| ← Job (41/42) → | 
| 1. | War bahalbadeedka Lewiiyaataan la yidhaahdo miyaad jillaab kalluun ku soo bixin kartaa? Carrabkiisase ma hoos baad xadhig ugu adkayn kartaa? | 
| 2. | Ma sankiisaad xadhig ku xidhi kartaa? Mase daankiisaad jillaab ku duleelin kartaa? | 
| 3. | Isagu ma aad buu kuu baryi doonaa? Mase hadal macaan buu kugula hadli doonaa? | 
| 4. | Ma axdi buu kula dhigan doonaa, Si aad addoon uga dhigatid weligiisba? | 
| 5. | Ma waxaad isaga ula cayaari doontaa sidaad shimbir ula cayaartid oo kale? Miyaadse gabdhahaaga u xidhi doontaa? | 
| 6. | Kalluumaystayaashu miyey isaga iibin doonaan? Mase baayacmushtariyaasha bay u qaybin doonaan? | 
| 7. | Haraggiisa miyaad hotooyin ka buuxin kartaa? Madaxiisase miyaad warmaha kalluunka lagu qabsado ka buuxin kartaa? | 
| 8. | Gacantaada isaga kor saar, Markaas dagaalka xusuuso, oo mar dambe saas yeeli maysid! | 
| 9. | Bal eeg, in isaga la qabto rajo ma leh, Xataa haddii isaga la arko, sow hoos loo dhici maayo? | 
| 10. | Ma jiro mid ku dhaca inuu isaga kiciyo, Haddaba waa ayo kan aniga i hor istaagi kara? | 
| 11. | Bal yaa hore wax ii siiyey oo aan haatan u celiyaa? Waxa samada ka hooseeya oo dhan anigaa leh. | 
| 12. | Anigu ka aamusi maayo waxa ku saabsan addimmadiisa, Ama itaalkiisa xoogga leh, ama jidhkiisa quruxda badan. | 
| 13. | Haddaba bal yaa dharkiisa kore ka furan kara? Oo bal yaa gowsihiisa soo geli kara? | 
| 14. | Bal yaa albaabbada wejigiisa furi kara? Ilkihiisa aad baa looga cabsadaa. | 
| 15. | Qolfihiisa adag waa wuxuu ku kibro, Oo waxay isugu wada xidhan yihiin sida wax shaabad lagu adkeeyo. | 
| 16. | Midba midda kale way ku dhow dahay, Oo innaba dabaylu dhexdooda kama dusi karto. | 
| 17. | Middoodba midda kale way haysataa, Oo way isku wada dheggan yihiin, oo innaba lama kala fujin karo. | 
| 18. | Hindhisooyinkiisa waxaa ka soo widhwidha iftiin, Oo indhihiisuna waa sidii kaaha waaberiga. | 
| 19. | Afkiisa waxaa ka soo baxa wax ololaya, Oo waxaa ka soo duula dhimbiilo dab ah. | 
| 20. | Dulalka sankiisa qiiq baa ka soo baxa Sida dheri karaya iyo cawsduur ololaya. | 
| 21. | Neeftiisu dhuxulay shiddaa, Oo olol baa afkiisa ka soo baxa. | 
| 22. | Luquntiisu xoog bay leedahay, Oo cabsina hortiisay ku booddaa. | 
| 23. | Duudduubyada jidhkiisu way isku wada dheggan yihiin, Wayna ku adag yihiin oo innaba lama dhaqaajin karo. | 
| 24. | Qalbigiisu wuxuu u adag yahay sida dhagax oo kale, Hubaal wuxuu u adag yahay sida dhagaxa shiidka ee hoose. | 
| 25. | Markuu sara joogsado ayay kuwa xoogga badanu baqaan, Oo naxdin daraaddeed ayay la waashaan. | 
| 26. | In kastoo lagula kaco seef, Iyo waran, iyo fallaadh, iyo hoto, kolleyba waxba kama tari karaan. | 
| 27. | Isagu birta wuxuu ku tiriyaa sida caws engegan oo kale, Naxaastana wuxuu ku tiriyaa sida qori bololay. | 
| 28. | Fallaadhu isaga ma eryi karto, Oo dhagaxyada wadhafkuna waxay isaga u noqdaan sidii xaab oo kale. | 
| 29. | Budhadhkuna waxay isaga la yihiin sidii xaab oo kale, Oo hotada ruxmashadeedana wuu ku qoslaa. | 
| 30. | Boggiisa hoose waa sida dheryo burburradooda afaysan, Oo wuxuu dhoobada ugu kor dhaqaaqaa sida gaadhi hadhuudh lagu tumo. | 
| 31. | Isagu moolkuu u kariyaa sidii dheri oo kale, Oo baddana wuxuu ka dhigaa sida weel cadar ku jiro oo kale. | 
| 32. | Xaggiisa dambe wuxuu noqdaa jid wax ka iftiimo, Oo moolkana waxaa loo maleeyaa sidii cirro oo kale. | 
| 33. | Dhulka ma joogo mid sidiisa oo kale, Oo cabsila’aan la abuuray. | 
| 34. | Isagu wuxuu fiiriyaa waxyaalaha sare oo dhan, Oo inta kibirsan oo dhan boqor buu u yahay. | 
| ← Job (41/42) → |