← 1John (3/5) → |
1. | Bal ogaada siduu yahay jacaylka Aabbuhu ina siiyey, taasoo ah in laynoogu yeedho carruurta Ilaah, oo saasaynu nahay. Sidaa aawadeed dunidu ina garan mayso, maxaa yeelay, isagaba ma ay garanaynin. |
2. | Gacaliyayaalow, imminka waxaynu nahay carruurta Ilaah; oo weli waxaynu noqon doonno lama muujin, laakiin waxaynu og nahay in goortuu muuqdo aynu noqon doonno sidiisa oo kale, waayo, waynu arki doonnaa isaga siduu yahay. |
3. | Oo mid kasta oo waxyaalahaas ka rajeeyaa isaga, naftiisuu daahiriyaa siduu isaguba daahir u yahay. |
4. | Kii kasta oo dembi falaa wuxuu falaa caasinimo; oo dembigu wuxuu yahay caasinimo. |
5. | Oo idinku waad og tihiin in isagu u muuqday inuu dembiyadeenna inaga qaado, oo isagu dembi ma leh. |
6. | Ku alla kii isaga ku sii jiraa, ma dembaabo; ku alla kii dembaabaa ma uu arkin isaga, oo weliba ma yaqaan isaga. |
7. | Carruurtiiyey, yaan cidi idin khiyaanayn; kii xaqnimo falaa waa xaq siduu isaguba xaq u yahay. |
8. | Kii dembi falaa wuxuu yahay kan Ibliiska; oo Ibliisku tan iyo bilowgii ayuu dembaabayay. Taas aawadeed ayuu Wiilka Ilaah u muuqday inuu baabbi’iyo shuqullada Ibliiska. |
9. | Ku alla kii Ilaah ka dhashay dembi ma falo; maxaa yeelay, Ilaah dabiicaddiisu way ku sii jirtaa isaga; oo ma dembaabi karo, waayo, wuxuu ka dhashay Ilaah. |
10. | Tan ayay carruurta Ilaah iyo carruurta Ibliisku ku kala muuqdaan; ku alla kii aan xaqnimo falin ma aha kan Ilaah, oo waxaa la mid ah kan aan walaalkii jeclayn. |
11. | Oo kanu waa warkii aad tan iyo bilowgii maqlayseen, kaasoo ah inaynu isjeclaanno, |
12. | oo aynaan ahaanin sida Qaabiil oo ahaa kan sharka leh oo walaalkii dilay. Oo muxuu u dilay? Waayo, shuqulladiisu waxay ahaayeen shar, oo kuwii walaalkiisna xaq bay ahaayeen. |
13. | Walaalayaalow, ha la yaabina haddii ay dunidu idin neceb tahay. |
14. | Waxaynu og nahay inaynu dhimashada ka soo gudubnay oo aynu u soo gudubnay nolosha, maxaa yeelay, walaalaha ayaynu jecel nahay. Oo ka aan walaalkii jeclayn, dhimashaduu ku sii hadhaa. |
15. | Ku alla kii walaalkii neceb waa dhiigqabe, oo idinkuna waad og tihiin inaanu dhiigqabena lahayn nolosha weligeed ah oo ku sii jiraysa. |
16. | Taasaynu jacaylka ku garanaynaa, waayo, isagu naftiisuu u bixiyey aawadeen; oo innaguna waa inaynu nafteenna u bixinno walaalaheen. |
17. | Laakiin kan leh xoolaha dunidan, oo arka walaalkiis oo baahan, oo qalbigiisa ka xidha, sidee baa jacaylka Ilaah ugu jiraa isaga? |
18. | Carruurtaydiiyey, yeynan ku jeclaanin hadalka iyo afka toona, laakiin camalka iyo runta aan ku jeclaanno. |
19. | Oo taasaynu ku garan doonnaa inaynu kuwa runta nahay, oo aynu isaga hortiisa qalbigeenna kaga dhiiro gelin doonnaa |
20. | xagga wax alla wixii qalbigeennu inagu eedeeyo, maxaa yeelay, Ilaah waa ka weyn yahay qalbigeenna, oo wax walbaba wuu og yahay. |
21. | Gacaliyayaalow, haddii aan qalbigeennu ina eedayn, kalsoonaan ayaynu ku leennahay xagga Ilaah. |
22. | Oo wax kastoo aynu ka barinno waynu ka helnaa, maxaa yeelay, qaynuunnadiisa ayaynu xajinnaa, oo waxaynu falnaa waxa isaga ka farxiya. |
23. | Oo kanu waa qaynuunkiisa, kaasoo ah inaynu rumaysanno magaca Wiilkiisa Ciise Masiix ah, oo aynu isjeclaanno, siduu qaynuunka inoo siiyey. |
24. | Oo kii xajiya qaynuunnadiisa, wuu ku sii jiraa isaga, isaguna wuu ku sii jiraa. Oo saasaynu ku garanaynaa inuu isagu inagu sii jiro xagga Ruuxa uu ina siiyey. |
← 1John (3/5) → |