← Hebrews (6/13) → |
1. | Taas daraaddeed aynu iska dayno ka hadlidda waxyaalihii ugu horreeyey ee Masiix, oo hore aynu ugu soconno kaamilnimada, oo yeynan mar kale dhigin aasaaska ka-toobadkeenidda shuqulladii dhintay, iyo iimaanka xagga Ilaah, |
2. | iyo waxbaridda baabtiisyada, iyo gacmo-dul-saaridda, iyo sarakicidda kuwii dhintay, iyo xukunka weligiis ah. |
3. | Oo tan waynu samayn doonnaa haddii Ilaah idmo. |
4. | Kuwii mar loo iftiimiyey, oo hadiyaddii jannada dhadhamiyey, oo laga dhigay kuwa ka qayb galay Ruuxa Quduuskaa, |
5. | oo dhadhamiyey eraygii wanaagsanaa ee Ilaah iyo xoogagga wakhtiga iman doona, |
6. | oo dabadeedna dhacay, ma suurtowdo in loo cusboonaysiiyo toobadkeenidda, iyagoo mar kale Wiilka Ilaah iskutallaabta isugu qodbaya oo bayaan u ceebaynaya. |
7. | Waayo, dhulka cabbay roobka marar badan ku dul da’a, oo u soo saara geedo u wanaagsan kuwii beeray, wuxuu Ilaah ka helaa barako, |
8. | laakiin hadduu dhalo qodxan iyo yamaarug, waxtar ma leh, oo habaar buu ku dhow yahay, ugudambaystiisana waa in la gubaa. |
9. | Laakiin gacaliyayaalow, wax ka wanaagsan oo idinku saabsan ayaa lana aaminsiiyey iyo waxyaalaha badbaadada, in kastoo aannu sidan u hadalnay. |
10. | Waayo, Ilaah ma xaqdarra, mana illoobo shuqulkiinna iyo jacaylka aad magiciisa u qabtaan, maxaa yeelay, quduusiinta ayaad u adeegteen oo weli waad u adeegtaan. |
11. | Oo annagu waxaannu jecel nahay in midkiin kastaa muujiyo dadaalkaas oo kale tan iyo hubaasha rajada ilaa ugu dambaysta, |
12. | inaydnaan caajisiin noqon laakiin aad noqotaan kuwo ku dayda kuwa rumaysadka iyo dulqaadashada ku dhaxla ballamada. |
13. | Markii Ilaah ballan u qaaday Ibraahim, isagoo mid ka weyn oo uu ku dhaarto aan haysan, ayuu isku dhaartay, |
14. | isagoo leh, Hubaal waan ku barakayn doonaa, oo waan ku kordhin doonaa. |
15. | Oo sidaas isagoo u dulqaadanaya ayuu helay wixii loo ballanqaaday. |
16. | Waayo, dadku waxay ku dhaartaan kan iyaga ka weyn, oo waxaa muran kasta oo kooda ah ugu dambaysa dhaar si loo xaqiiqaysto, |
17. | sidaas daraaddeed, Ilaah, isagoo aad u doonaya inuu kuwa ballanka dhaxla tuso taladiisa aan beddelmi karin, ayuu dhaar ku galay; |
18. | in laba waxyaalood, oo aan beddelmi karin, oo aan suurtoobin inuu Ilaah been ka sheego, aynu ku helno dhiirranaan xoog leh innagoo magangal u soo cararnay si aynu u qabsanno rajada ina hor taal, |
19. | tan aynu sida barroosinka nafta u haysanno, mid adkaan iyo hubaalba ah oo gelaysa waxa daaha ka shisheeya, |
20. | meeshii Ciise sida horseed inoo galay isagoo noqday wadaad sare oo weligiis ah sidii derejadii Malkisadaq. |
← Hebrews (6/13) → |