← Job (6/42) → |
1. | Markaasaa Ayuub jawaabay oo wuxuu yidhi, |
2. | Hahe haddii dhibkayga la miisaami lahaa, Oo masiibadayda kafado la wada saari lahaa! |
3. | Wuu ka sii cuslaan lahaa cammuudda badaha, Sidaas daraaddeed hadalkaygii degdeg buu noqday. |
4. | Waayo, Ilaaha Qaadirka ah fallaadhihiisii ayaa igu dhex jira, Oo naftayduna waabaydoodii way cabbaysaa, Oo Ilaah cabsiintiisiina anigay igu soo kacdaa. |
5. | Dameerdibadeedku miyuu ciyaa markuu caws haysto? Dibiguse miyuu ciyaa markii cunto la siiyo? |
6. | Wixii aan dhadhan lahayn miyaa cusbola’aan la cuni karaa? Ukunta xabkeeduse miyuu dhadhan leeyahay? |
7. | Naftaydu way diidaa inay taabato, Waxay ii yihiin sida cunto la naco oo kale. |
8. | Hahe bal maan helo waxa aan u baryootamo, Oo Ilaah bal muu i siiyo waxa aan u xiisoodo! |
9. | Oo xataa Ilaah bal muu iska jeclaado inuu i burburiyo, Oo bal muu gacantiisa iga sii daayo oo i baabbi’iyo! |
10. | Markaas waan istareexi lahaaye, Oo waxaan u adkaysan lahaa xanuun aan ii tudhayn, Waayo, ma aanan diidin Kan Quduuska ah erayadiisii. |
11. | Bal xooggaygu waa maxay inaan sugo aawadeed? Aakhirkayguse waa maxay inaan dulqaato aawadeed? |
12. | War xooggaygu ma xoogga dhagaxyada baa? Mise jidhkaygu ma naxaas baa? |
13. | War sow ma aha inaanan iscaawiyi karayn? Sowse xigmaddu igama fogaan? |
14. | Kii diyaar u ah inuu qalbi jabo waa in saaxiibkiis u naxariisto Waaba intaasoo uu ka tago cabsida Ilaaha Qaadirka ahe. |
15. | Walaalahay waa u khiyaano badnaayeen sida durdur oo kale, Sida biyaha durdurrada ee iska baabba’a, |
16. | Kuwaasoo barafka la madoobaaday, Oo uu barafka cad isku qariyo. |
17. | Markay qorraxoodaan way libdhaan, Oo markay kululaadaanna meeshooday ka baabba’aan. |
18. | Kuwa safraa gees bay uga leexdaan, Waxay u baxaan xagga cidlada oo halkaasay ku dhintaan. |
19. | Waxaa fiiriyey kuwa Teemaa ka safray, Oo socotooyinkii Shebaa ayaa fishay. |
20. | Way ceeboobeen, waayo, way rajeeyeen, Halkaasay yimaadeen, oo way hungoobeen. |
21. | Waayo, hadda idinku sidaasaad ii noqoteen, Waxaad aragteen belaayo, waanad baqdeen. |
22. | Bal anigu miyaan idhi, Wax i sii? Amase, Maalkaaga hadiyad iiga keen? |
23. | Amase, Cadowga gacantiisa iga samatabbixi? Amase, Iga furo gacanta kan i dulma? |
24. | Bal wax i bar, oo anna waan iska aamusayaa; Oo i garansii wixii aan ku qaldamay. |
25. | Erayo runu xoog badanaa! Laakiinse bal canaantiinna muranka ahu maxay caddaysaa? |
26. | Ma waxaad u malaynaysaan inaad erayo canaanataan? Maxaa yeelay, kii quustay hadalkiisu waa sida dabayl oo kale. |
27. | Waxaad saami u ridan lahaydeen maalka agoonta, Oo saaxiibkiinna waad ka faa’iidaysan lahaydeen. |
28. | Haddaba raalli ahaada oo bal i fiiriya, Waayo, sida runta ah been idiin sheegi maayo. |
29. | Haddaba waan idin baryayaaye iska noqda, yaan caddaaladla’aanu dhicin, Ee mar kale iska noqda, waayo, xaalkaygu waa xaq. |
30. | War ma caddaaladla’aan baa carrabkayga saaran? Mase carrabkaygaan waxyaalo xunxun dhadhamin karin? |
← Job (6/42) → |