← Job (19/42) → |
1. | Markaasaa Ayuub u jawaabay oo wuxuu yidhi, |
2. | War ilaa goormaad naftayda dhibaysaan Oo aad erayo igu burburinaysaan? |
3. | Toban jeer baad i caydeen, Haddaba miyaydaan ka xishoonayn inaad saas oo xun iila macaamilootaan? |
4. | Oo sida xaqiiqada ah haddaan qaldamay, Qaladkaygu aniguu igu hadhayaa. |
5. | Oo sida xaqiiqada ah haddaad iska kay weynaynaysaan, Oo aad ceebtayda igu caddaysaan inaan dembi leeyahay, |
6. | Haddaba bal ogaada in Ilaah i afgembiyey, Oo uu shabagtiisii igu wareejiyey. |
7. | Bal eega, dulunka daraaddiis waan u qayliyaa, laakiin lay maqli maayo, Oo caawimaad waan u qayshadaana, caddaaladduse ma jirto. |
8. | Jidkaygii ayuu ooday si aanan u dhaafi karin, Oo wadiiqooyinkaygiina gudcur buu ka dhigay. |
9. | Ammaantaydii wuu iga xayuubiyey, Oo taajkiina madaxayga wuu ka qaaday. |
10. | Xagga iyo xaggaaba wuu iga dumiyey, oo baabba' waan noqday, Oo rajadaydiina sidii geed oo kale ayuu u rujiyey. |
11. | Aad buu iigu cadhooday, Oo sida mid cadowgiisa ah ayuu igu tiriyaa. |
12. | Ciidammadiisii oo dhammu way wada yimaadaan, Oo jid bay dhistaan si ay iigu kacaan, Oo teendhadayda hareeraheeda ayay degaan. |
13. | Walaalahay wuu iga fogeeyey, Oo kuwii aan iqiinna way iga wada shisheeyoobeen. |
14. | Ehelkaygii way i dayriyeen, Oo saaxiibbadaydiina way i illoobeen. |
15. | Kuwa reerkayga ku hoyda, iyo gabdhaha addoommahayga ahuba waxay igu tiriyaan shisheeye, Oo hortooda waxaan ku ahay ajanabi. |
16. | Waxaan u yeedhaa addoonkaygii, Oo in kastoo aan afkayga ku baryo, iima jawaabo innaba. |
17. | Naagtaydu waxay nacdaa neeftayda, Oo carruurtii hooyaday dhashayna waxay nacaan baryootankayga. |
18. | Xataa dhallaanka yaryaru way i quudhsadaan, Oo haddaan sara joogsado way i caayaan. |
19. | Saaxiibbadaydii aan ku kalsoonaa oo dhammu way i karahsadaan, Oo kuwii aan jeclaana way igu soo jeesteen. |
20. | Haraggayga iyo hilibkaygu waxay ku dhegaan lafahayga, Oo dirqi baan ku baxsaday. |
21. | Saaxiibbadayow, ii naxa, oo ii naxa, Waayo, gacantii Ilaah baa i taabatay. |
22. | Maxaad sidii Ilaah iigu silcisaan? Oo bal maxaad dhibaatada jidhkayga uga dhergi weydeen? |
23. | Waxaan jeclaan lahaa in erayadayda la qoro! Iyo in kitaab gudihiis lagu qoro! |
24. | Iyo inay weligood dhagax kula qornaadaan Qalin bir ah iyo rasaas! |
25. | Laakiinse waan ogahay in kii i soo furtay nool yahay, Iyo inuu ugudambaysta dhulka ku istaagi doono. |
26. | Oo markii haraggaygu sidaas u baabba’o dabadeed, Ayaan anigoo aan jiidh lahayn Ilaah arki doonaa, |
27. | Kaasoo aan aniga qudhaydu arki doono, Oo indhahaygu ay fiirin doonaan, oo aanay kuwa mid kale arkayn. Qalbigaygu waa taag daranyahay. |
28. | Haddaad istidhaahdaan, War xaalkan salkiisu isagaa laga helay, Bal maxaannu isaga u silcinnaa? |
29. | Si aad u ogaataan in xukun jiro, Waxaad ka cabsataan seefta, Maxaa yeelay, cadhadu waxay keentaa taqsiirta seefta. |
← Job (19/42) → |