| ← Job (13/42) → | 
| 1. | Bal eega, waxan oo dhan ishaydu waa aragtay, Dhegtayduna waa maqashay oo way garatay. | 
| 2. | Wixii aad taqaaniin, anna waan aqaan sidoo kale, Anigu idinkama liito innaba. | 
| 3. | Sida xaqiiqada ah waxaan doonayaa inaan Ilaaha Qaadirka ah la hadlo, Oo waxaan jeclahay inaan Ilaah la xaajoodo. | 
| 4. | Laakiinse idinku waxaad tihiin kuwa beenta hindisa, Oo dhammaantiin waxaad tihiin dhakhtarro aan waxtar lahayn. | 
| 5. | Bal maad iska aamustaan! Taasu xigmad bay idiin ahaan lahayd. | 
| 6. | Haddaba bal xaajadayda maqla, Oo baryootanka bushimahayga dhegaysta. | 
| 7. | War ma Ilaah aawadiis baad xaqdarro wax ugu odhanaysaan, Oo ma isaga aawadiis baad khiyaano ugu hadlaysaan? | 
| 8. | War ma isagaad u eexanaysaan? Oo ma Ilaah aawadiis baad u diriraysaan? | 
| 9. | War miyey idiin wanaagsan tahay inuu idin baadho? Mase sida nin loo khiyaaneeyo ayaad isaga u khiyaanaynaysaan? | 
| 10. | Sida xaqiiqada ah haddaad qarsoodi dadka ugu kala eexatan Isagu wuu idin canaanan doonaa. | 
| 11. | War sow sarraysnaantiisu idin cabsiin mayso? Oo sow baqdintiisu idinku dhici mayso? | 
| 12. | Hadalkiinna xusuusta lahu waa maahmaahyo dambas ah, Oo dhufaysyadiinnuna waa dhufaysyo dhoobo ah. | 
| 13. | Haddaba iska aamusa, oo iska kay daaya aan iska hadlee, Oo wixii dhici lahaaba ha igu dheceen. | 
| 14. | Haddaba hilibkayga ayaan ilkahayga ku qaadayaa, Oo noloshaydana gacantaydaan ku ridayaa. | 
| 15. | Oo in kastoo uu i dilo, weli waan rajaynayaa, Habase yeeshee hortiisaan kula xaajoonayaa. | 
| 16. | Oo weliba kaasu wuxuu ahaan doonaa badbaadadayda, Waayo, nin aan cibaado lahaynu hortiisa iman maayo. | 
| 17. | Hadalkayga aad u dhegaysta, Oo warramiddaydu dhegihiinna ha gasho. | 
| 18. | Bal eega, hadda xaalkayga waan soo hagaajiyey, Oo waan ogahay in xaq layga dhigayo. | 
| 19. | Bal yuu yahay kan ila doodayaa? Waayo, hadda waan iska aamusayaa oo naftuna waa iga dhacaysaa. | 
| 20. | Laba waxyaalood oo keliya ha igu samayn, Oo anna markaas nafsaddayda wejigaaga ka qarin maayo. | 
| 21. | Gacantaada iga fogee, Oo waxyaalahaaga laga cabsadona yaanay i bajin. | 
| 22. | Oo markaas ii yeedh, oo anna waan kuu jawaabi doonaa, Amase anigu aan hadlo oo adigu ii jawaab. | 
| 23. | Bal xumaatooyinkayga iyo dembiyadaydu waa immisa? Bal xadgudubkayga iyo dembigayga i ogeysii. | 
| 24. | Bal maxaad wejigaaga u qarinaysaa, Oo aad iigu haysataa sidii mid cadow kuu ah? | 
| 25. | Ma waxaad dhibaysaa caleen iska bidaysa? Oo ma waxaad eryanaysaa xaab engegay? | 
| 26. | Waayo, waxyaalo qadhaadh baad iga qortaa, Oo waxaad i dhaxalsiisaa xumaatooyinkii dhallinyaranimadayda. | 
| 27. | Oo weliba cagahayga waxaad gelisaa jeebbooyin, Oo jidadkayga oo dhanna waad wada fiirisaa, Cagahaygana xad baad u dhigtaa. | 
| 28. | Oo waxaan la mid ahay wax qudhmay oo baabba’aya, Iyo sida dhar aboor cunay oo kale. | 
| ← Job (13/42) → |