← 1Samuel (18/31) → |
1. | Oo markii uu dhammeeyey lahadliddii uu Saa’uul la hadlayay ayay naftii Yoonaataan ku xidhantay naftii Daa’uud, oo Yoonaataan wuxuu isaga u jeclaaday sidii naftiisa. |
2. | Oo maalintaasaa Saa’uul qaatay oo mar dambena uma uu oggolaan inuu gurigii aabbihiis tago. |
3. | Markaasaa Yoonaataan iyo Daa’uud axdi dhigteen, maxaa yeelay, wuxuu isaga u jeclaaday sidii naftiisii. |
4. | Markaasaa Yoonaataan iska bixiyey khamiiskiisii uu huwanaa, oo Daa’uud siiyey, iyo dharkiisii, iyo xataa seeftiisii, iyo qaansadiisii, iyo suundhabarkiisii. |
5. | Oo Daa’uudna meel alla meeshii Saa’uul u diro ayuu tegi jiray, wuuna ku guulaysan jiray; oo Saa’uulna wuxuu madax uga dhigay raggii dagaalka, oo taasuna way la wanaagsanayd dadkii oo dhan iyo addoommadii Saa’uul oo dhanba. |
6. | Oo markay yimaadeen, markii Daa’uud ka soo noqday layntii reer Falastiin, dumarkii baa waxay ka yimaadeen magaalooyinkii reer binu Israa’iil oo dhan si ay Boqor Saa’uul uga hor tagaan iyagoo gabyaya oo cayaaraya, oo faraxsan oo daf iyo alaabtii muusikada tumaya. |
7. | Oo dumarkiina midba midda kalay gabay u celisay, iyagoo cayaaraya, oo waxay yidhaahdeen, Saa’uul wuxuu laayay kumanyaalkiisii, Daa’uudna wuxuu laayay tobanyaalkiisii kun. |
8. | Saa’uulna aad buu u cadhooday, oo hadalkaas ayuu ka xumaaday, wuxuuna yidhi, Waxay Daa’uud ku sheegeen tobanyaal kun, laakiinse aniga waxay igu sheegeen kumanyaal; oo maxaa intaas ka badan oo uu heli lahaa boqortooyada mooyaane? |
9. | Oo Saa’uulna maalintaas dabadeed Daa’uud si xun buu u fiirin jiray. |
10. | Oo subaxdii dambe ruux xun oo xag Ilaah ka yimid ayaa ku soo degay Saa’uul, oo sidii nebi ayuu wax ugu sii sheegay guriga dhexdiisa. Markaasaa Daa’uud wuxuu gacanta ku dhuftay kataarad siduu maalin walba yeeli jiray; oo Saa’uulna gacantuu ku haystay warankiisii. |
11. | Oo wuxuu yidhi, Daa’uud derbigaan ku qodbi doonaa. Markaasaa Saa’uul warankii ku soo ganay. Daa’uudna laba jeer buu ka gabbaday. |
12. | Oo Saa’uulna Daa’uud buu ka cabsanayay, maxaa yeelay, Rabbigaa isaga la jiray, wuuna ka tegey Saa’uul. |
13. | Sidaas daraaddeed Saa’uul wuu iska fogeeyey isagii, oo wuxuu ka dhigay sirkaal kun u taliya; isaguna dadka hortiisuu ka bixi jiray, soona geli jiray. |
14. | Oo Daa’uudna wuu ku guulaysan jiray socodkiisa oo dhan, Rabbiguna wuu la jiray. |
15. | Oo Saa’uulna markuu arkay in Daa’uud aad u guulaystay ayuu la yaabay. |
16. | Laakiinse reer binu Israa’iil iyo reer Yahuudah oo dhanba Daa’uud aad bay u jeclaayeen; waayo, isagu hortooduu ka bixi jiray, soona geli jiray. |
17. | Oo Saa’uulna wuxuu Daa’uud ku yidhi, Bal eeg, gabadhayda weyn oo Meerab ah ayaan kuu siinayaa inaad guursato; laakiinse waa inaad ii xoog badnaato oo aad dagaallada Rabbigana dirirto. Waayo, Saa’uul wuxuu isyidhi, Yuusan gacantayda ku bixin, laakiinse gacanta reer Falastiin ha ku baxo. |
18. | Markaasaa Daa’uudna wuxuu Saa’uul ku yidhi, War yaan ahay, oo noloshaydu waa maxay, amase reer aabbahay xaggay ka joogaan reer binu Israa’iil, inaan ahaado wiilkii boqorku soddogga u ahaa? |
19. | Laakiinse wakhtigii Saa’uul gabadhiisii Meerab ahayd Daa’uud loo guurin lahaa, waxaa la siiyey oo loo guuriyey Cadrii’eel oo reer Mexolaad ahaa. |
20. | Oo gabadhii Saa’uul oo Miikaal ahayd ayaa Daa’uud jeclaatay. Markaasaa Saa’uul loo sheegay, oo taasuna isagii way ka farxisay. |
21. | Markaasaa Saa’uul wuxuu isyidhi, Dabin ha ku noqotee, isaga waan siin iyada, si ay gacanta reer Falastiin isaga gees uga ahaato. Sidaas aawadeed Saa’uul wuxuu Daa’uud ku yidhi, Adigu maanta waxaad mar labaad noqonaysaa wiilkii aan soddogga u ahaa. |
22. | Markaasaa Saa’uul wuxuu addoommadiisii ku amray oo ku yidhi, Daa’uud hoos ahaan ula hadla, oo waxaad ku tidhaahdaan, Bal eeg, boqorku wuu kugu farxay, oo addoommadiisa oo dhammuna way ku jecel yihiin; haddaba sidaas daraaddeed boqorku soddog ha kuu noqdo. |
23. | Oo addoommadii Saa’uulna erayadaas waxay u sheegeen Daa’uud. Oo Daa’uudna wuxuu yidhi, Ma waxay idinla tahay inay fudud dahay inaan ahaado wiilkii boqorku soddogga u ahaa, anigoo ah nin miskiin ah oo weliba derejo yar? |
24. | Oo Saa’uul addoommadiisiina way u soo sheegeen oo ku yidhaahdeen, Daa’uud sidaasuu u hadlay. |
25. | Markaasaa Saa’uul wuxuu yidhi, Sidan Daa’uud ku dhaha, Boqorku waxba yarad kaa dooni maayo, boqol buuryo oo reer Falastiin oo boqorka cadaawayaashiisa looga aarguto mooyaane. Haddaba Saa’uul wuxuu damcay inuu Daa’uud u gacangeliyo reer Falastiin. |
26. | Oo addoommadiisiina markay Daa’uud erayadaas u soo sheegeen ayaa Daa’uud aad ugu farxay inuu ahaado wiilkii boqorku soddogga u ahaa. Maalmahaasuna ma ay dhammaan; |
27. | markaasaa Daa’uud kacay oo tegey isagii iyo raggiisiiba, oo waxay reer Falastiin ka soo laayeen laba boqol oo nin; markaasaa Daa’uud buuryadoodii keenay, oo boqorkii bay siiyeen tiradoodii oo dhan, si Daa’uud u noqdo wiilkii boqorku soddogga u ahaa. Saa’uulna wuu siiyey gabadhiisii Miikaal inay naag u noqoto. |
28. | Oo Saa’uulna wuu arkay wuuna ogaa in Rabbigu Daa’uud la jiro; oo Saa’uul gabadhiisii Miikaal ahaydna Daa’uud bay caashaqday. |
29. | Saa’uulna aad buu uga sii cabsanayay Daa’uud; oo Saa’uulna had iyo goorba Daa’uud cadow buu u ahaa. |
30. | Markaasaa waxaa soo baxay amiirradii reer Falastiin; oo sidii ay marar badan u soo bixi jireen, ayaa Daa’uud ka sii guul badnaa addoommadii Saa’uul oo dhan; oo sidaas aawadeed magiciisii aad iyo aad buu caan u noqday. |
← 1Samuel (18/31) → |