← Matthew (8/28) → |
1. | Goortuu buurta ka soo degay, dad badan baa soo raacay. |
2. | Oo bal eeg, waxaa u yimid nin baras leh oo caabuday, oo ku yidhi, Sayidow, haddaad doonaysid, waad i daahirin kartaa. |
3. | Ciise intuu gacantiisa soo taagay, ayuu taabtay, oo ku yidhi, Waan doonayaa ee daahirsanow. Kolkiiba baraskiisa wuu ka daahirsanaaday, |
4. | oo Ciise ayaa ku yidhi, Iska eeg, oo ninna ha u sheegin, laakiin jidkaaga iska mar, oo wadaadka istus, oo bixi hadiyaddii Muuse amray, marag iyaga ha u ahaatee. |
5. | Goortuu Kafarna’um galay, waxaa u yimid boqol-u-taliye, isagoo baryaya |
6. | oo leh, Sayidow, midiidinkaygii guriguu jiifaa, isagoo curyaannimo u buka oo aad u xanuunsanaya. |
7. | Kolkaasuu Ciise wuxuu ku yidhi, Waan imanayaa oo bogsiinayaa. |
8. | Markaasaa boqol-u-taliyihii u jawaabay oo ku yidhi, Sayidow, anigu ma istaahilo inaad saqafka gurigayga hoostiisa soo gashid, laakiin hadal keliya dheh, midiidinkayguna waa bogsan doonaa. |
9. | Waayo, anigu waxaan ahay nin laga sarreeyo oo askar baa iga hoosaysa. Kan waxaan ku idhaahdaa, Tag, wuuna tagaa; mid kalena, Kaalay, wuuna yimaadaa; midiidinkaygana, Waxan samee, wuuna sameeyaa. |
10. | Goortuu Ciise taas maqlay, wuu ka yaabay, wuxuuna ku yidhi kuwii la socday, Runtii waxaan idinku leeyahay, Rumaysad sidan u weyn oo kale reer binu Israa’iil kama dhex helin. |
11. | Waxaan idinku leeyahay, Qaar badan ayaa bari iyo galbeed ka iman doona oo la fadhiisan doona Ibraahim iyo Isxaaq iyo Yacquub boqortooyadii jannada gudaheeda, |
12. | laakiin wiilashii boqortooyada waxaa lagu tuuri doonaa gudcurka dibadda ah. Meeshaas waxaa jiri doonta baroor iyo ilkojirriqsi. |
13. | Markaasaa Ciise wuxuu boqol-u-taliyihii ku yidhi, Tag. Sidaad u ramaysatay ha kuu noqoto e. Oo saacaddaas ayaa midiidinkii bogsaday. |
14. | Ciise goortuu guriga Butros galay, wuxuu arkay Butros soddohdiis oo jiifta oo qandhaysan. |
15. | Markaasuu gacanteeda taabtay, qandhadiina waa ka baxday. Wayna kacday oo u adeegtay isaga. |
16. | Goortii makhribkii la gaadhay waxay u keeneen qaar badan oo jinniyo qaba. Eray ayuu jinniyadii ku saaray, kuwii bukay oo dhanna wuu bogsiiyey, |
17. | si ay u noqoto wixii nebi Isayos lagaga dhex hadlay isagoo leh, Isagaa qaatay bukaankeennii, cudurradeenniina wuu isku raray. |
18. | Goortuu Ciise dad badan oo ku wareegsan arkay, ayuu amray inay dhinaca kale tagaan. |
19. | Kolkaasaa culimmada midkood u yimid oo ku yidhi, Macallimow, waan ku raacayaa meeshaad tagtidba. |
20. | Ciise ayaa ku yidhi, Dawacooyinku godad bay leeyihiin, shimbirraha cirkuna buulal bay leeyihiin, laakiin Wiilka Aadanahu meel uu madaxiisa dhigo ma leh. |
21. | Mid kale oo xertiisa ah ayaa ku yidhi, Sayidow, horta ii oggolow inaan tago oo aabbahay soo aaso. |
22. | Laakiin Ciise ayaa ku yidhi, I soo raac; oo iska daa meydadku ha aaseen meydadkooda. |
23. | Goortuu doonnida fuulay, xertiisii ayaa raacday. |
24. | Oo waxaa badda ka kacay duufaan weyn, ilaa ay hirarku qariyeen doonnida, laakiin isagu waa hurday. |
25. | Markaasaa xertiisii u timid oo toosisay, iyagoo leh, Sayidow, na badbaadi, waannu lumaynaaye. |
26. | Kolkaasuu wuxuu ku yidhi, Maxaad u baqaysaan, rumaysadyarayaalow? Markaasuu kacay, oo canaantay dabaysha iyo badda, oo xawaal weyn baa dhacday. |
27. | Haddaba nimankii waa yaabeen, oo waxay isku yidhaahdeen, Waa nin caynkee ah kan xataa dabaysha iyo badduba yeelaan? |
28. | Goortuu yimid dhinaca kale oo dalka Gadareni, waxaa la kulmay laba qof oo jinni qaba oo xabaalaha ka soo baxaya, iyagoo aad khatar u ah, si aan ninna jidkaas u mari karin. |
29. | Way qayliyeen iyagoo leh, Maxaa inoo dhexeeya, Wiilka Ilaahow? Ma waxaad halkan u timid inaad wakhtiga hortiis na silciso? |
30. | Waxaa iyaga ka fogaa daaqsin doofaarro badan ah oo daaqaysa. |
31. | Jinniyadii ayaa baryay iyagoo leh, Haddaad na saaraysid, noo dir daaqsinta doofaarrada ah, |
32. | oo wuxuu ku yidhi, Baxa. Markaasay baxeen oo galeen doofaarradii, oo daaqsinta oo dhammu jarka hoos bay uga yaacday ilaa badda, oo biyaha ku bakhtiday. |
33. | Kolkaasay kuwii daajin jiray carareen oo magaalada galeen, wax walbana way u sheegeen iyo wixii ku dhacay kuwii jinniyada qabi jiray. |
34. | Markaasaa magaaladii oo dhan lagaga soo baxay inay Ciise ka hor tagaan. Goortay arkeen, waxay ka baryeen inuu soohdintooda ka noqdo. |
← Matthew (8/28) → |