| ← 2Timothy (2/4) → |
| 1. | Haddaba, wiilkaygiiyow, ku xoogayso nimcada Ciise Masiix ku jirta. |
| 2. | Oo waxyaalihii aad markhaatiyaal badan dhexdood igaga maqashay ku ammaanee niman aamin ah oo awooda inay kuwa kaleeto baraan. |
| 3. | Dhibaato ka qayb qaado sida askari wanaagsan oo Ciise Masiix. |
| 4. | Nin askari ahi, si uu uga farxiyo kii isaga askari ahaanta u qortay, iskuma murgiyo axwaasha noloshan, |
| 5. | weliba haddii nin galo cayaaraha loo loollamo, taaj looma saaro hadduusan sida qaynuunka ah u loollamin. |
| 6. | Ninka beerta leh ee hawshoodaa waa inuu ahaadaa kan ugu horreeya oo midhaha ka qayb qaata. |
| 7. | Waxaan leeyahay ka fiirso, waayo, Rabbigu wuxuu ku siin doonaa wax walba garashadooda. |
| 8. | Bal xusuuso Ciise Masiix, kan kuwii dhintay ka soo sara kacay, oo Daa’uud ka soo farcamay, sida uu leeyahay injiilka aan idinku wacdiyo, |
| 9. | kan aan u dhibtoodo oo aan u xidhnahay sidii mid wax xun falay; laakiinse erayga Ilaah ma xidhna. |
| 10. | Haddaba wax walba waxaan ugu adkaystaa kuwa la doortay aawadood inay iyana helaan badbaadada ammaanta weligeeda leh oo ku jirta Ciise Masiix. |
| 11. | Hadalkanu waa dhab, Haddii aynu isaga la dhimannay, dee haddana waynu la noolaan doonnaa, |
| 12. | haddii aynu adkaysanno, dee haddana wax baynu la xukumi doonnaa; haddii aynu isaga inkirnona, dee isna wuu ina diidi doonaa; |
| 13. | haddii aynu nahay aaminlaawayaal, isagu weli waa aamin; waayo, isagu isma burin karo. |
| 14. | Waxyaalahan iyaga xusuusi oo Rabbiga hortiisa ku amar inayan hadal ku murmin, waayo, kaasu faa’iido ma leh, laakiinse kuwa maqla ayuu sii kharribaa. |
| 15. | Ku dadaal inaad nafsaddaada loo bogay Ilaah siisid, adigoo ah shaqeeye aan dadka ka xishoonin, oo hadalka runta ah si hagaagsan u wada. |
| 16. | Laakiinse ka fogow hadalka aan micnaha lahayn, oo nijaasta ah, waayo, kuwaas waxay hore u sii wadi doonaan cibaadola’aanta, |
| 17. | oo hadalkoodu sida waraabowgu u faafo ayuu u sii faafi doonaa; iyaga waxaa ka mid ah Humenayos iyo Fileetos, |
| 18. | oo ah kuwa xagga runta ka gefay iyagoo leh, Sarakicidda waa horaa la soo dhaafay, oo qaar bay iimaanka ka halleeyaan. |
| 19. | Habase yeeshee aasaaskii adkaa oo Ilaah dhigay wuu taagan yahay, isagoo leh sumaddan, Rabbigu wuu yaqaan kuwiisa; oo mid kasta oo magaca Rabbiga soo qaada xaqnimola’aanta ha ka tago. |
| 20. | Haddaba kuma jiraan guri weyn weelal dahab iyo lacag keliya ahi, laakiinse waxaa kaloo yaal kuwo qoryo iyo dhoobo ah; oo qaarkoodna wax sharaf leh ayay taraan, qaarna wax aan sharaf lahayn. |
| 21. | Sidaas daraaddeed haddii nin iska daahirsho kuwan, kaasu wuxuu ahaan doonaa weel sharaf leh, oo quduus laga dhigay, oo sayidka wax u tara, oo shuqul kasta oo wanaagsan loo diyaariyey. |
| 22. | Haddaba ka fogow damacyada xunxun ee dhallinyaronimada, laakiinse xaqnimo, iyo rumaysad, iyo jacayl, iyo nabad la raac kuwa Rabbiga uga yeedha qalbi daahir ah. |
| 23. | Iska diid su’aalaha nacasnimada iyo jaahilnimada ah, adigoo og inay dagaallo dhalaan. |
| 24. | Addoonka Rabbigu waa inuusan ilaaqtamin, laakiin waa inuu ahaado mid dadka u wada roon, oo waxbaridda ku wanaagsan, oo dulqaadasho badan, |
| 25. | oo si qabow u edbiya kuwa isaga diida; mindhaa Ilaah waa siin doonaa toobadkeenid inay runtay gartaan, |
| 26. | oo ay dabinka Ibliiska ka baxsadaan, iyagoo lagu qabtay si ay muraadkiisa u yeelaan. |
| ← 2Timothy (2/4) → |