| ← Job (26/42) → |
| 1. | Markaasaa Ayuub u jawaabay oo wuxuu ku yidhi, |
| 2. | Sidee baad u caawisay midka aan itaalka lahayn! Oo kan ayan gacantiisu xoogga lahayn sidee baad u badbaadisay! |
| 3. | Sidee baad ula talisay kan aan xigmadda lahayn! Oo aad u muujisay aqoon wanaagsan! |
| 4. | Yaad erayo kula hadashay? Oo yaa ruuxiisu xaggaaga ka soo baxay? |
| 5. | Kuwii dhintayna way ku hoos gariiraan Biyaha iyo waxyaalaha dhex deggan. |
| 6. | She’ool hortiisuu yaal isagoo qaawan, Oo Halligaadduna dabool ma leh. |
| 7. | Isagu woqooyiga wuxuu ku kala bixiyaa meel madhan, Oo dhulkana wuxuu ka laalaadshaa wax aan waxba ahayn. |
| 8. | Biyaha wuxuu ku xidhaa daruurihiisa qarada waaweyn; Oo daruurtuna hoostooda kama dillaacdo. |
| 9. | Wuxuu xidhaa wejiga carshigiisa, Oo daruurtiisana wuu ku kala bixiyaa. |
| 10. | Biyaha dushooda wuxuu ku wareejiyey soohdin Kala xidha nuurka iyo gudcurka. |
| 11. | Tiirarka samadu way gariiraan, Oo waxay ka yaabaan canaantiisa. |
| 12. | Badda ayuu xooggiisa ku aamusiiyaa, Oo kibirkana waxgarashadiisuu ku dhuftaa. |
| 13. | Samooyinka waxaa lagu sharraxay Ruuxiisa, Gacantiisuna waxay mudday abeesada dheeraysa. |
| 14. | Bal eeg, waxanu waa darafyadii jidadkiisa uun; Oo inta isaga laga maqlaana yaraan badanaa! Laakiinse bal yaa onkodka xooggiisa garan kara? |
| ← Job (26/42) → |