Nehemiah (4/13)  

1. Laakiinse markii Sanballad maqlay inaannu derbigii dhisaynay ayuu cadhooday, oo aad u dhirfay, oo Yuhuuddiina wuu ku majaajilooday.
2. Markaasuu ka hor hadlay walaalihiis iyo ciidankii Samaariya, oo wuxuu yidhi, War Yuhuuddan itaalka daranu waxay samaynayaan waa maxay? Iyaga ma la daynayaa? Oo miyey allabaryayaan? Oo ma maalin bay hawshaas ku dhammaynayaan? Oo dhagxantii miyey ka soo noolaynayaan tuulmooyinkii waxyaalaha baabba’ay oo gubtay?
3. Oo haddana Toobiyaah oo ahaa reer Cammoon oo agtiisa taagnaa wuxuu yidhi, Waxa ay dhisayaan oo dhan xataa haddii dawaco fuusho way kala burburinaysaa derbigooda dhagaxa ah.
4. Ilaahayagow, bal maqal, waayo, waa nala quudhsadaye; caydooda dib ugu celi madaxooda, oo iyaga u gacangeli dal dhaca oo maxaabiis ahaan u kaxaysta.
5. Oo xumaantoodana ha dedin, oo dembigoodana yaan hortaada laga tirtirin, waayo, kuwii wax dhisayay hortooda ayay kaaga xanaajiyeen.
6. Haddaba derbigii waannu dhisnay; oo derbigii oo dhan waa lays qabadsiiyey ilaa qotonkiisii badhkiis la gaadhsiiyey, waayo dadku waxay maanka ku hayeen inay shaqeeyaan.
7. Laakiinse markii Sanballad, iyo Toobiyaah, iyo kuwii Carbeed, iyo reer Cammoon, iyo reer Ashdood ay maqleen in derbiyadii Yeruusaalem cusboonaysiintoodii ay hore u socotay iyo in la bilaabay in daldaloolladii la fureeyo ayay aad u cadhoodeen.
8. Markaasay dhammaantood shirqool ku wada arrinsadeen inay soo kacaan oo Yeruusaalem la diriraan, iyo inay dhexdeeda qas ka ridaan.
9. Laakiinse waxaannu barinnay Ilaahayo, oo iyaga aawadood ayaannu yeelnay waardiyayaal naga ilaaliya habeen iyo maalinba.
10. Markaasaa dadkii dalka Yahuudah waxay yidhaahdeen, Kuwa culaysyada qaada xooggoodii waa yaraaday, oo waxaa jira waxyaalo dundumay oo badan, sidaa daraaddeed derbiga ma dhisi karno.
11. Oo cadaawayaashayadiina waxay yidhaahdeen, Iyagu ma ay ogaan doonaan, mana ay arki doonaan jeeraan dhex tagno oo aan iyaga layno, oo shuqulkana aan joojinno.
12. Oo markii Yuhuuddii iyaga ag degganayd ay yimaadeen, waxay toban jeer nagu yidhaahdeen, Idinku waa inaad meel walba nooga soo noqotaan.
13. Haddaba sidaas daraaddeed meeshii ugu hoosaysay oo derbiga ka dambaysay oo meelaha bannaan ku yiil ayaan taagay dadkii qoloqolo u safan oo wada haysta seefahoodii, iyo warmahoodii, iyo qaansooyinkoodiiba.
14. Oo intaan wax fiiriyey ayaan kacay oo waxaan ku idhi kuwii gobta ahaa, iyo taliyayaashii, iyo dadka intiisii kaleba, Iyaga ha ka cabsanina, ee waxaad xusuusataan Sayidka weyn oo laga cabsado, oo waxaad u dirirtaan walaalihiin, iyo wiilashiinna, iyo gabdhihiinna, iyo naagihiinna, iyo guryihiinnaba.
15. Haddaba markii cadaawayaashayadii ay maqleen inaannu taas ogaannay, oo uu Ilaah taladoodii kala riday, ayaannu kulligayo ku noqonnay derbigii oo mid waluba wuxuu qabtay shuqulkiisii.
16. Oo intii markaas ka dambaysay midiidinnadaydii badhkood shuqulkii bay sameeyeen, oo badhkoodii kalena waxay hayeen warmihii, iyo gaashaammadii, iyo qaansooyinkii, iyo jubbado bir ah, oo taliyayaashii oo dhammuna way daba taagnaayeen dadkii dalka Yahuudah oo dhan.
17. Oo kuwii derbiga dhisayay iyo kuwii wax culus isa saarayba mid waluba gacmihiisa middood wuxuu ku sameeyey shuqulkii, midda kale wuxuu ku haystay hubkiisii dagaalka.
18. Oo kuwii wax dhisayayna mid walba seeftiisu dhinaca ayay ugu xidhnayd, oo sidaasayna wax u dhisayeen. Oo kii buunka yeedhin jirayna aniguu i ag joogay.
19. Oo waxaan ku idhi kuwii gobta ahaa, iyo taliyayaashii, iyo dadka intiisii kaleba, Shuqulku waa weyn yahay, wuuna ballaadhan yahay, annana derbiga dushiisa waannu ku kala firidhsan nahay, oo midba midka kale wuu ka fog yahay.
20. Meel alla meeshii aad ka maqashaan dhawaaqa buunka, halkaas noogu soo urura; waxaa inoo diriri doonaa Ilaaheenna.
21. Sidaasaannu shuqulkii u qabannay; oo dadka badhkiisna waxay warmaha haysteen markii waagu beryay iyo tan iyo jeeray xiddiguhu muuqdeen.
22. Oo sidaas oo kale isla markaas waxaan dadkii ku idhi, Mid kasta iyo midiidinkiisu ha ku soo hoydeen Yeruusaalem, si ay habeenkii waardiyayaal noogu noqdaan, maalintiina ay u hawshoodaan.
23. Haddaba sidaas daraaddeed aniga iyo walaalahay, iyo midiidinnadaydii, iyo raggii waardiyaha ahaa oo i daba socday toona midkayana dharkiisii iskama furin, oo mid kastaaba isagoo hubkiisii u xidhan yahay ayaa biyaha xaggooda tegey.

  Nehemiah (4/13)