← Job (18/42) → |
1. | Markaasaa Bildad oo ahaa reer Shuuxii u jawaabay, oo wuxuu ku yidhi, |
2. | War ilaa goormaad hadallo sii wadaysaan? War bal fiirsada, oo annana dabadeed baannu hadlaynaa. |
3. | War bal maxaa sida xayawaan naloogu tiriyaa? Oo bal maxaannu hortiinna ugu nijaasownay? |
4. | War waa adiga xanaaq daraaddiis isla jeexjeexayaye Dhulka ma daraaddaa baa looga tegayaa? Mase dhagaxa ayaa meeshiisa laga rujinayaa? |
5. | Hubaal iftiinka sharrowgu wuu demi doonaa, Oo ololka dabkiisuna siima iftiimi doono. |
6. | Iftiinka teendhadiisu wuxuu ahaan doonaa gudcur, Oo laambaddiisa kor taalna way demi doontaa. |
7. | Tallaabooyinka itaalkiisu way iscidhiidhin doonaan, Oo taladiisu isagay hoos u ridi doontaa. |
8. | Waayo, isagu wuxuu cagta gashadaa shabag, Oo wuxuu ku kor socdaa dabin. |
9. | Waxaa isaga cedhibta ku dhegi doona dabin, Oo qool baana qabsan doona. |
10. | Waxaa dhulka ugu qarsan siriq, Oo jidkana waxaa u yaal dabin. |
11. | Dhinac kasta waxaa ka bajin doona cabsi, Oo xataa gadaalna way ka soo eryan doontaa. |
12. | Xooggiisa waxaa dili doonta gaajo, Oo belaayona agtiisay diyaar ku tahay. |
13. | Oo waxay baabbi’in doontaa xubnaha jidhkiisa, Oo curadka dhimashada ayaa xubnihiisa baabbi’in doona. |
14. | Oo isaga waa laga rujin doonaa teendhadiisa uu isku halleeyo, Oo waxaa loo keeni doonaa boqorka cabsida. |
15. | Teendhadiisa waxaa ku jiri doona wax aan wixiisii ahayn, Oo hoygiisana waxaa lagu soo kor firdhin doonaa baaruud. |
16. | Xididdadiisa hoose way qallali doonaan, Oo laamihiisa sarena waa la jari doonaa. |
17. | Dhulka laguma xusuusan doono, Oo jidkana magac kuma uu yeelan doono. |
18. | Isaga iftiin baa gudcur looga kaxayn doonaa, Oo dunidana waa laga eryi doonaa. |
19. | Oo isagu dadkiisa kuma dhex lahaan doono wiil uu dhalay iyo mid uu wiilkiisii dhalay toona, Ama mid ku hadha meelihii uu degganaan jiray. |
20. | Dadka ka dambeeyaa waxay ka yaabi doonaan wakhtigiisa, Sidii ay kuwii horeba uga baqeen. |
21. | Sida xaqiiqada ah guryaha kuwa aan xaqa ahayn waa sidaas oo kale, Oo kii aan Ilaah aqoon meeshiisiina waa tan. |
← Job (18/42) → |