| ← Job (38/42) → |
| 1. | Markaasaa Rabbigu Ayuub uga jawaabay dabaysha cirwareenta ah, oo wuxuu ku yidhi, |
| 2. | Waa kuma kan talada ku madoobeeya Erayada aan aqoonta lahayn? |
| 3. | Haddaba sida nin rag ah dhexda u gunto, Waayo, wax baan ku weyddiinayaa, oo adna waa inaad ii sheegtaa. |
| 4. | Markaan dunida aasaaskeeda dhigay xaggee baad joogtay? Haddaad waxgarad tahay, taas ii sheeg. |
| 5. | Haddaadse taqaanid yaa qiyaasteeda amray? Amase yaa xadhiggii lagu qiyaasay ku kor fidiyey? |
| 6. | Aasaaskeedase bal xaggee baa lagu dejiyey? Amase yaa dhigay dhagaxa geeska ah |
| 7. | Markay xiddigaha aroorya isla wada heeseen, Oo ay carruurta Ilaah oo dhammu farxad la qayliyeen? |
| 8. | Amase yaa badda albaabbo ku xidhay markay u soo faruurantay Sidii wax maxal ka soo baxay, |
| 9. | Iyo markaan daruurta dharka uga dhigay, Oo aan gudcurka maro lagu duudduubo uga dhigay, |
| 10. | Oo aan hareeraheeda xad u amray, Oo aan u yeelay qataarro iyo albaabbo, |
| 11. | Oo aan ku idhi, Ilaa halkan soo gaadh, laakiinse innaba ha soo dhaafin, Oo hirarkaaga kibirka lahu waa inay halkan ku joogsadaan? |
| 12. | Tan iyo waagii aad dhalatay marna subaxda ma amartay? Waaberigase ma meeshiisaad ogeysiisay, |
| 13. | Si uu u qabsado dhulka darfihiisa, Oo sharrowyada looga hurgufo? |
| 14. | Waa loo beddelaa sidii dhoobo shaabad ka hoosaysa, Oo wax kastaaba waxay kor uga muuqdaan sidii dhar oo kale, |
| 15. | Oo sharrowyadana iftiinkooda waa loo diiday, Oo gacantii sarraysayna waa la jebiyey. |
| 16. | Adigu miyaad badda ilaheeda dhex gashay? Miyaadse moolka salkiisa martay? |
| 17. | Geerida irdaheeda miyaa laguu muujiyey? Miyaadse aragtay irdaha hooska dhimashada? |
| 18. | Miyaad garanaysaa dhulka ballaadhkiisa? Haddaad waxaas wada taqaanid ii sheeg. |
| 19. | Rugta iftiinka jidka loo maraa waa xaggee? Gudcurkase meeshiisu waa xaggee, |
| 20. | Si aad soohdintiisa u martid, Oo aad u garatid wadiiqooyinka gurigiisa loo maro? |
| 21. | Shakila’aan waad taqaan, waayo, adigu wakhtigaas waad dhalanayd Oo cimrigaaguna wuu dheer yahay! |
| 22. | Adigu miyaad dhex gashay meesha barafka cad lagu kaydiyo? Miyaadse aragtay meesha roobdhagaxyaalaha la dhigo, |
| 23. | Kuwaasoo aan u kaydsaday wakhtiga dhibaatada, Iyo maalinta dirirta iyo dagaalka? |
| 24. | Iftiinka jidkee baa lagu kala qaybiyaa? Dabaysha barise sidee baa dhulka loogu kor firdhiyaa? |
| 25. | Bal yaa jid u sameeyey biyaha daadka ah, Amase hillaaca onkodka, |
| 26. | Si roob ugu da’o dhul aan binu-aadmina joogin, Iyo cidlada aan ninna degganayn, |
| 27. | Si uu u dherjiyo dhulka cidlo iyo baabba' ah, Oo uu doog jilicsan uga soo bixiyo? |
| 28. | Roobku ma aabbuu leeyahay? Yaase dhalay dhibicyaha sayaxa? |
| 29. | Barafkuse bal yuu maxalkiisa ka soo baxay? Yaase dhalay sayaxa barafoobay ee cirka ka yimaada? |
| 30. | Biyihii waxay u adkaadeen sidii dhagax oo kale, Oo moolka korkiisiina wuu barafoobay. |
| 31. | Adigu miyaad xidhi kartaa ururka xiddigaha ee Toddobaadyada la yidhaahdo? Miyaadse furi kartaa ururka Oriyon la yidhaahdo? |
| 32. | Miyaad kartaa inaad xiddigaha Masarood la yidhaahdo xilligooda soo saarto? Miyaadse ururka xiddigaha ee Orsada la yidhaahdo carruurtiisa la kaxayn kartaa? |
| 33. | Miyaad taqaan amarrada samooyinka? Dowladnimadoodana ma dhulkaad ku dhisi kartaa? |
| 34. | Codkaaga miyaad daruuraha kor ugu qaadi kartaa, Si biyo badanu ay kuu daboolaan daraaddeed? |
| 35. | Miyaad hillaaca diri kartaa, si ay u tagaan, Oo ay kuugu yidhaahdaan, Waa na kan? |
| 36. | Bal yaa qalbiga xigmadda geliyey? Yaase maanka waxgarashada siiyey? |
| 37. | Bal yaa daruuraha xigmad ku tirin kara? Yaase qarbeddada samada biyo ka shubi kara, |
| 38. | Markii boodhku taallooyin noqdo, Oo ciidduna ay isku dhegto? |
| 39. | Miyaad karaysaa inaad gool libaax u ugaadhid? Miyaadse dhal libaax dherjin kartaa, |
| 40. | Markay boholahooda ku dhex dhuuntaan, Oo ay hogga u joogaan inay wax gaadaan? |
| 41. | Bal yaa tukaha cunto ku quudiya, Markii dhashiisu Ilaah u qayshadaan, Oo ay cuntola’aan daraaddeed u warwareegaan? |
| ← Job (38/42) → |