| ← 2Timothy (4/4) |
| 1. | Waxaan kugu amrayaa Ilaah hortiis iyo Ciise Masiix oo xukumi doona kuwa nool iyo kuwii dhintayba hortiisa, oo waxaan kaloo kugu amrayaa muuqashadiisa iyo boqortooyadiisa, |
| 2. | inaad hadalka dadka ku wacdido. Wakhti wanaagsan iyo wakhti xunba ku dadaal, oo canaano, oo hagaaji, oo waani, adigoo dulqaadanaya oo wax baraya. |
| 3. | Waayo, waxaa iman doona wakhti aan dadku u adkaysan doonin cilmiga runta ah, laakiinse iyagoo dheguhu cuncunayaan ayay waxay u urursan doonaan macallimiin siday damcaan; |
| 4. | oo dhegahooday runta ka leexin doonaan, oo waxay u jeedin doonaan sheekooyin. |
| 5. | Laakiinse adigu mar kasta digtoonow, oo dhibta u adkayso, oo shuqulka wacdiyaha qabo, oo adeegiddaada dhammee. |
| 6. | Waayo, haatan allabari ahaan baa lay bixinayaa, oo wakhtigii aan tegi lahaa waa yimid. |
| 7. | Dagaalkii wanaagsanaa waan dagaallamay, oo tartankii waan dhammeeyey, iimaankiina waan dhawray. |
| 8. | Haddaba waxaa la ii dhigay taajkii xaqnimada oo Rabbiga ah xaakinka xaqa ahu i siin doono maalintaas; oo keligayna ima siin doono, laakiin kuwa muuqashadiisa jecel oo dhanna wuu siin doonaa. |
| 9. | Ku dadaal inaad dhaqso iigu timaadid; |
| 10. | waayo, Deemaas intuu dunidan haatan la joogo jeclaaday ayuu iga tegey, oo wuxuu aaday Tesaloniika; Kereeskeesna wuxuu aaday Galatiya; Tiitosna wuxuu aaday Dalmatiya. |
| 11. | Haatan Luukos oo keliya ayaa ila jooga. Markos soo kaxee oo ha ku soo raaco; waayo, waxtar buu igu leeyahay xagga adeegidda. |
| 12. | Laakiinse Tukhikos waxaan u diray Efesos. |
| 13. | Markaad soo kacdid ii soo qaad shuluggayga aan kaga tegey Karbos oo Taroo’as jooga, buwaagtiina ii soo qaad khusuusan idiinta wax lagu qoro. |
| 14. | Aleksanderos, kii naxaasta tumi jiray, wax xun oo badan buu ii yeelay; Rabbigu wuxuu ugu abaalgudi doonaa sidii camalladiisu ahaayeen. |
| 15. | Adiguna iska jir isaga, waayo, aad buu hadalkayaga u hor joogsaday. |
| 16. | Isdaafacaaddaydii hore ninna isma kay garab taagin, laakiinse kulli waa layga wada tegey. Taas yaan dushooda laga dhigin. |
| 17. | Laakiinse Rabbiga ayaa iskay garab taagay, oo xoog i siiyey, inaan farriinta dadka oo dhan wada gaadhsiiyo oo ay dadka aan Yuhuudda ahayn wada maqlaan; oo waxaa layga samatabbixiyey afkii libaaxa. |
| 18. | Oo Rabbiguna wuu iga samatabbixin doonaa shuqul kasta oo shar ah, oo wuxuu igu nabad gelin doonaa boqortooyadiisa jannada ah. Isaga ammaanu ha u ahaato weligiis iyo weligiis. Aamiin. |
| 19. | Igu salaan Bariska iyo Akula iyo reerkii Oneesiforos. |
| 20. | Erastos wuxuu ku hadhay Korintos; laakiinse Torofimos oo buka ayaan Mileetos uga soo kacay. |
| 21. | Ku dadaal inaad wakhtiga qabowga hortiis ii timaadid. Waxaa ku soo salaamaya Yubulos iyo Budees iyo Liinos iyo Kalawdiya iyo walaalaha oo dhan. |
| 22. | Rabbigu ruuxaaga ha la jiro. Nimcona ha kula jirto. Aamiin. |
| ← 2Timothy (4/4) |