| ← Ezekiel (19/48) → |
| 1. | Oo weliba waxaad u baroorataa amiirrada reer binu Israa’iil, |
| 2. | oo waxaad tidhaahdaa, Hooyadaa maxay ahayd? Gool bay ahayd! oo libaaxyay dhex jiiftay, oo waxay dhasheedii ku dhex korisay libaaxyo yaryar. |
| 3. | Oo dhasheedii midkood ayay korisay, oo wuxuu noqday libaax aaran ah, oo wuxuu bartay sida ugaadha loo qabsado, dad buuna cunay. |
| 4. | Quruumihii baa warkiisii maqlay, oo waxaa isagii lagu qabtay godkoodii, oo dalkii Masar bay qabatooyin ku keeneen. |
| 5. | Haddaba iyadu markay isagii wax badan sugtay oo ay ka rajo beeshay waxay qaadatay mid kale oo dhasheedii ah, oo waxay ka dhigtay libaax aaran ah. |
| 6. | Oo isaguna libaaxyaduu dhex socday, oo wuxuu noqday libaax aaran ah, oo wuxuu bartay sida ugaadha loo qabsado, dad buuna cunay. |
| 7. | Qalcadahoodii buu yiqiin, oo magaalooyinkoodiina cidla buu ka dhigay, oo dalkii iyo wixii dhexdiisa ka buuxayba baabba' bay noqdeen, waana codka cidiisa aawadiis. |
| 8. | Markaasaa quruumihii dhinac kasta kaga keceen oo gobolladii oo dhan ka soo hujuumeen, oo shabaggoodii bay ku kor kala bixiyeen, oo godkoodaa lagu qabtay. |
| 9. | Oo intay qabatooyin ku qabteen ayay khafas ku rideen, oo boqorkii Baabuloon bay u keeneen, oo waxay ku rideen qalcado xoog badan si aan codkiisa mar dambe buuraha reer binu Israa’iil looga maqlin. |
| 10. | Hooyadaa waxay ahayd sidii geed canab ah oo dhiiggaaga ku dhex jira oo biyo lagu ag beeray. Biyaha badan daraaddood ayay wax midho badan iyo laamo miidhan ah u noqotay. |
| 11. | Oo waxay lahayd laamo adadag oo ulo u ah kuwa xukunka hayay, oo sarajooggeeduna wuxuu ka sii sara maray geedaha laamahooda waaweyn, oo dhererkeedu wuxuu la muuqday laameheeda badan aawadood. |
| 12. | Laakiinse iyadii cadhaa lagu rujiyey, oo dhulkaa lagu soo xooray, oo dabayshii bari ayaa midheheedii qallajisay, laameheedii adadkaana way jajabeen oo engegeen, oo dab baa iyagii baabbi’iyey. |
| 13. | Oo haddana waxaa iyadii lagu dhex beeray cidlada, taasoo ah dhul engegan oo oommanaa. |
| 14. | Oo dab baa laameheedii ka soo dhex baxay, oo midhaheedii dhammeeyey, oo sidaas aawadeed iyadu ma leh laan adag oo ul wax lagu xukumo noqon karta. Tanu waa baroorasho, oo baroorashay u noqon doontaa. |
| ← Ezekiel (19/48) → |