← Job (7/42) → |
1. | War sow hawl diyaar uma aha binu-aadmiga dhulka jooga? Sowse maalmihiisu ma aha sida kuwa shaqaale oo kale? |
2. | Sida addoon hoos u xiisooda, Iyo sida shaqaale mushahaaradiisa filanaya, |
3. | Sidaasoo kale waxaa lay siiyaa bilo aan waxtar lahayn, Oo waxaa lay siiyaa habeenno daal badan. |
4. | Haddaba markaan jiifsado waxaan idhaahdaa, Bal goormaan kici doonaa? Laakiinse habeenku waa dheer yahay Oo tan iyo waaberiga waan rogrogmadaa. |
5. | Jidhkaygii waxaa ku dedan dirxiyo iyo qolfo ciid ah, Haddaba dubkaygu waa isqabsadaa dabadeedna wuu sii dillaacaa. |
6. | Cimrigaygu waa ka dheereeyaa dungudbiyaha dharsameeyaha, Oo rajola’aan baan ku noolahay. |
7. | Bal xusuusta in noloshaydu tahay dabayl uun, Ishayduna mar dambe samaan ma arki doonto. |
8. | Kii i fiiriya ishiisu mar dambe ima arki doonto, Indhahaagu way i fiirin doonaan, laakiinse anigu ma jiri doono. |
9. | Sida daruurtu ay u libidho oo ay u baabba’do, Sidaasoo kale ayaa kii She’ool hoos u galaa uusan mar dambe kor uga soo noqonayn. |
10. | Isagu mar dambe gurigiisii kuma soo noqon doono, Oo meeshiisiina mar dambe ma ay aqoon doonto. |
11. | Sidaas daraaddeed anigu afkayga celin maayo; Waxaan ku hadli doonaa cidhiidhiga qalbigayga, Oo waxaan ku caban doonaa tiiraanyada qadhaadh oo naftayda. |
12. | War anigu ma bad baan ahay, mase nibiriga badda, Bal maxaad ii daawanaysaa? |
13. | Markaan idhaahdo, Sariirtaydaa ii raxayn doonta, Oo gogoshaydaa cabatinkayga iga sahali doonta, |
14. | Ayaad riyooyin igu bajisaa, Oo waxaad igu cabsiisaa muuqashooyin. |
15. | Sidaas daraaddeed naftaydu waxay lafahayga ka doorataa Ceejin iyo geeri. |
16. | Noloshayda waan nacsanahay, oo dooni maayo inaan weligay sii noolaado; War iska kay daa, waayo, cimrigaygu waa neefsasho oo kale. |
17. | Bal binu-aadmigu muxuu yahay oo aad u weynaynaysaa, Balse maxaad uga fikiraysaa isaga? |
18. | Bal maxaad subax kasta u soo booqanaysaa, Oo aad daqiiqad kasta u tijaabinaysaa? |
19. | Bal ilaa goormaadan iga sii jeesanayn, Oo aadan iska kay daynayn intaan candhuuftayda liqayo? |
20. | Oo haddii aan dembaabay bal maxaan kuu sameeyaa Kaaga dadka ilaaliyow? Bal maxaad iiga dhigatay calaamad, Si aan nafsaddayda culaab ugu noqdo? |
21. | Oo bal maxaad xadgudubkayga iiga saamaxi weyday? Oo dembigaygana maxaad iiga fogayn weyday? Waayo, haatan ciiddaan ku dhex jiifsan doonaa, Aad baadna ii doondooni doontaa, laakiinse siima aan jiri doono. |
← Job (7/42) → |