| ← Job (25/42) → |
| 1. | Markaasaa Bildad oo ahaa reer Shuuxii u jawaabay, oo wuxuu ku yidhi, |
| 2. | Dowladnimo iyo cabsiba isagaa leh, Oo meelihiisa sarena nabad buu ka dhigaa. |
| 3. | Ciidammadiisu ma tiray leeyihiin? Oo yuu yahay kan aan iftiinkiisu ku soo bixin? |
| 4. | Balse sidee baa nin u kari karaa inuu Ilaah hortiisa xaq ku ahaado? Mid naagu dhashayse sidee buu u karaa inuu nadiif ahaado? |
| 5. | Bal eeg, xataa dayuxu hortiisa nuur kuma leh, Oo xiddiguhuna hortiisa daahir kuma aha. |
| 6. | Intee buu ka sii liitaa nin dirxi ahu! Iyo binu-aadmiga dirxiga ahu! |
| ← Job (25/42) → |