← 1Samuel (28/31) → |
1. | Oo wakhtigaas reer Falastiin ciidammadoodii oo dhan dagaal bay u soo urursadeen inay reer binu Israa’iil la diriraan. Aakiishna wuxuu Daa’uud ku yidhi, Ogow inaad adiga iyo raggaaguba dagaalka ii raacaysaan. |
2. | Oo Daa’uudna wuxuu Aakiish ku yidhi, Hubaal waad ogaan doontaa waxa anoo addoonkaaga ah aan samayn doono. Oo Aakiishna wuxuu Daa’uud ku yidhi, Taas aawadeed mid madaxayga weligii ilaaliya ayaan kaa dhigayaa. |
3. | Oo Samuu’eelna mar hore wuu dhintay, oo reer binu Israa’iil oo dhammuna way u baroorteen, waxayna ku aaseen Raamaah taasoo ahayd magaaladiisii. Saa’uulna wuu wada eryay kuwii ruuxaanta lahaa iyo saaxiriintii oo dhan, oo dalka wuu ka wada saaray. |
4. | Oo reer Falastiinna way isa soo wada urursadeen, oo Shuuneem soo degeen; Saa’uulna wuxuu soo wada urursaday reer binu Israa’iil oo dhan, oo iyana waxay soo degeen Gilboca. |
5. | Saa’uulna markuu ciidankii reer Falastiin arkay ayuu baqay, aad buuna u gariiray. |
6. | Oo Saa’uulna markuu Rabbiga wax weyddiiyey, Rabbigu uma uu jawaabin, oo riyooyin iyo Uuriim iyo nebiyo midnaba uguma uu jawaabin. |
7. | Markaasaa Saa’uul wuxuu addoommadiisii ku yidhi, War ii doona naag ruuxaan leh, aan u tago oo wax weyddiiyee. Markaasaa addoommadiisii waxay ku yidhaahdeen, Naag ruuxaan leh baa Ceyn Door joogta. |
8. | Kolkaasaa Saa’uul si kale iska dhigay, dhar kalena wuu qaatay, wuuna tegey, isagoo laba nin la socda, oo waxay naagtii u yimaadeen goor habeennimo ah. Markaasuu ku yidhi, Waan ku baryayaaye, ruuxaanta iila hadal, oo ii soo kici ku alla kii aan kuu magacaabo. |
9. | Naagtiina waxay ku tidhi, Bal eeg, waad og tahay Saa’uul wuxuu sameeyey, iyo siduu dalka uga saaray kuwii ruuxaanta lahaa, iyo saaxiriintii oo dhanba. Haddaba bal maxaad dabin iigu dhigaysaa si aan u dhinto? |
10. | Markaasaa Saa’uul Rabbiga ugu dhaartay, oo ku yidhi, Rabbiga noloshiisaan ku dhaartaye inaan waxan innaba lagugu ciqaabayn. |
11. | Dabadeedna naagtii waxay tidhi, Haddaba yaan kuu soo kiciyaa? Wuxuu isna ku yidhi, Samuu’eel ii soo kici. |
12. | Oo naagtii markay Samuu’eel aragtay ayay cod weyn ku qaylisay, oo Saa’uul la hadashay oo tidhi, War maxaad ii khiyaanaysay? Waayo, Saa’uul baad tahay. |
13. | Markaasaa boqorkii wuxuu ku yidhi, Ha cabsan ee maxaad aragtaa? Naagtiina waxay Saa’uul ku tidhi, Waxaan arkaa ilaahyo dhulka ka soo baxaya. |
14. | Isna wuxuu ku yidhi, Muxuu u eg yahay? Markaasay tidhi, Waxaa soo baxaya nin oday ah oo huwis huwan. Kolkaasaa Saa’uul wuxuu ogaaday inuu kaasu Samuu’eel yahay, wejiguuna dhulka saaray, wuuna u sujuuday. |
15. | Markaasaa Samuu’eel Saa’uul ku yidhi, War maxaad ii soo dhibtay oo ii soo kicisay? Markaasaa Saa’uul wuxuu ugu jawaabay, Anigu aad baan u dhibbanahay; waayo, reer Falastiin baa ila dagaallama, oo Ilaahna waa iga tegey, oo marna iima jawaabo, oo nebiyo iyo riyooyin midna igulama hadlo, sidaas daraaddeed ayaan kuugu yeedhay, inaad i ogeysiisid waxaan sameeyo. |
16. | Markaasaa Samuu’eel wuxuu yidhi, War adoo og in Rabbigu kaa tegey oo uu col kuu noqday, maxaad wax ii weyddiinaysaa? |
17. | Oo Rabbiguna wuxuu samaystay wixii uu iga hadlay, oo Rabbiguna boqortooyadii gacantaada wuu ka dillaaciyey, oo wuxuu siiyey deriskaaga kaaso ah Daa’uud. |
18. | Maxaa yeelay, waad addeeci weyday Rabbiga codkiisii, cadhadiisii weynaydna Camaaleq waad ku dili weyday, oo sidaas daraaddeed baa Rabbigu maanta waxan kuugu sameeyey. |
19. | Oo weliba Rabbigu wuxuu adiga iyo reer binu Israa’iilba u gacangelin doonaa reer Falastiin. Berrito adiga iyo wiilashaaduba anigaad ila joogi doontaan. Oo Rabbiguna wuxuu ciidanka reer binu Israa’iil ku ridi doonaa gacanta reer Falastiin. |
20. | Markaasaa Saa’uul haddiiba kulligiis dhulka ku dhacay, oo aad buu u cabsaday erayadii Samuu’eel aawadood, oo itaalna kuma jirin, waayo, waxba ma uu cunin maalintii oo dhan iyo habeenkii oo dhanba. |
21. | Markaasaa naagtii u timid Saa’uul oo aragtay inuu aad u naxsanaa, oo waxay ku tidhi, Bal eeg, anoo addoontaada ah codkaagii baan maqlay, oo anna naftaydii baan biimeeyey, erayadii aad igula hadashayna waan maqlay. |
22. | Haddaba waan ku baryayaaye, bal adna codkayga maqal anoo addoontaada ah, oo in yar oo kibis ah aan hortaada dhigo, oo adna cun si markaad tagtid aad xoog u yeelatid. |
23. | Laakiinse wuu diiday, oo wuxuu yidhi, Anigu waxba cuni maayo. Laakiinse addoommadiisii ayaa naagtii kula qasbay; markaasuu codkoodii yeelay. Oo intuu dhulkii ka kacay ayuu sariirtii ku fadhiistay. |
24. | Oo naagtuna waxay guriga ku haysatay weyl shilis, kolkaasay haddiiba degdegtay, oo soo qashay, oo haddana bur soo qaadatay oo cajiintay, oo waxay ka dubtay kibis aan khamiir lahayn. |
25. | Dabadeedna waxay soo hor dhigtay Saa’uul iyo addoommadiisii, wayna cuneen. Kolkaasay kaceen, oo isla habeenkii bay tageen. |
← 1Samuel (28/31) → |