| ← Job (21/42) → |
| 1. | Markaasaa Ayuub u jawaabay oo wuxuu ku yidhi, |
| 2. | Maqla oo warkayga aad u dhegaysta, Oo tanuna ha noqoto wixii aad igu qalbiqabowjisaan. |
| 3. | Bal mar ii oggolaada aan hadlee, Oo kolkii aan hadlo dabadeed iska sii majaajilooda. |
| 4. | Balse anigu ma dad baan ka ashtakoonayaa? Maxaan u ahaan waayay mid aan dulqaadan? |
| 5. | Bal i eega, oo yaaba, Oo afkiinna gacanta saara. |
| 6. | Oo xataa markaan soo xusuusto waan welwelaa, Oo jidhkaygana waa hoog iyo ba'. |
| 7. | Bal maxay kuwa sharka ahu u noolaanayaan? Oo ay u gaboobayaan? Balse maxay xoog badan u yeeshaan? |
| 8. | Farcankoodu iyagoo la jooga hortooduu ku xoogaystaa, Oo dhashoodiina hortooday ku dhisan yihiin. |
| 9. | Reerahoodu cabsi way ka ammaan galeen, Oo ushii Ilaahna iyaga ma kor saarna. |
| 10. | Dibidoodu way dhalaan, oo marnaba madhalays ma noqdaan, Sacyahooduna way dhalaan, dhicis mana keenaan. |
| 11. | Dhallaankooda dibadday u baxshaan sidii adhi oo kale, Oo carruurtooduna way cayaaraan. |
| 12. | Waxay ku gabyaan daf iyo kataarad, Oo dhawaaqa biibiilaha way ku reyreeyaan. |
| 13. | Cimrigooda waxay ku dhammaystaan barwaaqo, Oo dabadeedna daqiiqad ayay She’ool ku dhaadhacaan. |
| 14. | Laakiin waxay Ilaah ku yidhaahdeen, War naga tag, Waayo, dooni mayno aqoonta jidadkaaga. |
| 15. | Waa maxay Ilaaha Qaadirka ah, oo aan u adeegayno? Balse maxaa faa’iido ah oo aannu ka helaynaa, haddaan isaga u tukanno? |
| 16. | Bal eeg, barwaaqadoodii gacantooda kuma jirto, Kuwa sharka ahna taladoodu way iga fog tahay. |
| 17. | Immisa jeer baa laambadda kuwa sharka ah la demiyaa? Oo immisa jeer baa belaayo ku kor degtaa? Oo immisa jeer baa Ilaah isagoo cadhaysan xanuun u qaybiyaa? |
| 18. | Oo ay sababtaas aawadeed u noqdaan sidii xaab dabayl ka horreeya, Iyo sidii buunshe uu duufaanu kaxeeyo? |
| 19. | Idinku waxaad tidhaahdaan, Ilaah xumaantiisii wuxuu u kaydiyaa sharrowga carruurtiisa. Haddaba isagu sharrowga ha ugu abaal gudo si uu laftigiisu u ogaado aawadeed. |
| 20. | Indhihiisu ha arkeen halligaaddiisa, Oo isagu ha cabbo Ilaaha Qaadirka ah cadhadiisa. |
| 21. | Waayo, waa maxay farxadda uu reerkiisa ka helo, Markii cimrigiisa dhexda laga gooyo? |
| 22. | Bal ma Ilaah baa wax la baraa? Maxaa yeelay, isagaa xukuma xataa kuwa sare. |
| 23. | Mid baa dhinta isagoo xooggiisu ku dhan yahay, Oo istareexsan oo xasilloon, |
| 24. | Oo aad u buuran, Oo dhuuxa lafihiisuna qoyan yahay. |
| 25. | Oo mid kalena wuxuu ku dhintaa naf qadhaadh, Isagoo aan weligiis wanaag dhedhemin. |
| 26. | Habase yeeshee isku si bay ciidda u dhex jiifsadaan, Oo dirxi baa korkooda daboola. |
| 27. | Bal eega, anigu waan ogahay fikirradiinna, Iyo xeesha aad qaldan igu hindisaysaan. |
| 28. | Waayo, waxaad tidhaahdaan, War meeh gurigii amiirku? Oo meeday teendhadii sharrowgu ku dhex hoyan jiray? |
| 29. | Miyeydaan weyddiin kuwa jidka mara? Oo miyeydaan garanayn calaamooyinkooda? |
| 30. | Iyo in ninkii sharrow ah loo celiyey maalinta belaayada? Iyo in hore loogu sii kaxaynayo maalinta cadhada? |
| 31. | Bal yaa jidkiisa isaga hortiisa ugu caddayn doona? Oo bal yaa isaga ka abaal marin doona wixii uu sameeyey? |
| 32. | Laakiinse isaga waxaa loo qaadi doonaa xabaasha, Oo qabrigiisa waa la ilaalin doonaa. |
| 33. | Waxaa isaga u macaanaan doonta ciidda dooxada, Oo dadka oo dhammuna isagay soo daba kici doonaan, Sida kuwii aan tirada lahayn oo isagii ka horreeyeyba ay u dhinteen. |
| 34. | Haddaba bal maxaad si aan waxba tarayn iigu qalbiqabowjinaysaan, Maxaa yeelay, jawaabihiinnii been oo keliya ayaa ku hadhay? |
| ← Job (21/42) → |