud. |
| 21. | Qabiilka reer Benyaamiinna, Eliidaad ina Kisloon. |
| 22. | Qabiilka reer Daanna waxaad kala baxdaan amiir, kaas oo ah Buqii ina Yaaglii. |
| 23. | Reer Yuusufna, qabiilka reer Manaseh waxaad kala soo baxdaan amiir, kaas oo ah Xannii’eel ina Eefod. |
| 24. | Qabiilka reer Efrayimna waxaad kala soo baxdaan amiir, kaas oo ah Qemuu’eel ina Shiftaan. |
| 25. | Qabiilka reer Sebulunna waxaad kala baxdaan amiir, kaas oo ah Eliisaafaan ina Farnaag. |
| 26. | Qabiilka reer Isaakaarna waxaad kala soo baxdaan amiir, kaas oo ah Faltii’eel ina Casaan. |
| 27. | Qabiilka reer Aasheerna waxaad kala soo baxdaan amiir, kaas oo ah Axiihuud ina Shelomii. |
| 28. | Qabiilka Naftaalina waxaad kala soo baxdaan amiir, kaas oo ah Fedaheel ina Cammiihuud. |
| 29. | Kuwaasu waa inta Rabbigu ku amray inay reer binu Israa’iil dhaxalka ugu qaybiyaan dalka Kancaan. |
| ← Numbers (34/36) → |