← Lamentations (5/5) |
1. | Rabbiyow, bal xusuuso wixii nagu soo degay. Ka fiirso oo bal eeg caydii nalagu caayay. |
2. | Dhaxalkayagii waxaa helay shisheeyayaal. Guryahayagiina waxaa iska qaatay ajnabiyo. |
3. | Waxaannu nahay agoommo, aabbayaal ma lihin, Oo hooyooyinkayana carmallay noqdeen |
4. | Biyahayagii lacag baannu ku cabnay, Oo qoryahayagiina waa nalaga iibiyey. |
5. | Kuwii na eryanayayna way na gaadheen, Waannu daalan nahay oo nasasho ma lihin. |
6. | Waxaannu gacanta u dhiibannay Masriyiinta Iyo reer Ashuur si aannu kibis uga dheregno. |
7. | Aabbayaashayo waa dembaabeen, mana joogaan, Oo annagaa xumaatooyinkoodii xambaarannay. |
8. | Addoommaa noo taliya, Oo mid gacantooda naga samatabbixiyaana ma jiro, |
9. | Waxaannu kibistayada ku helnaa naftayadoo aan biimayno, Waana seefta cidlada aawadeed. |
10. | Haraggayagii wuxuu u madoobaaday sidii foorno oo kale, Waana kulaylkii abaarta daraaddiis. |
11. | Naagihii Siyoon dhexdeedaa lagu kufsaday, Hablihii bikradaha ahaana magaalooyinka dalka Yahuudah waa lagu kufsaday. |
12. | Amiirradii gacmahoodaa lagu deldelay, Oo odayaashiina lama sharfin. |
13. | Barbaarradii dhagaxshiidkay qaadeen, Oo carruurtiina rarkii qoryaha bay la kufeen. |
14. | Odayaashii iridday ka joogsadeen, Oo barbaarradiina muusikadoodii farahay ka qaadeen. |
15. | Farxaddii qalbigayagay ka dhammaatay, Oo cayaartayadiina baroorashay u rogmatay. |
16. | Taajkii madaxayaguu ka dhacay. Annagaa iska hoognay, waayo, waannu dembaabnay! |
17. | Taas darteed qalbigayagu wuu itaal darnaaday. Oo waxyaalahaas aawadoodna indhahayagii way arag darnaayeen. |
18. | Maxaa yeelay, Buur Siyoon waa cidlowday, Oo dawacooyin baa ku dul socda. |
19. | Rabbiyow, weligaaba sida boqor baad u fadhidaa, Oo carshigaaguna ab ka ab buu waaraa. |
20. | Haddaba bal maxaad weligaaba noo illowdaa, Oo maxaad wakhti dheer noo dayrisaa? |
21. | Rabbiyow, xaggaaga noo soo celi, oo waannu soo noqon doonnaa. Maalmahayagana sida kuwii hore oo kale nooga dhig. |
22. | Laakiinse dhammaantayoba waad na diidday. Oo aad baad noogu cadhootay. |
← Lamentations (5/5) |