1Samuel (3/31)  

1. Oo yarkii Samuu’eel ahaana wuxuu Rabbiga uga adeegi jiray Ceelii hortiisa. Oo wakhtigaasna erayga Rabbigu wax aan marar badan la helin buu ahaa, oo muuqasho bayaan ahna lama muujin.
2. Oo wakhtigaas markii Ceelii jiifsaday meeshiisii, (haddaba indhihiisii way arag darnaayeen oo waxba ma uu arki karin)
3. oo laambaddii Ilaahna aan weli la demin, oo Samuu’eelna jiifsaday macbudkii Rabbiga, kaasoo ah meeshii sanduuqa Ilaah yiil,
4. ayaa Rabbigu Samuu’eel u yeedhay, oo isna wuxuu yidhi, Waa i kan.
5. Markaasuu Ceelii ku orday, oo wuxuu ku yidhi, Waa i kan, waayo, waad ii yeedhay. Kolkaasuu yidhi, Anigu kuuma aan yeedhin, ee iska jiifso. Markaasuu tegey oo jiifsaday.
6. Markaasaa Rabbigu haddana u yeedhay oo yidhi, Samuu’eelow. Kolkaasaa Samuu’eel kacay oo Ceelii u tegey, oo wuxuu ku yidhi, Waa i kan, waayo, waad ii yeedhay. Oo isna wuxuu ugu jawaabay, Wiilkaygiiyow, kuuma aan yeedhin ee iska jiifso.
7. Haddaba Samuu’eel weli ma uu aqoon Rabbiga, oo welina erayga Rabbiga looma muujin isaga.
8. Oo haddana Rabbigu wuxuu Samuu’eel u yeedhay mar saddexaad. Oo isna wuu kacay oo u tegey Ceelii, wuxuuna ku yidhi, Waa i kan; waayo, waad ii yeedhay. Oo Ceeliina markaasuu gartay in Rabbigu u yeedhay yarka.
9. Sidaas daraaddeed Ceelii wuxuu Samuu’eel ku yidhi, Tag oo iska jiifso, oo waxay ahaan doontaa, hadduu kuu yeedho inaad ku tidhaahdid, Rabbiyow ila hadal, waayo anoo addoonkaaga ah waan ku maqlayaaye. Sidaas aawadeed Samuu’eel waa tegey oo meeshiisuu jiifsaday.
10. Markaasaa Rabbigu u yimid, oo ag istaagay, oo sidii mararkii kale ayuu u yeedhay oo ku yidhi, Samuu’eelow, Samuu’eelow. Markaasaa Samuu’eel wuxuu yidhi, Ila hadal, waayo, anoo addoonkaaga ah waan ku maqlayaaye.
11. Markaasaa Rabbigu Samuu’eel ku yidhi, Bal eeg, waxaan reer binu Israa’iil ku dhex samaynayaa wax ku alla kii maqlaaba uu ka nixi doono.
12. Oo maalintaas waxaan Ceelii ku samayn doonaa kulli wixii aan reerkiisa kaga hadlay oo dhan, ilaa bilowgii iyo xataa dhammaadka.
13. Waayo, waxaan isaga u sheegay inaan reerkiisa weligiis u xukumayo dembigii uu ogaa, maxaa yeelay, wiilashiisii inkaar bay isku rideen, oo isna kama uu joojin iyagii.
14. Sidaas daraaddeed waxaan reerka Ceelii ugu dhaartay inaan reerka Ceelii weligiis dembigiisa lagu nadiifin doonin allabari amase qurbaan.
15. Markaasaa Samuu’eel iska jiifsaday ilaa subaxdii, oo dabadeedna wuxuu furay gurigii Rabbiga albaabbadiisii. Oo Samuu’eelna waa ka cabsaday inuu Ceelii muujintii u sheego.
16. Markaasaa Ceelii Samuu’eel u yeedhay, oo ku yidhi, Wiilkaygii Samuu’eelow, oo isna wuxuu yidhi, Waa i kan.
17. Markaasuu ku yidhi, Waxa Rabbigu kuu sheegay waa maxay? Waan ku baryayaaye, ha iga qarin. Ilaah ha kugu sameeyo waxaas iyo wax ka sii daranba, haddii aad iga qarisid innaba wixii uu kuu sheegay oo dhan.
18. Oo Samuu’eelna wuu u sheegay wax kasta, oo waxba kama uu qarin innaba. Markaasuu yidhi, Isagu waa Rabbiga, ee ha sameeyo wixii la wanaagsan isaga.
19. Oo Samuu’eelna wuu koray, Rabbiguna waa la jiray isaga, oo uma oggolaan in erayadiisii midna dhulka ku dhaco.
20. Oo reer binu Israa’iil oo dhammuna tan iyo Daan iyo ilaa Bi’ir Shebac way wada ogaayeen in Samuu’eel loo adkeeyey inuu ahaado Rabbiga nebigiis.
21. Oo Rabbigu haddana mar kale ayuu ka muuqday Shiiloh, waayo, Rabbiga ayaa eraygiisii isugu muujiyey Samuu’eel oo Shiiloh jooga.

  1Samuel (3/31)