| ← Exodus (26/40) → |
| 1. | Oo weliba waa inaad samaysaa taambuugga toban daah leh, oo waxaad ka samaysaa maro wanaagsan, iyo buluug, iyo guduud, iyo casaan, oo lagu daabacay keruubiim. |
| 2. | Oo daah walba dhererkiisu waa inuu ahaadaa siddeed iyo labaatan dhudhun, daah walba ballaadhkiisuna waa inuu ahaadaa afar dhudhun; oo daahyada oo dhammuna waa inay isku qiyaas ahaadaan. |
| 3. | Shan daah waa inay isku xidhnaadaan, oo shanta daah oo kalena waa inay isku wada xidhnaadaan. |
| 4. | Oo daahyada midkood waa inaad darafta uu ka laaban yahay u yeeshaa siddooyin buluug ah, oo sidaas oo kalena waa inaad ka yeeshaa daaha dibadda ugu xiga laabka labaad. |
| 5. | Isku daah waa inaad konton siddo u yeeshaa; oo daaha ku yaal laabka labaad waa inaad daraftiisa u yeeshaa konton siddo; oo siddooyinkuna waa in midkoodba kan kale ka hor jeedaa. |
| 6. | Waa inaad konton qabsato oo dahab ah samaysaa, oo daahyadana waa inaad midba kan kale qabsatooyinka kula xidhaa, oo taambuuggana waa inuu mid dhan ahaadaa. |
| 7. | Oo waa inaad daahyo ah dhogor riyaad samaysaa oo aad taambuugga ku deddaa; oo waa inaad iyaga ka dhigtaa koob iyo toban daah. |
| 8. | Oo daah kasta dhererkiisu waa inuu soddon dhudhun ahaadaa, daah kasta ballaadhkiisuna waa inuu afar dhudhun ahaadaa; oo koob iyo tobanka daah waa inay isku qiyaas ahaadaan. |
| 9. | Oo waa inaad shan daah gooni ahaantooda isugu xidhaa, lix daahna gooni ahaantooda isugu xidh, oo daaha lixaad waa inaad ku labanlaabtaa teendhada fooddeeda. |
| 10. | Oo daaha dibadda u xiga laabka daraftiisa waa inaad konton siddo u yeeshaa, oo daaha laabka labaad ugu korreeya daraftiisana waa inaad konton siddo u yeeshaa. |
| 11. | Oo waa inaad samaysaa konton qabsato oo naxaas ah, oo waa inaad qabsatooyinkana sudhaa siddooyinka, oo teendhadana isku xidh kulligeed si ay mid dhan u noqoto. |
| 12. | Oo inta dusha ka lalmata oo ka hadhay daahyada teendhada, oo ah daaha badhkiisa, waa in laga lalmiyaa taambuugga dabadiisa. |
| 13. | Dhudhunka oo dhinaca ah iyo dhudhunka oo dhinaca kale oo ah waxa ka hadha daahyada teendhada dhererkooda waa in laga lalmiyaa dhinacyada taambuugga, oo ah dhankan iyo dhankaasba, inay dedaan. |
| 14. | Oo teendhada waa inaad ded uga dhigtaa wanan hargahood oo la caseeyey, iyo ded ah adhidibadeed hargahood oo ka sarreeya. |
| 15. | Oo looxyada taambuuggu ku taagan yahay waa inaad qori qudhac ah ka samaysaa. |
| 16. | Looxiiba dhererkiisu waa inuu toban dhudhun ahaadaa, oo loox kasta ballaadhkiisu waa inuu dhudhun iyo badh ahaadaa. |
| 17. | Oo loox kasta waa inuu lahaadaa laba caarad, oo looxyadu waa inay dhinacyada isku hayaan, oo waa inaad sidaas u yeeshaa looxyada taambuugga oo dhan. |
| 18. | Oo dhinaca koonfureed oo taambuugga looxyadiisa waa inaad labaatan loox ka dhigtaa. |
| 19. | Oo waa inaad samaysaa afartan saldhig oo lacag ah oo ka hooseeya labaatanka loox; oo laba saldhigba waa inay ka hooseeyaan loox inay saldhig u ahaadaan labadiisa caarad, oo laba saldhigna waa inay ka hooseeyaan loox kale inay saldhig u ahaadaan labadiisa caarad. |
| 20. | Oo taambuugga dhankiisa labaad oo woqooyi xiga waa inaad u yeeshaa labaatan loox, |
| 21. | iyo afartankoodii saldhig oo lacagta ahayd. Laba saldhigba waa inay loox ka hoosayso. |
| 22. | Oo meesha ugu dambaysa taambuugga oo ah dhankiisa galbeed waa inaad lix loox u yeeshaa. |
| 23. | Oo laba loox waa inaad u yeeshaa labada geesood oo taambuugga xaggiisa dambe. |
| 24. | Oo waa inay hoosta labanlaab ka noqdaan, oo sidaas oo kalena waa inay dhammaadaan ilaa siddada kowaad dusheeda, oo labaduba waa inay sidaas ahaadaan, oo labada gees baa iska leh. |
| 25. | Oo waa inay ahaadaan siddeed loox, iyo saldhigyadoodii lacagta ahayd oo ah lix iyo toban saldhig, oo laba saldhigba waa inay loox ka hoosayso. |
| 26. | Oo waa inaad ulo gudban ka samaysa qori qudhac ah; looxyada taambuugga dhinac kaga jira shan ulood u yeel, |
| 27. | looxyada dhinaca kale kaga jirana shan ulood oo kale u yeel, oo shan ulood oo kale u yeel taambuugga looxyadiisa kaga jira dhanka galbeed xaggiisa dambe. |
| 28. | Oo uldhexaadda oo looxyada ku gudban waa inay gaadhaa gees ilaa gees. |
| 29. | Oo looxyada waa inaad dahab ku dahaadhaa, oo siddooyinkooda ah meelaha ulaha gudban ka gelayaan waxaad ka samaysaa dahab, oo ulahana waa inaad dahab ku dahaadhaa. |
| 30. | Oo taambuugga waa inaad u taagtaa sidii hannaankii aan buurta kugu tusay. |
| 31. | Oo waa inaad ilxidh ka samaysaa buluug, iyo guduud, iyo casaan, iyo maro wanaagsan; hana lagu daabaco keruubiim. |
| 32. | Oo waa inaad ka soo lalmisaa afar tiir oo qudhac ah oo dahab lagu dahaadhay, iyagoo leh qabsatooyin dahab ah, oo ku taagan afar saldhig oo lacag ah. |
| 33. | Oo waa inaad ilxidhka ka soo lalmisaa qabsatooyinka hoostooda, oo waxaad soo gelisaa sanduuqa maragga ilxidhka gudihiisa; oo ilxidhkuna wuxuu u dhexeeyaa meesha quduuska ah iyo meesha ugu quduusan idinka aawadiin. |
| 34. | Oo daboolka waa inaad saartaa sanduuqa maragga oo ku jira meesha ugu quduusan. |
| 35. | Oo miiskana waa inaad dhigtaa ilxidhka dibaddiisa, oo laambaddana waxaad dhigtaa miiska hortiisa oo ah dhanka koonfureed oo taambuugga, miiskana dhanka woqooyi dhig. |
| 36. | Oo waa inaad iridda Teendhada u samaysaa daah buluug, iyo guduud, iyo casaan, iyo maro wanaagsan oo daabac leh. |
| 37. | Oo daaha waa inaad u samaysaa shan tiir oo qudhac ah, oo dahab ku dahaadh iyaga, qabsatooyinkooduna ha ahaadeen dahab; oo waa inaad shan saldhig oo naxaas ah u yeeshaa. |
| ← Exodus (26/40) → |