Leviticus (24/27)  

1. Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,
2. Waxaad reer binu Israa’iil ku amartaa inay kuu keenaan saliid saafiya oo saytuun ah oo loo tumay laambadda, in laambad lagu shido had iyo goorba.
3. Oo daaha markhaatiga dibaddiisa oo teendhada shirka gudaheeda ah Haaruun waa inuu Rabbiga hortiisa had iyo goorba ku hagaajiyaa tan iyo fiidkii iyo ilaa subaxdii, oo kaasu waa inuu ahaadaa qaynuun weligiis idiin jiri doona tan iyo ab ka ab.
4. Oo isagu waa inuu had iyo goorba laambadaha ku kor hagaajiyaa laambadda saafiga ah oo Rabbiga hortiisa taal.
5. Oo waa inaad bur soo qaadataa, oo aad ka dubtaa laba iyo toban xabbadood oo kibis ah, oo xabbaddiiba waa inuu eefaah toban meelood loo dhigo labadiis meelood ku jiraa.
6. Oo waa inaad laba saf u dhigtaa oo safkiiba waxaad ka dhigtaa lix xabbadood, oo waxaad saartaa miiska saafiga ah oo Rabbiga hortiisa yaal.
7. Oo saf kastaba waxaad ku shubtaa foox saafi ah, si uu kibista ugu noqdo xusuus, kaasoo ah qurbaan Rabbiga dab loogu sameeyo.
8. Oo isagu had iyo goorba sabti kasta waa inuu Rabbiga hortiisa ku hagaajiyaa; waayo, kaasu wuxuu reer binu Israa’iil u yahay axdi weligiis ah.
9. Oo kibistaas waxaa iska yeelan doona Haaruun iyo wiilashiisa, oo waa inay meel daahir ah ku cunaan, waayo, taasu isaga waa ugu wada quduusan tahay qurbaannada Rabbiga ee dabka lagu sameeyo oo qaynuun weligiis ah loo amray.
10. Oo naag reer binu Israa’iil ah wiilkeed, oo aabbihiis uu Masri ahaa ayaa reer binu Israa’iil dhex galay, oo wiilkii naagta reer binu Israa’iil iyo nin reer binu Israa’iil ah ayaa xerada dhexdeedii ku diriray.
11. Markaasaa naagtii reer binu Israa’iil wiilkeedii magicii Rabbiga caayay oo habaaray, oo isagii waxaa loo keenay Muuse. Oo wiilkaas hooyadiis magaceedu wuxuu ahaa Shelomiid ina Dibrii, waxayna ahayd qabiilka Daan.
12. Oo isagiina way xidheen ilaa xukunkiisu ka soo baxo afka Rabbiga.
13. Markaasaa Rabbigu Muuse la hadlay oo wuxuu ku yidhi,
14. Kii caytamay xerada ka soo bixi, oo intii isaga maqashay oo dhammu gacmahooda madaxiisa ha kor saareen, oo dabadeedna ururka oo dhammu ha dhagxiyeen.
15. Oo waa inaad reer binu Israa’iil la hadashaa oo waxaad ku tidhaahdaa, Ku alla kii Ilaahiisa caayaa waa inuu dembigiisa qaadaa.
16. Kii magaca Rabbiga caaya sida xaqiiqada ah waa in la dilaa. Ururka oo dhammu hubaal waa inay isaga dhagxiyaan, oo hadduu shisheeye yahay iyo hadduu waddani yahayba, markuu magaca Rabbiga caayo waa in la dilaa.
17. Oo ku alla kii qof kale dila, sida xaqiiqada ah waa in la dilaa.
18. Oo ku alla kii neef xoolo ah dilaana waa inuu magaa, oo neef neef ku gudaa.
19. Oo haddii nin deriskiisa wax yeelo, wax alla wixii uu yeelay oo kale waa in isagana la yeelaa.
20. Jabniin jabniin ha ku mago, ilna il ha ku mago, iligna ilig ha ku mago, oo isagu siduu qofka wax u yeelay, saasoo kale isagana ha loo yeelo.
21. Oo kii neef xoolo ah dilaa waa inuu isagu magaa, kii qof dilase waa in isagana la dilaa.
22. Oo waa inaad sharci qudha u haysataan shisheeyaha iyo waddanigaba, waayo, aniga ayaa ah Rabbiga Ilaahiinna ah.
23. Markaasaa Muuse la hadlay reer binu Israa’iil, oo iyana waxay xerada ka soo bixiyeen kii caytamay, oo way dhagxiyeen. Oo reer binu Israa’iil waxay sameeyeen sidii Rabbigu Muuse ku amray.

  Leviticus (24/27)