| ← Job (31/42) → |
| 1. | Waxaan axdi la dhigtay indhahayga, Haddaba bal sidee baan gabadh u fiirinayaa? |
| 2. | Waayo, waa maxay qaybta laga helo Ilaaha xagga sare jooga, Iyo dhaxalka laga helo Ilaaha Qaadirka ah oo sarreeya? |
| 3. | Sow belaayo uma aha kuwa xaqa daran, Iyo masiibo kuwa xumaanta ka shaqeeya? |
| 4. | Isagu sow uma jeedin socodkayga oo dhan? Oo sow ma tirinin tallaabooyinkayga oo dhan? |
| 5. | Haddaan hawo been ah ku socday, Oo ay cagtaydu khiyaano u dheeraysay, |
| 6. | (Ha laygu miisaamo miisaan siman, Si Ilaah ku ogaado daacadnimadayda, ) |
| 7. | Haddii tallaabadaydu jidka gees uga leexatay, Oo qalbigaygu uu indhahayga raacay, Iyo haddii ay bar ceeb ahu gacmahayga ku dhegtay, |
| 8. | Markaas anigu aan wax beero, oo mid kale ha cuno, Oo xataa waxa beertayda ka soo baxa ha la wada rujiyo. |
| 9. | Haddii qalbigayga ay naagu sasabatay, Oo aan albaabka deriskayga ku ag dhuuntay, |
| 10. | Markaas naagtaydu nin kale wax ha u shiiddo, Oo kuwa kale ha ku kor foororsadeen iyada. |
| 11. | Waayo, kaasu waa dembi baas, Oo waa xumaan ay xaakinnadu ciqaabi lahaayeen, |
| 12. | Waayo, kaasu waa dab wax dhammeeya ilaa uu baabbi’iyo, Oo waxa ii soo baxa oo dhan wuu wada rujin lahaa. |
| 13. | Haddaan addoonkayga ama addoontayda dacwadooda quudhsaday, Markay ila mudacayeen, |
| 14. | Haddaba bal maxaan samayn doonaa markii Ilaah sara joogsado? Oo markuu i soo booqdose bal maxaan ugu jawaabi doonaa? |
| 15. | Kii uurka dhexdiisa igu abuuray sow isagana ma abuurin? Oo sow uurka nalaguma dhex samayn? |
| 16. | Haddaan miskiin u diiday wax uu doonayay, Ama aan indhaha carmalka illin ka keenay, |
| 17. | Amase haddaan quudkayga keligay cunay, Oo ayan agoontu wax ka cunin, |
| 18. | (Saas ma aha, laakiinse isaga tan iyo yaraantaydii waan koriyey sidii mid aabbihiis koriyo oo kale, Oo tan iyo markaan uurkii hooyaday ka soo baxayna waxaan iyada u ahaan jiray horseed, ) |
| 19. | Haddaan arkay qof arrad daraaddiis u dhimanaya, Amase sabool baahan oo aan dhar haysan, |
| 20. | Hadduusan uurka iiga ducayn, Amase hadduusan isku kululayn dhogorta idahayga, |
| 21. | Caawimaaddaydii oo aan iridda uga jeeday daraaddeed, Haddaan agoon gacantayda u qaaday, |
| 22. | Markaas garabkaygu ha kala fakado, Oo gacantayduna kalagooyska ha ka jabto. |
| 23. | Waayo, masiibo xag Ilaah ka timid ayaa i cabsiisay, Oo sarraysnaantiisa daraaddeedna anigu waxba ma aanan samayn karin. |
| 24. | Haddaan dahab rajo ka dhigtay, Oo aan dahabka saafiga ah ku idhi, Kalsoonidayda baad tahay, |
| 25. | Haddaan ku reyreeyey maalkayga badan daraaddiis, Iyo waxyaalaha badan oo gacantaydu heshay daraaddood, |
| 26. | Haddaan fiiriyey qorraxda oo dhalaalaysa, Ama dayaxa oo iftiin ku socda, |
| 27. | Oo markaas qalbigayga haddii qarsoodi loo sasabtay, Oo anoo caabudaya aan afkayga gacanta ugu dhunkaday, |
| 28. | Kaasu weliba waa dembi ay xaakinnadii ciqaabi lahaayeen, Waayo, waxaan daacadlaawe u ahaan lahaa Ilaaha wax walba ka sarreeya. |
| 29. | Haddaan ku reyreeyey kan i neceb halligaaddiisa, Ama aan aad u farxay markii belaayadu isaga heshay, |
| 30. | (Afkayga uma aanan oggolaan inuu ku dembaabo Naftiisa oo aan habaar u weyddiisto;) |
| 31. | Dadka teendhadayda jooga haddayan isku odhan, Yaa heli kara mid aan hilibkiisa ka dhergin? |
| 32. | Shisheeyuhu jidka kuma baryi jirin, Laakiinse socotada ayaan albaabbadayda u furi jiray, |
| 33. | Haddaan xadgudubkaygii daboolay sidii binu-aadmiga oo kale, Anigoo xumaantayda laabtayda ku qarinaya, |
| 34. | Maxaa yeelay, dadka badan waan ka baqay, Oo quudhsiga qaraabaday ayaa i cabsiiyey, Oo saas aawadeed ayaan ku aamusay, oo dibadda uma bixin. |
| 35. | Hoogaye haddaan lahaan lahaa mid i maqla! (Bal eeg, waa tan calaamaddaydii, haddaba Ilaaha Qaadirka ahu ha ii jawaabo;) Yaa i siinaya eedayntii uu cadowgaygu iga qoray! |
| 36. | Sida xaqiiqada ah garabkaygaan ku qaadan lahaa, Oo weliba madaxaan ku xidhan lahaa sidii taaj oo kale. |
| 37. | Oo waxaan isaga u sheegi lahaa tirada tallaabooyinkaygu inta ay tahay; Oo waxaan isaga ugu soo dhowaan lahaa sidii amiir oo kale. |
| 38. | Haddii dalkaygu uu iga qayliyo, Oo jeexjeexiisu ay dhammaantood wada ooyaan, |
| 39. | Haddaan midhihiisa lacagla’aan ku cunay, Ama aan sabab u noqday in kuwii lahaa ay dhintaan, |
| 40. | Sarreenka meeshiisii yamaarug ha ka soo baxo, Oo shiciirka meeshiisiina gocondho ha ka soo baxdo. Ayuub erayadiisii way dhammaadeen. |
| ← Job (31/42) → |