| ← Job (28/42) → |
| 1. | Hubaal lacagtu waxay leedahay god laga qodo, Oo dahabkuna wuxuu leeyahay meel lagu safeeyo. |
| 2. | Birta waxaa laga soo bixiyaa ciidda, Oo naxaastana waxaa laga dhalaaliyaa dhagaxa. |
| 3. | Dadku gudcurkuu dhammeeyaa, Oo tan iyo soohdinta ugu shishaysana waxay baadhaan Dhagaxyada ku jira gudcurka qarada leh iyo hooska dhimashada. |
| 4. | Isagu god dheer ayuu ka qodaa meel ka fog meesha dadku deggan yahay. Iyaga waxaa illooba qofka ag mara; Oo waxay ka laallaadaan meel dadka ka fog, oo hor iyo dib bay u ruxmadaan. |
| 5. | Cuntadu dhulkay ka soo baxdaa, Oo dhankiisa hoosena wuu rogmadaa sida wax dabku rogo oo kale. |
| 6. | Dhagaxyadiisu waa meeshii dhagaxyo safayr ah, Wuxuuna leeyahay dahab boodh ah. |
| 7. | Wadiiqadaas haadka adagu ma yaqaan, Oo gorgorka ishiisuna ma ay arag, |
| 8. | Bahallada kibirka lahu kuma ay joogsan, Oo libaaxa cadhaysanina ma uu ag marin. |
| 9. | Isagu gacantiisuu soo fidiyaa oo wuxuu saaraa dhagaxa adag, Oo buurahana wuu afgembiyaa oo xididdaduu ku rujiyaa. |
| 10. | Dhagaxyada dhexdooda wuxuu ka jeexaa keliyo, Oo ishiisuna wax kasta oo qaali ah way aragtaa. |
| 11. | Wuxuu xidhaa durdurrada si ayan u dareerin, Oo waxa qarsoonna wuxuu u soo bannaan bixiyaa iftiinka. |
| 12. | Laakiinse waa xaggee meesha xigmadda laga helaa? Oo waxgarashada meesheeduse waa xaggee? |
| 13. | Dadku qiimaheeda ma yaqaan, Oo kuwa nool dalkoodana lagama helo. |
| 14. | Moolku wuxuu leeyahay, Iguma jirto, Badduna waxay leedahay, Aniga ilama jirto. |
| 15. | Dahab laguma heli karo, Lacagna looma miisaamo. |
| 16. | Laguma qiimayn karo dahabka Oofir, Ama dhagaxa qaaliga ah oo onika la yidhaahdo ama xataa dhagaxa safayr la yidhaahdo. |
| 17. | Dahab iyo madarad toona uma qalmi karaan, Oo beddelkeeduna ma noqon karo jawhar laga sameeyo dahab saafi ah. |
| 18. | Waxba lagama sheegi doono dhagax cas oo raamood la yidhaahdo, amase madarad, Hubaal xigmadda qiimaheedu waa ka sii sarreeyaa luul. |
| 19. | Dhagaxa tobasiyos la yidhaahdo ee Itoobiya ka yimaadana uma qalmi doono, Oo xataa dahab saafi ahna laguma qiimayn doono. |
| 20. | Haddaba xigmaddu xaggee bay ka timaadaa? Oo waxgarashada meesheeduse waa xaggee? |
| 21. | Maxaa yeelay, way ka qarsoon tahay kuwa nool indhahooda, Oo haadka hawadana waa laga deday. |
| 22. | Halligaadda iyo Dhimashadu waxay leeyihiin, Dhegahayaga ayaannu warkeeda ku maqalnay. |
| 23. | Ilaah ayaa jidkeeda garanaya, Oo isagaa meesheeda yaqaan. |
| 24. | Waayo, isagu wuxuu fiiriyaa dunida darfaheeda, Oo wuxuu u jeedaa inta samada ka hoosaysa oo dhan, |
| 25. | Markuu dabaysha miisaamo, Oo uu biyahana qiyaaso. |
| 26. | Markuu roobka qaynuun u sameeyey, Oo uu hillaaca onkodkana jid u sameeyey, |
| 27. | Ayuu arkay, oo ka hadlay, Oo intuu adkeeyey ayuu weliba baadhay. |
| 28. | Oo wuxuu dadka ku yidhi, Bal eega, Sayidka ka cabsashadiisa ayaa xigmad ah, Oo in sharka laga fogaadona waa waxgarasho. |
| ← Job (28/42) → |