← Job (14/42) → |
1. | Ninkii naagu dhashaba Cimrigiisu waa maalmo yar iyo dhibaato miidhan. |
2. | Wuxuu u soo baxaa sida ubax oo kale, oo haddana waa la gooyaa, Oo wuxuu u cararaa sida hoos oo kale, oo innaba siima raago. |
3. | Haddaba ma mid sidaas oo kalaad indhaha u kala qaadaysaa? Oo ma anigaad xukun ila soo gelaysaa? |
4. | Bal yaa wax wasakh ah wax nadiif ah ka soo bixin kara? Xataa mid qudha oo saas yeeli karaa ma jiro. |
5. | Maxaa yeelay, dadka cimrigiisu waa go’an yahay, oo inta bilood oo uu jirayo tiradoodana adigaa haya, Oo waxaad u dhigtay soohdin uusan dhaafi karin. |
6. | Bal ha nastee isaga ka sii jeeso, Ilaa uu cimrigiisa ka dhammaysanayo sida shaqaale maalintiisa u dhammaysto. |
7. | Waayo, geed dheer haddii la gooyo rajuu leeyahay inuu mar kale soo biqlo, Iyo in laantiisa curdanka ahu ayan joogsan. |
8. | In kastoo xididkiisu uu ciidda ku dhex gaboobo, Oo ay jirriddiisiina dhulka dhexdiisa ku dhimato, |
9. | Biyaha urkooda ayuu ku biqli doonaa, Oo waxaa ka soo bixi doona laamo curdan ah oo dhalato la moodo. |
10. | Laakiinse ninku wuu dhintaa, wuuna iska baabba’aa, Oo ninka naftu waa ka dhacdaa, oo bal xaggee buu joogaa isagu? |
11. | Biyuhu badda way ka dhammaadaan, Oo webiguna waa gudhaa oo waa iska engegaa, |
12. | Sidaas oo kalaa dadku u jiifsada oo mana uu kaco, Oo jeeray samooyinku wada baabba’aan iyagu sooma toosi doonaan, Oo hurdadoodana kama kici doonaan. |
13. | Hahe bal maad She’ool igu qarisid, Oo bal maad meel qarsoon igu haysid ilaa cadhadaadu dhaafto, Oo bal maad wakhti go’an ii qabatid, oo aad i soo xusuusatid! |
14. | Mar hadduu nin dhinto, miyuu soo noolaanayaa? Maalmaha dadaalkayga oo dhan waan iska sugi lahaa Ilaa uu isbeddelkaygu yimaado. |
15. | Waad ii yeedhi lahayd, oo anna waan kuu jawaabi lahaa; Oo adna waxaa damac kaa geli lahaa shuqulkii gacmahaaga. |
16. | Laakiinse haatan waad tirisaa tallaabooyinkayga, Balse miyaadan dembigayga isha ku hayn? |
17. | Xadgudubkaygii kolay baa lagu xidhay, Oo xumaantaydiina meel baad ku dhuujisay. |
18. | Oo sida xaqiiqada ah buurtii dhacdaa waa baabba’daa, Oo dhagaxiina meeshiisii wuu ka dhaqaaqaa. |
19. | Biyuhu dhagaxyaday lisaan, Oo daadkooduna wuxuu qaada ciidda dhulka, Oo adna sidaasoo kalaad u baabbi’isaa binu-aadmiga rajadiisa. |
20. | Weligaaba waad ka adkaataa isaga, oo isna wuu iska baxaa, Oo jaahiisa waad beddeshaa, oo waad iska dirtaa isaga. |
21. | Wiilashiisa waa la sharfaa, laakiinse isagu waxba kama oga; Oo haddana hoos baa loo ridaa, laakiinse isagu waxba kama garto iyaga. |
22. | Laakiinse xanuunka jidhkiisa oo keliya buu gartaa, Oo nafsaddiisa oo keliya ayuu u baroortaa. |
← Job (14/42) → |