← 2Corinthians (2/13) → |
1. | Laakiin waxaan aniga qudhaydu goostay inaanan haddana caloolxumo idiinla imanin. |
2. | Waayo, haddaan idin calool xumeeyo, waa kee kan iga farxinayaa kii aan calool xumeeyey maahee? |
3. | Waxakan ayaan u qoray inaanan markaan imaado ka calool xumaan kuwa aan ku farxi lahaa, anigoo idinku aaminsan dhammaantiin inay farxaddaydu tahay farxadda kulligiin. |
4. | Waayo, dhib badan iyo silica qalbiga ayaan idinku soo qoray anigoo aad u ilmaynaya, oo ma aha inaad calool xumaataan, laakiin inaad garataan jacaylka aad u sii badan ee aan idiin qabo. |
5. | Laakiin mid uuni hadduu qof calool xumeeyey, aniga ima uu calool xumayn, laakiin dhammaantiin buu si ahaan idiin calool xumeeyey; dooni maayo inaan idin culaysiyo. |
6. | Taqsiirtan kuwa badani ay saareen way ku filan tahay kaasoo kale. |
7. | Laakiinse waa inaad isaga cafidaan oo u gargaartaan inaanay sina caloolxumo aad u badani liqin kaasoo kale. |
8. | Sidaa daraaddeed waxaan idinka baryayaa inaad jacaylkiinna u caddaysaan isaga. |
9. | Waayo, taa aawadeed ayaan u qoray inaan idin imtixaamo inaad wax walba ku dhega nugushihiin iyo in kale. |
10. | Kii aad wax ka cafidaan, aniguna waan ka cafiyaa: waxaan anigu ka cafiyeyna, haddaan wax ka cafiyey, waxaan uga cafiyey aawadiin Masiix hortiisa, |
11. | inaan Shayddaan inaga faa’iidaysan, waayo, innagu ma nihin kuwo jaahil ka ah xeeladdiisa. |
12. | Markaan Taroo’as imid inaan injiilka Masiix kaga wacdiyo, ee uu Rabbigu irid iga furay, |
13. | ruuxaygu ma nasan, waayo, ma aan helin walaalkay Tiitos, laakiin iyagaan nabadgelyeeyey oo Makedoniyaan u kacay. |
14. | Ilaah baa mahad leh kan had iyo goorba libta inagu siiya Masiix, oo meel walba udgoonka aqoontiisa gaadhsiiya, ee innaga inaga gaadhsiiya. |
15. | Waayo, waxaynu Ilaah u nahay udgoonka Masiix xagga kuwa badbaadaya iyo kuwa lumayaba; |
16. | kuwa dambe udgoonka xagga dhimasho ilaa dhimasho, kuwa kalena udgoonka xagga nolol ilaa nolol. Oo yaa ku filan waxyaalahan? |
17. | Waayo, innagu la mid ma nihin kuwa badan ee ereyga Ilaah ka baayacmushtara, laakiin sida kuwa daacadda ah iyo kuwa Ilaah ayaynu Masiix ugu hadallaa Ilaah hortiisa. |
← 2Corinthians (2/13) → |