Joshua (7/24)  

1. Laakiinse reer binu Israa’iil waxay ku xadgudbeen alaabtii la xarrimay, waayo, waxaa alaabtii la xarrimay qaar qaatay Caakaan ina Karmii, ina Sabdii, oo ahaa ina Serax, oo ahaa qabiilka Yahuudah; oo markaasaa Rabbigu aad ugu cadhooday reer binu Israa’iil.
2. Oo Yashuuca wuxuu niman ka diray Yerixoo oo u diray Aacii, taasoo ku tiil Beytaawen dhinaceeda, oo xagga bari ka jirtay Beytel. Oo intuu la hadlay wuxuu iyagii ku yidhi, Bal taga oo dalka soo basaasa. Oo nimankii intay tageen ayay Aacii soo basaaseen.
3. Oo markaasay Yashuuca ku soo noqdeen, oo waxay ku yidhaahdeen, Dadka oo dhammu yaanay wada tegin; laakiinse laba ama saddex kun oo nin ha tageen, oo ha baabbi’iyeen Aacii; oo dadka oo dhan halkaas ha ku daalin, maxaa yeelay, iyagu way yar yihiin.
4. Sidaas daraaddeed waxaa dadkii ka tegey oo halkaas u kacay in saddex kun oo nin ku dhow, oo waxay ka hor baqdeen dadkii reer Aacii.
5. Oo markaasaa dadkii reer Aacii waxay iyagii ka laayeen lix iyo soddon nin; oo magaalada iriddeedii ayay ka eryadeen tan iyo Shebaariim, oo waxay ku laayeen meesha dhaadhaca ah, markaasaa dadkii qalbigiisii dhalaalay, oo biyo oo kale noqday.
6. Markaasaa Yashuuca intuu dharkiisii jeexjeexay ayuu wejiga dhulka saaray oo wuxuu ku hor sujuuday sanduuqii Rabbiga tan iyo fiidkii, isaga iyo waayeellada reer binu Israa’iilba; oo waxay madaxa iska mariyeen boodh.
7. Markaasaa Yashuuca wuxuu yidhi, Way, Sayidow, Rabbiyow, ma waxaad dadkan Webi Urdun uga soo gudbisay inaad nagu riddo gacmaha reer Amor iyo inaad na halligto? Waxaa noo wanaagsanaan lahaa inaannu degno Webi Urdun shishadiisa oo halkaas raalli ku ahaanno.
8. Sayidow, maxaan idhaahdaa mar hadday reer binu Israa’iil cadaawayaashoodii dhabarka u jeediyeen?
9. Maxaa yeelay, reer Kancaan iyo kuwa dalka deggan oo dhammu waxay maqli doonaan warkaas, oo markaasay na hareerayn doonaan oo ay magacayaga dhulka ka tiri doonaan; oo markaas maxaad u samaynaysaa magacaaga weyn?
10. Markaasaa Rabbigu wuxuu Yashuuca ku yidhi, Sara joogso, maxaad sidaas wejigaaga isugu tuurtay?
11. Reer binu Israa’iil way dembaabeen; xataa weliba waxay ku xadgudbeen axdigaygii aan iyaga ku amray; xataa waxay wax ka qaadeen alaabtii la xarrimay, oo wax bay xadeen, khiyaanana way sameeyeen, oo waxay weliba ku dhex darsadeen alaabtoodii.
12. Oo sidaas daraaddeed reer binu Israa’iil cadaawayaashooda isma hor taagi karaan, oo cadaawayaashooday dhabarka u jeediyeen, maxaa yeelay, waxay noqdeen wax la xarrimay. Anigu mar dambe idinla jiri maayo, inaad alaabtii la xarrimay dhexdiinna ka baabbi’isaan mooyaane.
13. Kac, oo dadka quduus ka dhig, oo waxaad ku tidhaahdaa, Berri quduus iska dhiga, waayo, Rabbiga ah Ilaaha Israa’iil wuxuu leeyahay, Reer binu Israa’iilow, waxaa idinku dhex jira alaab la xarrimay, oo isma aad hor taagi kartaan cadaawayaashiinna, ilaa aad dhexdiinna ka fogaysaan alaabtii la xarrimay.
14. Haddaba aroorta waxaa laydiin soo dhowayn doonaa qabiil qabiil, oo qabiilkii Rabbigu soo sooco ha ii soo dhowaado iyagoo reer reer ah; oo haddana reerkii Rabbigu soo sooco, ha iigu soo dhowaadeen xaas xaas; oo haddana xaaskii Rabbigu soo sooco nin nin ha iigu soo dhowaadeen.
15. Oo kii laga helo alaabtii la xarrimay dab baa lagu gubi doonaa isaga iyo wuxuu haysto oo dhanba; maxaa yeelay, wuxuu ku xadgudbay axdigii Rabbiga, oo wuxuu reer binu Israa’iilna ku dhex sameeyey xumaan.
16. Markaasaa Yashuuca wuxuu kacay aroor hore, oo wuxuu reer binu Israa’iil u soo dhoweeyey qabiil qabiil, oo markaasaa waxaa la soocay qabiilkii Yahuudah.
17. Markaasuu hadda wuxuu soo dhoweeyey qabiilkii Yahuudah; oo wuxuu ka soocay reerkii Serax. Markaasuu xaaskii Serax u soo dhoweeyey nin nin, oo waxaa lala baxay Sabdii.
18. Markaasuu reerkiisii nin nin u soo dhoweeyey, kolkaasaa waxaa la soocay Caakaan ina Karmii, ina Sabdii, oo ahaa ina Serax ee qabiilkiisuna ahaa Yahuudah.
19. Markaasaa Yashuuca wuxuu Caakaan ku yidhi, Wiilkaygiiyow, waan ku baryayaaye, Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa’iil ammaan, oo isaga wax u qiro; oo anna hadda ii sheeg waxaad samaysay, oo ha iga qarinin.
20. Markaasaa Caakaan wuxuu Yashuuca ugu jawaabay, Sida runta ah waan ku dembaabay Rabbiga ah Ilaaha reer binu Israa’iil, oo waxaan sameeyey sidaas iyo sidaas:
21. markaan alaabtii boolida ahayd ku dhex arkay dhar wanaagsan oo Baabuloon laga keenay, iyo laba boqol oo sheqel oo lacag ah, iyo waslad dahab ah oo miisaankeedu yahay konton sheqel ayaan damcay, oo qaatay, oo bal eeg waxay haatan ku qarsoon yihiin dhulka meel teendhadayda dhexdeeda ah, lacagtuna way ka hoosaysaa.
22. Markaasaa Yashuuca cid u diray, oo teendhaday ku ordeen, oo bal eeg, alaabtii waxay ku qarsoonayd teendhadiisii, oo waxaa ka hoosaysay lacagtii.
23. Oo markaasay ka bixiyeen teendhadii dhexdeedii, oo waxay u keeneen Yashuuca, iyo reer binu Israa’iil oo dhan, oo waxay hor dhigeen Rabbiga.
24. Markaasaa Yashuuca iyo reer binu Israa’iil oo dhan oo isaga la jira waxay qaadeen Caakaan ina Serax, iyo lacagtii, iyo dharkii, iyo wasladdii dahabka ahayd, iyo Caakaan wiilashiisii, iyo gabdhihiisii, iyo dibidiisii, iyo dameerradiisii, iyo idihiisii, iyo teendhadiisii, iyo wixii uu haystay oo dhan; oo waxay keeneen dooxadii Caakoor.
25. Markaasaa Yashuuca wuxuu yidhi, War maxaad noo dhibtay? Rabbiguna maantuu ku dhibi doonaaye. Markaasaa reer binu Israa’iil oo dhammu waxay isaga la dheceen dhagaxyo; oo haddana waxay iyaga ku gubeen dab, oo dhagaxyona way la dheceen.
26. Oo waxay ku kor tuuleen dhagaxyo badan oo jira ilaa maantadan la joogo. Markaasaa Rabbigu ka soo noqday cadhadiisii kululayd. Sidaas daraaddeed meeshaas magaceedii waxaa loo bixiyey Dooxadii Caakoor, oo waa loo yaqaanna ilaa maantadan la joogo.

  Joshua (7/24)