| ← James (3/5) → |
| 1. | Macallimiin badan ha noqonina, walaalahayow, idinkoo garanaya inaynu heli doonno xukun ka sii weyn. |
| 2. | Waayo, dhammaanteen wax badan baynu ku gafnaa. Haddii nin ku gafi waayo hadalka, kaasu waa nin kaamil ah, wuuna xakamayn karaa jidhka oo dhan. |
| 3. | Haddaba haddaynu fardaha afkooda xakame gelinno inay ina addeecaan, jidhkooda oo dhanna waynu jeedinnaa. |
| 4. | Ogaada, xataa doonniyaha, in kastoo ay waaweyn yihiin, oo dabaylo waaweynu kaxeeyaan, weliba waxaa loogu jeediyaa shukaan aad u yar meeshii ninka wada qushigiisu doonayo. |
| 5. | Sidaas oo kalena carrabku waa qayb yar, waxyaalo waaweyn buuna ku faanaa. Bal eega dab yaru intuu qoryo shido. |
| 6. | Carrabkuna waa dab, waana dunida xaqdarrada. Carrabku wuxuu ku dhex jiraa xubnaheenna, waana kan wasakheeya jidhka oo dhan oo ololiya orodka abuurista, oo jahannamadu isagay ololisaa. |
| 7. | Cayn walba oo ah dugaag, iyo haad, iyo waxa bogga ku gurguurta, iyo waxa badda ku jiraba waa la rabbeeyaa, oo waxaa lagu rabbeeyey dabiicadda dadka. |
| 8. | Laakiin ninna ma rabbayn karo carrabka; waa shar rogrogmada, oo waxaa ka buuxda sunta wax disha. |
| 9. | Isla isagaynu ku ammaannaa Rabbiga iyo Aabbaha, oo isla isagaynu ku habaarnaa dadka Ilaah ekaantiisa laga abuuray. |
| 10. | Isku af baa waxaa ka soo baxa ammaan iyo habaar. Walaalahayow, waxyaalahanu waa inaanay sidaas noqon. |
| 11. | Ishu miyey isku meel ka soo wada daysaa biyo macaan iyo kuwa qadhaadh? |
| 12. | Walaalahayow, geed berde ahu miyuu dhali karaa saytuun, ama geed canab ahu miyuu dhali karaa midho berde ah? Sidaas oo kalena biyo dhanaanu macaan ma ay noqon karaan. |
| 13. | Kumaa idinku dhex jira oo xigmad iyo waxgarasho leh? Shuqulladiisa ha ku muujiyo dabiicaddiisa wanaagsan, isagoo leh qabowga xigmadda. |
| 14. | Haddaad xaasidnimo qadhaadh iyo iskala qaybqaybin ku haysataan qalbigiinna, ha faanina, runtana been ha ka sheegina. |
| 15. | Xigmaddaasu ma aha tan kor ka soo degta, laakiin waa tan dhulka iyo nafta iyo jinniyada. |
| 16. | Waayo, meeshii xaasidnimo iyo iskala qaybqaybinu ku jiraan, meeshaas waxaa ku jira iskuqasnaan iyo falniin kasta oo shar leh. |
| 17. | Laakiin xigmaddii kor ka timaadaa horta waa daahir, dabadeedna waa nabad iyo qabow iyo mid si dhib yar loola heshiiyo, oo waxaa ka buuxa naxariis iyo midho wanaagsan, mana leh u-kala-eexasho ama labaweji. |
| 18. | Midhaha xaqnimada nabad waa loogu beeraa kuwa nabadda ka shaqeeya. |
| ← James (3/5) → |