| ← Job (33/42) → |
| 1. | Habase ahaatee, Ayuubow, waan ku baryayaaye, hadalkayga maqal, Oo erayadayda oo dhanna dhegta u dhig. |
| 2. | Bal eeg haatan, afkaygaan furay, Oo carrabkaygu wuxuu ku dhex hadlay afkayga. |
| 3. | Erayadaydu waxay sheegi doonaan qummanaanta qalbigayga, Oo bushimahayguna wixii ay yaqaaniin si daacad ah ayay ugu hadli doonaan. |
| 4. | Waxaa i sameeyey Ruuxa Ilaah, Oo waxaa i noolaysa Ilaaha Qaadirka ah neeftiisa. |
| 5. | Haddaba haddaad kartid ii jawaab, Oo hortayda erayada si hagaagsan ugu sheeg oo istaag. |
| 6. | Bal eeg, aniguba xag Ilaah waxaan ahay sidaada oo kale; Oo anigana waxaa layga uumay dhoobo. |
| 7. | Bal eeg, nixintaydu kuma cabsiin doonto, Oo gacantayduna kuguma cuslaan doonto. |
| 8. | Sida xaqiiqada ah dhegahaygaad ku hadashay, Waanan maqlay codkii erayadaada oo leh, |
| 9. | Anigu nadiif baan ahay, oo xadgudubna ma lihi, Xaq ma qabo, oo xumaanuna iguma jirto innaba. |
| 10. | Bal eeg, sabab uu igu eedeeyo ayuu iga helaa, Oo wuxuu igu tiriyaa inaan cadowgiisa ahay; |
| 11. | Cagahayga wuxuu geliyaa jeebbooyin, Oo jidadkayga oo dhanna wuu wada fiiriyaa. |
| 12. | Bal eeg, waan kuu jawaabi doonaa, haddaba waxan xaq kuma tihid, Waayo, Ilaah baa binu-aadmiga ka sii weyn. |
| 13. | Haddaba maxaad isaga ula asaraartantaa? Waayo, isagu axwaalkiisa midnaba jawaab kama baxsho. |
| 14. | Waayo, Ilaah wuxuu hadlaa mar, Ama laba jeer, in kastoo aan laga fiirsanayn. |
| 15. | Riyada iyo muujinta habeennimo, Markii hurdo weynu dadka ku soo degto, Oo sariirta lagu gam’o, |
| 16. | Markaasuu dhegaha binu-aadmiga furaa, Oo waxa iyaga lagu waaniyey ayuu xaqiijiyaa, |
| 17. | Si uu dadka uga soo celiyo qastigooda xun, Oo uu binu-aadmiga kibir uga qariyo, |
| 18. | Oo naftiisana wuxuu dib uga hayaa yaamayska, Oo noloshiisana wuxuu ka hayaa seefta. |
| 19. | Oo weliba waxaa sariirtiisa lagu kor edbiyaa xanuun, Iyo dagaal joogto ah oo lafihiisa ku dhex jira. |
| 20. | Sidaas daraaddeed nafsaddiisu kibista way karahsataa, Naftiisuna cuntada macaan way nacdaa. |
| 21. | Hilibkiisu waa ka mudhuxsan yahay, oo mar dambe lama arki karo; Oo lafihiisii aan la arki jirinuna way soo baxaan. |
| 22. | Hubaal naftiisu waxay ku dhow dahay yaamayska, Oo noloshiisuna waxay ku dhow dahay kuwii baabbi’in lahaa. |
| 23. | Hadday la joogi lahayd malaa’ig dhexdhexaadeye ah Oo ah mid kun ka mid ahu, Inay dadka tusto waxa ku qumman, |
| 24. | Markaas Ilaah baa u naxariista, oo wuxuu leeyahay, Yaamayska uu ku sii dhacayo ka samatabbixi, Waayo, furasho baan helay. |
| 25. | Hilibkiisu waa ka sii jilicsanaan doonaa kan ilmaha; Oo wuxuu ku noqdaa wakhtigii dhallinyaranimadiisa. |
| 26. | Isagu Ilaah buu baryaa, oo isna raalli buu ka noqdaa, Sidaas daraaddeed wejigiisa farxad buu ku arkaa; Oo wuxuu dadka u soo celiyaa xaqnimadiisa. |
| 27. | Isagu dadka hortiisa buu ku gabyaa, oo wuxuu leeyahay, Waan dembaabay, oo waxaan qalloociyey wixii qummanaa, Oo taasuna layguma abaal gudin. |
| 28. | Isagu naftayduu ka soo furtay yaamayskii ay ku dhacaysay, Oo noloshayduna iftiin bay arki doontaa. |
| 29. | Bal eeg, waxyaalahan oo dhan Ilaah baa binu-aadmiga ku sameeya, Laba ama saddex jeer, |
| 30. | Si uu naftiisa yaamayska uga soo celiyo, In isaga lagu iftiimiyo iftiinka kuwa nool. |
| 31. | Ayuubow, i maqal oo aniga i dhegayso: Adigu iska aamus, oo anna waan hadli doonaa. |
| 32. | Haddaad wax odhan lahayd, ii jawaab, Oo hadal, waayo, waxaan jeclahay inaan xaq kaa dhigo. |
| 33. | Haddii kalese, bal i dhegayso: Iska aamus, oo anna xigmad baan ku bari doonaa. |
| ← Job (33/42) → |