← Genesis (7/50) → |
1. | Oo Rabbigu wuxuu Nuux ku yidhi, Adiga iyo dadka gurigaaguba soo gala doonnida; waayo, waxaan arkay adigoo qarnigan xaq ku ah hortayda. |
2. | Xoolaha daahirka ah toddoba iyo toddoba ka qaad, ku lab iyo dhaddiggiis; xoolaha aan daahirka ahaynna laba ka qaad, ku lab iyo dhaddiggiis; |
3. | haadda hawadana toddoba iyo toddoba ka qaad, lab iyo dhaddig: si farcan ugu sii noolaado dhulka dushiisa oo dhan. |
4. | Waayo, waxaa weli hadhay toddoba maalmood, dabadeedna afartan maalmood iyo afartan habeen ayaan roob ku soo dayn dhulka; oo wax kasta oo nool oo aan sameeyey waan ka baabbi’in doonaa dhulka dushiisa. |
5. | Nuuxna wax kasta sidii Rabbigu ugu amray ayuu u sameeyey. |
6. | Nuuxna wuxuu jiray lix boqol oo sannadood markii daadka biyuhu dhulka dul joogay. |
7. | Nuuxna doonniduu galay, isagii iyo wiilashiisii iyo naagtiisii, iyo naagihii wiilashiisii ee la jiray oo dhan, waxayna ka soo galeen biyihii daadka. |
8. | Xoolihii daahirka ahaa, iyo xoolihii aan daahirka ahayn, iyo haaddii iyo wax kasta oo dhulka gurguurtaba |
9. | Nuux bay laba laba ugu galeen doonnidii, lab iyo dhaddig, sidii Ilaah ugu amray Nuux. |
10. | Waxaana dhacday, in toddobadii maalmood dabadeed, ay biyihii daadka ahaa dhulka dul joogeen. |
11. | Sannaddii uu Nuux lix boqol oo sannadood jiray, bisheedii labaad, maalintii toddoba iyo tobnaad oo bisha, isla maalintaas ayaa ilihii moolka weyn biyo ka buqdeen, dariishadihii samadana la furay. |
12. | Roobkuna wuxuu dhulka ku da’ayay afartan maalmood iyo afartan habeen. |
13. | Isla maalintaas Nuux wuxuu galay doonnidii, isagii iyo Sheem, iyo Xaam, iyo Yaafed, oo ahaa wiilashii Nuux, iyo naagtii Nuux, iyo saddexdii naagood oo wiilashiisa ee la jiray; |
14. | iyagii, iyo dugaag kasta caynkiisa, iyo xoolo kasta caynkooda, iyo wax kasta oo dhulka gurguurta caynkooda, iyo haad kasta caynkiisa, iyo shimbir kasta oo cayn kasta ah. |
15. | Wax kasta oo jidh leh oo neefta noloshu ku jirtaba Nuux bay laba laba ugu galeen doonnidii. |
16. | Oo kuwii galay waxay ahaayeen lab iyo dhaddig oo wax kasta oo jidh leh, sidii Ilaah ku amray isagii: oo Ilaahna waa ku xidhay isagii. |
17. | Daadkiina afartan maalmood buu dhulka dul joogay; biyihiina way sii kordheen, oo doonnidii bay kor u qaadeen, oo waxaa iyadii kor looga qaaday dhulka. |
18. | Biyihiina way xoogaysteen, oo dhulkay aad ugu kordheen; doonnidiina waxay dul socotay biyihii. |
19. | Biyihiina aad bay ugu xoogaysteen dhulka; oo dhammaan buurihii dhaadheeraa oo samada oo dhan ka hooseeyey way qarsoomeen. |
20. | Shan iyo toban dhudhun baa biyihii xagga sare xoog ugu kaceen; buurihiina way qarsoomeen. |
21. | Oo wax kasta oo jidh leh oo dhulka ku dul dhaqaaqaaba way dhinteen, haaddii, iyo xoolihii, iyo dugaaggii, iyo wax kasta oo dhulka gurguurta, iyo dadkii oo dhanba. |
22. | Wax walba oo dhulka engegan joogay oo dulalka sankiisa ay neefta ruuxa nolosha ku jirtay, way wada dhinteen. |
23. | Waxaa la wada baabbi’iyey wixii dhulka dushiisa ku noolaa oo dhan, xataa dadkii, iyo xoolihii, iyo wixii gurguuran jiray, iyo haaddii cirka; kulli waa laga wada baabbi’iyey dhulka; oo waxaa hadhay Nuux oo keliya, iyo kuwii doonnidii kula jiray isagii. |
24. | Biyihiina boqol iyo konton maalmood ayay dhulka xoog ku lahaayeen. |
← Genesis (7/50) → |