Isaiah (12/66)  

1. Oo maalintaas waxaad odhan doontaa, Rabbiyow, waan kuu mahad naqayaa, waayo, in kastoo aad ii cadhaysnayd, cadhadaadii way iga rogmatay oo waad i qalbi qaboojisay.
2. Bal eega, Ilaah waa badbaadadayda! Waan isku hallayn doonaa, mana baqi doono, waayo, Rabbiga Ilaaha ahu waa xooggayga iyo gabaygayga, oo weliba wuxuu ii noqday badbaadadayda.
3. Haddaba farxad baad biyo kaga dhaansan doontaan ceelasha badbaadada.
4. Oo maalintaas waxaad odhan doontaan, Rabbiga u mahad naqa, oo magiciisa ku barya, falimihiisana ka caddeeya dadyowga dhexdooda, oo xusuusiya inuu magiciisu weyn yahay.
5. Rabbiga u gabya, waayo, waxyaalo waaweyn ayuu sameeyey, dunida oo dhanna taas ogeysiiya.
6. Kuwiinna Siyoon degganow, aad u qayliya oo dhawaaqa, waayo, Kan Quduuska ah oo reer binu Israa’iil ee dhexdiinna joogaa wuu weyn yahay.

  Isaiah (12/66)