1Kings (9/22)  

1. Oo Sulaymaan markuu dhammeeyey dhismihii guriga Rabbiga, iyo gurigii boqorka, iyo kulli wixii uu damacsanaa oo uu ku faraxsanaa inuu sameeyo oo dhan,
2. ayaa Rabbigu Sulaymaan mar labaad u muuqday, siduu markii hore Gibecoon ugu muuqday oo kale.
3. Oo Rabbigu wuxuu ku yidhi, Waan maqlay tukashadaadii iyo baryootankaagii aad hortayda ku samaysay; oo quduus baan ka dhigay gurigan aad dhistay si magacayga weligiisba halkaas loogu daayo, oo indhahayga iyo qalbigayguna halkaasay joogi doonaan weligood iyo weligoodba.
4. Oo adiguna haddaad sidii aabbahaa Daa’uud oo kale hortayda ugu socotid qalbi daacad ah iyo qummanaan, si aad u yeeshid wax alla wixii aan kugu amray oo aad u xajisid qaynuunnadayda iyo xukummadayda,
5. de markaasaan dhisi doonaa oo aan weligiis waarin doonaa carshiga boqortooyadaada ee reer binu Israa’iil u taliya sidaan ugu ballanqaaday aabbahaa Daa’uud, markaan ku idhi, Nin carshiga dalka Israa’iil ku fadhiista lagaa waayi maayo.
6. Laakiinse idinka ama carruurtiinnu haddaad lasocodkayga ka leexataan oo aydnaan dhawrin amarradayda iyo qaynuunnadayda aan idin hor dhigay, laakiinse aad intaad tagtaan ilaahyo kale u adeegtaan oo caabuddaan,
7. de markaasaan reer binu Israa’iil ka gooyn doonaa dalkii aan siiyey; oo gurigan aan magacayga aawadiis quduus uga dhigayna hortaydaan ka tuuri doonaa, oo reer binu Israa’iilna markaas waxay dadyowga oo dhan ku dhex noqon doonaan maahmaah iyo halqabsi.
8. Oo in kastoo guriganu dheer yahay, haddana mid walba oo ag maraaba wuu la yaabi doonaa, oo wuu ku foodhyi doonaa, oo wuxuu odhan doonaa, Rabbigu muxuu sidan uga dhigay dalkan iyo gurigan?
9. Oo waxaa lagu jawaabi doonaa, Waxay ka tageen Rabbigii Ilaahood ahaa oo awowayaashood ka soo bixiyey dalkii Masar, oo waxay raaceen ilaahyo kale, wayna caabudeen oo u adeegeen, oo sidaas daraaddeed baa Rabbigu xumaantan oo dhan ugu soo dejiyey.
10. Oo markay dhammaadeen labaatankii sannadood ee uu Sulaymaan labadii guri dhisayay, kuwaasoo ahaa gurigii Rabbiga iyo gurigii boqorka,
11. ayuu Boqor Sulaymaan Xiiraam siiyey labaatan magaalo oo ku tiil dalkii Galili. (Maxaa yeelay, Xiiraam oo ahaa boqorkii Turos wuxuu Sulaymaan siiyey qoryo kedar ah, iyo qoryo beroosh ah, iyo dahab, in alla intuu doonayay.)
12. Oo Xiiraamna wuxuu Turos uga soo kacay inuu arko magaalooyinkii Sulaymaan siiyey, kumana uu farxin.
13. Markaasuu yidhi, Walaalkayow, magaalooyinkan aad i siisay waa maxay? Kolkaasuu magaalooyinkii u bixiyey dalkii Kabuul oo ilaa maantadanna waa la yidhaahdaa.
14. Xiiraamna wuxuu boqorkii u diray boqol iyo labaatan talanti oo dahab ah.
15. Oo sababtii uu Sulaymaan shaqaalayaashii u doortay waxay ahayd inuu dhiso gurigii Rabbiga, iyo gurigii uu isagu lahaa, iyo Millo, iyo derbigii Yeruusaalem, iyo Xaasoor, iyo Megiddoo, iyo Geser.
16. Waayo, Fircoon oo ahaa boqorkii Masar mar horuu tegey oo Geser qabsaday oo gubay, oo wuxuu laayay dadkii reer Kancaan oo magaalada degganaa, oo qayb ahaan ayuu u siiyey gabadhiisii Sulaymaan u dhaxday.
17. Markaasaa Sulaymaan dhisay Geser, iyo Beytxooroontii hoose,
18. iyo Bacalad, iyo Taamaar oo ku dhex tiil cidladii dalka,
19. iyo magaalooyinkii wax lagu kaydin jiray ee uu Sulaymaan lahaa oo dhan, iyo magaalooyinkii gaadhifardoodkiisa, iyo magaalooyinkii fardooleydiisa, iyo wixii uu Sulaymaan jeclaaday inuu ka dhisto Yeruusaalem iyo Lubnaan, iyo dalkii uu boqorka ka ahaa oo dhan.
20. Oo weliba dadkii ka hadhay reer Amor, iyo reer Xeed, iyo reer Feris, iyo reer Xiwi, iyo reer Yebuus, oo aan reer binu Israa’iil ahayn,
21. kuwaas farcankoodii dalka ku hadhay oo anay reer binu Israa’iil karin inay wada baabbi’iyaan, Sulaymaan wuxuu ka dhigtay addoommo ilaa maantadan la joogo.
22. Laakiinse reer binu Israa’iil Sulaymaan addoommo kama dhigan, waxayse ahaayeen raggii dagaalyahannada ahaa, iyo midiidinnadiisii, iyo amiirradiisii, iyo saraakiishiisii, iyo taliyayaashii gaadhifardoodkiisa, iyo fardooleydiisaba.
23. Kuwanu waxay ahaayeen saraakiishii Sulaymaan hawshiisa u talin jiray oo ahaa shan boqol iyo konton nin oo u taliya dadka hawsha qabta.
24. Laakiinse gabadhii Fircoon waxay ka soo baxday magaaladii Daa’uud, oo gashay gurigeedii uu Sulaymaan iyada u dhisay; markaasuu haddana wuxuu dhisay Millo.
25. Oo sannaddiiba saddex jeer ayuu Sulaymaan meeshii allabariga oo uu Rabbiga u dhisay ku bixin jiray qurbaanno la gubo, iyo qurbaanno nabaadiino, oo girgirihii Rabbiga hor yiilna wuxuu ku gubi jiray foox, oo saasuu gurigii ku dhammeeyey.
26. Markaasaa Boqor Sulaymaan doonniyo ku sameeyey Cesyoon Geber taasoo ku taal Eelood dhinaceeda ee ah xeebta Badda Cas ee ku taal dalka Edom.
27. Oo Xiiraamna wuxuu doonniyihii raaciyey addoommadiisii baxriyiinta ahaa oo badda aqoonta u lahaa, oo waxaa wada jiray iyaga iyo addoommadii Sulaymaan.
28. Waxayna yimaadeen Oofir, oo halkaasay Boqor Sulaymaan uga keeneen afar boqol iyo labaatan talanti oo dahab ah.

  1Kings (9/22)