← Job (39/42) → |
1. | War miyaad taqaan markay ridibadeedda qarka joogta dhasho? Miyaadse arki kartaa markay deerooyinku dhalaan? |
2. | Miyaad tirin kartaa bilaha sidkoodu ku buuxsamo? Miyaadse taqaan wakhtiga ay dhalaan? |
3. | Intay arruntaan ayay ubadkooda dhalaan, Oo fooshoodana way iska saaraan. |
4. | Oo ubadkooda yaryaruna way kobcaan, oo waxay ku koraan berrin bannaan, Oo intay baxaan ayaanay mar dambe soo noqon. |
5. | Bal yaa dameerdibadeedka xoreeyey? Yaase dameerdibadeedka xadhkihiisii ka furay? |
6. | Kaas gurigiisa waxaan ka dhigay cidlada, Oo rugtiisuna waa dalka cusbada. |
7. | Magaalada buuqeeda wuu quudhsadaa, Oo kexeeyaha qayladiisana ma maqlo. |
8. | Xidhiidhka buurahu waa daaqiisa, Oo wuxuu raadiyaa wax kasta oo cagaar ah. |
9. | Dibidibadeedku miyuu raalli ku noqon doonaa inuu kuu adeego? Miyuuse qabaalka xeradaada ku ag hoyan doonaa? |
10. | Dibidibadeedka miyaad xadhko ku xidhi kartaa si uu beerta u qodo? Miyuuse dooxooyinka kaa daba hagaajin? |
11. | Xooggiisa badan daraaddiis miyaad isugu hallaynaysaa? Hawshaadase ma isagaad u daynaysaa? |
12. | Ma waxaad isaga ugu kalsoon tahay inuu midhahaaga guriga keeno, Oo uu kuu soo urursho hadhuudhka goobkaaga wax lagu tumo? |
13. | Gorayada garabkeedu farxad buu la ruxmadaa, Laakiinse garbaheeda iyo baalasheedu ma wax bay u roon yihiin? |
14. | Waayo, iyadu ugaxdeeda waxay kaga tagtaa dhulka dushiisa, Oo ciidday ku diirisaa, |
15. | Oo waxay illowdaa inay cagtu burburinayso, Iyo inuu dugaaggu ku tumanayo. |
16. | Waxay ku adkaataa dhasheeda, sidii iyagoo aan kuweedii ahayn, Oo in kastoo ay waxtarla’aan u hawshooto haddana iyadu cabsi ma qabto, |
17. | Maxaa yeelay, Ilaah baa iyada xigmad u diiday, Oo waxgarashona ma uu siin. |
18. | Oo markay kor isu qaaddo inay carartona, Waxay quudhsataa faraska iyo kii fuushanba. |
19. | War ma adigaa faraska xooggiisa siiyey? Surkiisase ma adigaa guudka ruxma huwiyey? |
20. | War ma adigaa ka dhigay inuu sida ayaxa u boodo? Haybadda bururufta sankiisu way cabsi badan tahay. |
21. | Dooxaduu qoobka ku garaacaa, oo xooggiisuu ku reyreeyaa, Oo intuu baxo ayuu ka hor tagaa ragga hubka sita. |
22. | Cabsida wuu ku qoslaa, oo ma uu baqo, Oo seeftana dib ugama noqdo. |
23. | Korkiisa waxaa ka sanqadha gabooye, Iyo waran birbirqaya iyo hoto. |
24. | Isagu dhulkuu ku liqaa gariir iyo cadho, Oo buunka codkiisa hadduu maqlona ma istaago. |
25. | Oo mar alla markii buunku dhawaaqo ayuu Haw yidhaahdaa, Oo meel fog ayuu dagaalka ka uriyaa, Wuxuuna maqlaa saraakiisha qayladooda onkodaysa iyo hugunka. |
26. | Haadka adagu ma xigmaddaaduu kor ugu duulaa? Garbihiisase xagga koonfureed ma u fidiyaa? |
27. | Baqalyaduse ma amarkaagay kor ugu duushaa? Oo ma saasay buulkeeda meelaha sarsare uga dhisataa? |
28. | Waxay ku hoyataa qarka dheer korkiisa, oo hoygeeduna halkaasuu ku yaal, Xagga qarka dheer dhaladiisa, iyo meesha adag dusheeda. |
29. | Oo iyadoo halkaas joogta ayay ugaadh ka fiirsataa, Oo indhaheeduna meel fog bay wax ka arkaan. |
30. | Dhasheeda yaryaru dhiig bay nuugaan, Oo iyana waxay joogtaa hadba meeshii raqu taal. |
← Job (39/42) → |