Job (42/42)    

1. Markaasaa Ayuub Rabbiga u jawaabay oo wuxuu ku yidhi,
2. Waan ogahay inaad wax walba kartid, Iyo inaan qastigaaga innaba la joojin karin.
3. Bal waa ayo kan aan aqoonta lahayn oo talada qariyaa? Haddaba anigu waxaan ku hadlay wax aanan garanayn, Oo ah waxyaalo aad iiga yaabiyey oo aanan innaba aqoon.
4. Waan ku baryayaaye i maqal aan kula hadlee, Oo wax baan ku weyddiinayaaye ii sheeg.
5. Markii hore ayaan wax kugu saabsan dhegaha ku maqlay, Laakiinse haatan indhahaan kugu arkayaa,
6. Sidaas daraaddeed waan isnacayaa, Waanan toobad keenayaa anigoo boodh iyo dambas ku fadhiya.
7. Oo markii Rabbigu erayadaas Ayuub kula hadlay dabadeed wuxuu Eliifas oo reer Teemaan ahaa ku yidhi, Cadhadaydii baa ku kululaatay adiga iyo labadaadii saaxiibba, waayo, idinku wixii xaqa ahaa igama aydaan sheegin, sidii addoonkayga Ayuub uu yeelay oo kale.
8. Haddaba sidaas daraaddeed waxaad soo wadataan toddoba dibi iyo toddoba wan, oo waxaad u tagtaan addoonkayga Ayuub, oo waxaad nafsaddiinna daraaddeed u bixisaan qurbaan la gubo; oo addoonkayga Ayuub wuu idiin ducaynayaa, waayo, isagaan ka aqbalayaa, si aanan idinkula macaamiloon sidii nacasnimadiinnii ahayd, waayo, idinku wixii xaqa ahaa igama aydaan sheegin sidii addoonkayga Ayuub uu yeelay oo kale.
9. Sidaas daraaddeed Eliifas oo ahaa reer Teemaan, iyo Bildad oo ahaa reer Shuuxii, iyo Soofar oo ahaa reer Nacamaatii way tageen oo waxay u sameeyeen sidii Rabbigu ku amray, oo Rabbiguna Ayuub wuu aqbalay.
10. Rabbiga ayaa Ayuub axwaalkiisii beddelay markuu saaxiibbadiis u duceeyey; oo Rabbiguna Ayuub wuxuu siiyey wixii uu markii hore lahaa laba jibbaarkood.
11. Markaasaa Ayuub waxaa u yimid walaalihiis oo dhan, wiilal iyo gabdhoba, iyo kuwii isaga hore u yiqiin oo dhan, oo gurigiisii ayay kibis kula cuneen, wayna u tacsiyeeyeen, oo waxay uga qalbi qaboojiyeen masiibadii Rabbigu isaga ku soo dejiyey oo dhan. Oo nin kastaaba wuxuu isagii siiyey in lacag ah iyo hilqad dahab ah.
12. Oo sidaasuu Rabbigu Ayuub ugudambaystiisii u barakeeyey in ka sii badan bilowgiisii hore; oo wuxuu lahaa afar iyo toban kun oo ido ah, iyo lix kun oo geel ah, iyo laba kun oo dibi, iyo kun dameerood.
13. Oo weliba wuxuu lahaa toddoba wiil iyo saddex gabdhood.
14. Oo middii kowaad magaceedii wuxuu u bixiyey Yemiimaah, tii labaad magaceediina wuxuu u bixiyey Qasicaah, tii saddexaad magaceediina wuxuu u bixiyey Qeren Hafuug.
15. Oo waddankaas oo dhanna laguma arag dumar u qurxoon sida gabdhaha Ayuub, oo aabbahoodna dhaxal buu walaalahood la siiyey.
16. Oo wakhtigaas dabadeed Ayuub wuxuu noolaa boqol iyo afartan sannadood, oo wuxuu arkay wiilashiisii, iyo wiilashiisa wiilashoodiiba, tan iyo intii afar fac ah.
17. Markaasaa Ayuub dhintay isagoo duq ah oo cimri weyn.

  Job (42/42)