| ← Luke (8/24) → |
| 1. | Markii dambe waxaa dhacay inuu magaalooyinka iyo tuulooyinka dhex marayay isagoo dadka ku wacdiyaya oo u sheegaya injiilka boqortooyadii Ilaah; waxaana la jiray laba-iyo-tobankii, |
| 2. | iyo naago laga bogsiiyey jinniyo shar leh iyo cudurro. Waxay ahaayeen Maryantii la odhan jiray tii reer Magdala, ee toddoba jinni ka baxeen, |
| 3. | iyo Yo’anna afadii Khusas ee wakiilkii Herodos ahaa, iyo Susanna, iyo qaar badan oo kale oo waxooda ugu adeegi jiray. |
| 4. | Goortii dad badan isu soo urureen, iyo kuwa magaalo walba uga yimid, wuxuu ku hadlay masaal. |
| 5. | Beerrey baa baxay inuu abuurkiisa beero, oo intuu beerayay, qaar baa jidka geestiisa ku dhacay, oo waa lagu tuntay, oo shimbirrihii cirka ayaa cunay. |
| 6. | Qaar kalena waxay ku dhaceen dhagax; kol alla kolkii ay soo baxeen way engegeen, waayo, qoyaan ma lahayn. |
| 7. | Qaar kalena waxay ku dhex dhaceen qodxan, qodxantiina waa la soo baxday oo ceejisay. |
| 8. | Qaar kalena dhul wanaagsan bay ku dhaceen oo soo baxeen, waxayna midho dhaleen boqol jibbaar. Goortuu waxan yidhi, ayuu qayliyey oo yidhi, Kan dhego wax lagu maqlo lahu ha maqlo. |
| 9. | Markaasaa xertiisii weyddiisay oo ku tidhi, Muxuu yahay masaalkan? |
| 10. | Wuxuu ku yidhi, Idinka waa laydin siiyaa inaad waxa qarsoon ee boqortooyadii Ilaah garataan, kuwa kalese masaallo ayaa loogu sheegaa, si ay goortay arkayaan ayan u arkin, oo si ay goortay maqlayaan ayan u garan. |
| 11. | Masaalku waa kan: Abuurku waa ereygii Ilaah. |
| 12. | Kuwii jidka yiil waa kuwa maqla, markaasaa Ibliisku yimaadaa, oo hadalka ayuu qalbigooda ka qaadaa, si aanay u rumaysan oo aanay u badbaadin. |
| 13. | Kuwii dhagaxa yiilna waa kuwa goortay maqlaan, hadalka farxad ku qaata, kuwanna xidid ma leh; laakiin wakhti yar ayay rumaystaan, wakhtiga duufsashadana way iska noqdaan. |
| 14. | Kuwii qodxanta ku dhex dhacayna waa kuwan maqla oo intay socdaan waxaa ceejiya welwelidda iyo hodantinimada iyo farxadda ifkan, midho bisilna ma dhalaan. |
| 15. | Kuwa dhulka wanaagsanna waxay yihiin kuwa, intay maqlaan, qalbi wanaagsan oo fiican hadalka ku haysta, oo dulqaadasho ayay midho ku dhalaan. |
| 16. | Ma jiro nin, goortuu ilays shido, weel ku daboola, ama sariir hoos geliya, laakiin wuxuu saaraa meeshii ilayska si ay kuwa soo galaa iftiinka u arkaan. |
| 17. | Waayo, wax qarsoon ma jiro oo aan soo muuqan doonin, wax daboolanna ma jiro oo aan la garan doonin oo aan bannaan soo bixi doonin. |
| 18. | Sidaa darteed u fiirsada sidaad u maqlaysaan, waayo, ku alla kii wax haysta waa la siin doonaa, ku alla kii aan waxba haysanse waa laga qaadi doonaa wixii loo maleeyo inuu haysto. |
| 19. | Markaasaa waxaa isaga u yimid hooyadiis iyo walaalihiis, wayna soo gaadhi kari waayeen dadkii badnaa aawadood. |
| 20. | Oo waxaa lagu yidhi, Hooyadaa iyo walaalahaa ayaa dibadda taagan oo doonaya inay ku arkaan. |
| 21. | Laakiin wuxuu ugu jawaabay, Hooyaday iyo walaalahay waa kuwan ereyga Ilaah maqla oo yeela. |
| 22. | Maalmahaas middood waxaa dhacay inuu doonni fuulay isaga iyo xertiisiiba, wuxuuna iyaga ku yidhi, Dhanka kale oo badda aan u gudubno, goortaasay dhaqaaqeen. |
| 23. | Laakiin intay socdeen ayuu seexday, oo waxaa baddii ku soo dhacay duufaan weyn oo dabayl ah; doonnidiina ayaa buuxsamaysay, oo halis bay ku jireen. |
| 24. | Markaasay isaga u yimaadeen oo intay toosiyeen ayay ku yidhaahdeen, Macallimow, Macallimow, waa lumaynaaye. Kolkaasuu kacay oo canaantay dabayshii iyo hirarkii biyaha. Goortaasay degeen oo xawaal baa dhacday. |
| 25. | Markaasuu wuxuu iyaga ku yidhi, Rumaysadkiinnii meeh? Iyagoo baqaya oo yaabban waxay isku yidhaahdeen, Haddaba yuu yahay kan amra xataa dabaysha iyo biyaha oo ay yeelaan? |
| 26. | Waxay gaadheen dalka Gadareni ee ka soo hor jeeday Galili. |
| 27. | Goortuu dhulka u degay waxaa la kulmay nin magaalada ka yimid oo jinniyo qaba. Wakhti dheer dhar ma sidan jirin, gurina ma joogi jirin, laakiin xabaalaha ayuu dhex joogi jiray. |
| 28. | Goortuu arkay Ciise, ayuu qayliyey, hortiisana ayuu isku tuuray oo cod weyn ayuu ku yidhi, Maxaa inoo dhexeeya, Ciisow, adigoo ah Wiilka Ilaaha sarow? Waxaan kaa baryayaa, Ha i silcin. |
| 29. | Waayo, wuxuu jinnigii wasakhda lahaa ku amray inuu ninka ka baxo, maxaa yeelay, marar badan ayuu qaban jiray, oo waxaa lagu xidhi jiray silsilado iyo bircago, oo waa la ilaalin jiray; silsiladihiina wuu iska gooyn jiray oo jinniguna cidlada ayuu u kaxayn jiray. |
| 30. | Markaasaa Ciise weyddiiyey oo ku yidhi, Magacaa? Oo wuxuu ku yidhi, Liijon; waayo, jinniyo badan ayaa galay. |
| 31. | Markaasay ka baryeen inaanu amrin inay yaamayska tagaan. |
| 32. | Halkaa waxaa joogay daaqsin doofaarro badan ah oo buurta daaqaysa. Waxayna ka baryeen inuu u fasaxo inay kuwaas galaan. Kolkaasuu u fasaxay. |
| 33. | Markaasay jinniyadii ninkii ka baxeen oo doofaarradii galeen. Daqsintiina jarka hoos bay uga yaacday ilaa badda, wayna ku bakhtiyeen. |
| 34. | Kuwii daajin jiray markay arkeen waxa dhacay, ayay carareen oo dadkii magaalada iyo beerahaba ayay u warrameen. |
| 35. | Kolkaasaa dadkii u soo baxay inay arkaan wixii dhacay. Markaasay u yimaadeen Ciise, oo waxay arkeen ninkii jinniyadu ka baxeen, isagoo ag fadhiya Ciise cagihiisa oo dhar sita oo miyir qaba; wayna baqeen. |
| 36. | Kolkaasaa kuwii arkay waxay iyaga u sheegeen sida jinnoolihii loo bogsiiyey. |
| 37. | Dadkii oo dhan oo dalka Gadareni ku wareegsanaa ayaa baryay inuu ka noqdo iyaga, waayo, baqdin weyn ayay baqeen. Markaasuu doonni fuulay, waana noqday. |
| 38. | Laakiin ninkii jinniyadii ka baxeen ayaa ka baryay isaga inuu raaco, laakiin wuu diray isagoo ku leh, |
| 39. | Gurigaaga ku noqo oo dadka ogeysii waxa weyn oo Ilaah kuu sameeyey. Markaasuu tegey oo wuxuu magaalada oo dhan ku naadiyey waxa weyn oo Ciise u sameeyey. |
| 40. | Markii Ciise noqday ayaa dadkii badnaa farxad ku qaatay, waayo, way wada sugayeen. |
| 41. | Oo bal eeg, waxaa yimid nin Yayros la odhan jiray, oo taliyaha sunagogga ahaan jiray. Wuxuuna isku riday Ciise cagihiisa oo ka baryay inuu gurigiisa galo. |
| 42. | Waayo, gabadh keliya buu lahaa, iyadoo abbaaraha laba iyo toban sannadood jirtay, wayna sakaraadaysay. Laakiin intuu socday dadkii badnaa ayaa cidhiidhiyey. |
| 43. | Naag laba iyo toban sannadood dhiigbixid qabtay, oo wixii ay ku noolaan lahayd oo dhan dhakhtarro ku bixisay, oo ku bogsan kari weyday, midna xaggiisa, |
| 44. | ayaa dhabarkiisa timid oo taabatay maradiisa darafteeda. Kolkiiba bixiddii dhiiggeeda ayaa joogsatay. |
| 45. | Markaasaa Ciise yidhi, Yuu yahay kan i taabtay? Markay wada dafireen, Butros iyo kuwa la jiray waxay ku yidhaahdeen, Macallimow, dadkii badnaa ayaa ku jiidhaya oo ku cidhiidhinaya. |
| 46. | Laakiin Ciise wuxuu yidhi, Qof baa i taabtay, waayo, waxaan gartay in xoog iga baxay. |
| 47. | Naagtii goortay aragtay inaanay qarsoonaan karin ayay timid iyadoo gariiraysa, oo hortiisay isku ridday, oo u caddaysay dadkii oo dhan hortooda waxay u taabatay iyo siday markiiba u bogsatay. |
| 48. | Kolkaasuu wuxuu iyada ku yidhi, Gabadhoy, rumaysadkaaga ayaa ku bogsiiyey ee nabad ku tag. |
| 49. | Intuu weli hadlayay, waxaa gurigii taliyaha sunagogga ka yimid nin ku leh, Gabadhaadii waa dhimatay, ee Macallinka ha dhibin. |
| 50. | Laakiin Ciise goortuu maqlay, wuxuu ugu jawaabay, Ha baqin ee iska rumayso, wayna bogsan doontaa. |
| 51. | Markuu guriga yimid, ninna uma oggolaanin inuu la galo, Butros, iyo Yooxanaa, iyo Yacquub, iyo gabadha aabbeheed, iyo hooyadeed maahee. |
| 52. | Kulligood waxay u ooyayeen oo u barooranayeen iyada, laakiin wuxuu ku yidhi, Ha ooyina, iyadu ma dhiman, waase huruddaa. |
| 53. | Wayna ku qosleen, iyagoo og inay dhimatay. |
| 54. | Markaasuu dadkii oo dhan dibadda u saaray, oo uu gacanteeda qabtay oo qayliyey isagoo leh, Yartoy, kac. |
| 55. | Ruuxeedii ayaa ku soo noqday, oo markiiba way kacday, oo wuxuu amray in cunto la siiyo iyada. |
| 56. | Waalidkeedii waa yaabeen, wuxuuse amray inaanay ninna u sheegin waxa dhacay. |
| ← Luke (8/24) → |